Sharabaada Casoow Afkaagaad Eeday!!

0
733

Picture1Beri baa waxaa xanuunsaday libaax ,habar-dugaag oo dhan buu ka dalbaday  inay dawo u soo raadiyaan  waxaanu  kula balamay in maalinta isniinta ee soo socota  layskugu yimaado hoygiisa si uu  uga gudoomo dawooyinka ay u soo helaan habar-dugaag

Markii ay balantii gaadhay ee dhaman xayawaankii oo dhami joogaan  ayaa wuxuu waydiiyeylibaaxii   yaa innaga maqan  , YEY  oo taagan meel aan ka dheerayn libaaxa ayaa intuu  soo boodo yidhi  waxa maqan dacawo!

Libaaxii intii cadhooday ayuu yidhi haaddoow  orodoo soo doon doon dacawo,  annaa aqaane shaqadeedee!

Haadkii baa  intuu  duulay,  wuxuu arkay dacawo oo  meel aan ka fogeyn kayntii shirku ka socday,  reer  ag deganaa adhigoodi  laba laxaad oo ka mid ah gaad gaadaysa oo damacsan inay cunto , haadkii baa ku yidhi “ dacawooy shirkii kaligaa baa ka maqan boqorkii oo cadhaysana  wuxuu yidhi hada u yeedha dacawo , ee inna mari waa lagu sugayaaye  ,  isla markiiba intay dareen qaadatay ayey waydiisay  cida u sheegtay libaaxa inaan maqa nahay iyo sida uu ku ogaaday,  haadkii wuxuu ku yidhi  “ markii libaaxu ku day dayey  cida shirka  ka maqan ayuu  YEYgu intuu is xariifiyey ku yidhi dacawaa maqan sidaasaanu kugu ogaaday libaaxu  , intay madaxa ruxday oo ay tidhi haye , ayey labadii laxaad ee ay gaad gaadaysay  ku booday oo  labada  badhyood ka gosatay markaasay  tidhi inna mari

Goobtii libaaxa iyo habar dugaag oo dhami  joogeen ayey soo  gaadheen iyadoo wali la la’a yahay dawadii  libaaxu u baahnaa ileen wuu bukaaye ,

Dacawadii oo naxsan oo foor foorar  sanaysa  ayuu libaaxii indho cadho leh ku soo eegay   oo ku yidhi xageedku  maqnayd  dayayooy ileen balantu maantay ahayde  , dawacdii baa tidhi”  haa  waynu balansanayn boqorow,” laakiin hadaan runta kuu sheego dabiibkaagii uun baan raadinayoo waxaan u tagay maalin dhawayd habar faaliso ah , waxaanay ii sheegtay in dawada qudha ee aad ku boqsan kartaa ay tahay in layskugu kaa daro  laba laxaad oo tebisa badhidooda dabadeedna laguugu daro oo lagu shiilow xiniinyo YEY, taas bay dawadaadu tahay ee waa kuwan laxaa badhidoodii ee iga gudoon YEYgana adaa yaqaan sidaad xiniinyaha ugu qaadanayso

Libaaxii intuu dhoola cadeeyey ayuu ku yidhi” horta dayooy waan kugu ogaa caqli badnaanta  waanad mahadsan tahay , markaasu libaaxii intuu YEYgii oo agg tagaagnaa  eegay yidhi waar  qabta oo xiniinyaha ka saara ileen waa dawadaydiiye

Halkaas baana  yeygii xiniinyihii lagaga saaray oo uu ku noqday dhufaan

Markaasaa kulankii  lagu kala dareeray ,  YEYgii oo dhiiga shalakhsanaya ayaa meeshii ka dhaqaaqay isagoo   waadh waadhsanaya  ,YEYgii  dhiigii ka da,ayey awgii  baa  lagihiisa oo cad cadaa ka dhigay casaan taas oo aad moodo inuu xidhan yahay sharabaado cas cas

Dacawadii ayaa intey dhoola  cadaysay  YEYgii ku tidhi   waar hooy, hooy  , hada waxaan la hadlayaa inanka sharabaadaa cas cas  xidhan, sharabaada casoow  afkaagaad  eeday , hadaad afkaaga haysan lahayd waxaasi kumay gaadheen! ! !

WQ;  Kamaal Xassan Isaaq

0025263-4402758

Email:

kamalcadow@hotmail.com