Faysal Cali Waraabe Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Daciifisay Siyaasadii Dibadda Oo Ay Ka Tagtay Saaxiibadii Uu Daahir Rayaale Qaddiyadda U Sameeyay

0
578

Picture8

Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in siyaasada arrimaha dibadda ee dalku daciiftay muddadii xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Axmed Siilaanyo ay dalka ka talinaysay, waxaana uu sheegay in aan wax xidhiidho ah lala samayn wadamo badan oo maamulkii ka horeeyey ay xidhiidh wada lahaayeen. Isaga oo carabka ku dhuftay in kaliya safarada ay Somaliland gashaa ay ku eeg yihiin oo qudha sii maritaanka dawlada Itoobiya iyo sida oo kale ka soo laabashada wadanka Ingiriiska.

Eng:Faysal Cali Waraabe, oo muddooyinkii danbe safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa isaga oo ku sugan dalka Jarmalka hadalkan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wariye Iid Aadan oo ka tirsan shabakada Somalilandlive.com waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in hada laga daba tago sidii loo badbaadin lahaa siyaasada arrimaha dibada oo uu sheegay in ay sii daciifayso.

"Waxa weeye siyaasada arrimaha dibada ee dawladu illaa maalintii xukuumadani timi waa ay soo daciifaysay, dawladii hore dhulkii ay tagtay iyo saaxiibnimadii ay samaysay oo dhan waa laga go'ay Koonfur Afrika illaa Iskaan-daneefiyaanka, maantana waad arragtaa oo safarada aan dibada u baxnaa waa waddo qudha oo Itoobiyada la sii maraayo iyo Ingiriiska oo la soo maro, meel kale oo aan horta garaacna ma jirto oo Ingiriiska ayey ku dhamaata oo aynu ka soo noqonaa, marka wadamada aanu soo marnay maaha arrinka dalka Somaliland mid ay Yurub u soo jeedo bulshada Yurub waxaa ay u jeeda waa Somaliya oo inta been la sheegay lacago lagu qaado oo la yidhi Somaliya waa ay soo qurux badatayoo aduunka ayey ku soo noqotay oo dee Ingiriiska oo wada dacaayad ah Bbc-dana ayaaba ka doodaysay Somaliya oo soo noolaatay Ingiriiskuna dee baasiinta wadanka ku jirta ayuu doonayaa in uu qoto. Markaa dee laakiin waxii waa aynu ka daba tagaynaa, waana aanu ka daba tagnay, wax badana waanu ka soo qabanay, wasiirka arrimaha dibaduna runtii waa uu dadaalayaa oo dadku dee farta ayey ku fiiqaan laakiin sida aan anigu u ogahay waa uu dadaalayaa."Ayuu yidhi:Md:Faysal Cali Waraabe.

Md:Faysal Cali Xuseen, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu soo jeediyey in la qaado weerar siyaasad arrimo dibadeed ah kaas oo lagu kasbanayo sidii ay Somaliland beesha caalamka uga mid noqon lahayd, waxaana uu ku booriyey dadka qurbaha ku nool in ay kaalintooda ka qaataan sidii ay qadiyada Somaliland ay meel kasta oo ay joogaan ugu  noqon lahaayeen safiiro u adeega danta umadda Somaliland, waxaana uu yidhi:

"Haddaynu sidan ku sii jirnana dee waa la ina illoobayaa oo ay arrinteenuna ay ku koobnaato uun dee Turkiga, safarkeenuna dee Ingiriiska dee Kiiskeenu kiis la illaabay ayuu noqonayaa oo waa in aan qaadna siyaasad dibadeed oo weerar ah(Aggresive forieng policy), oo haddii dee taa la qaadana idinku wada safiiro ayaad tihiin, wada wasiir khaaraji ayaad tihiin, waa qayrkiin raga maanta kolba warqadaha meesha gaynayaa ee Somaliland ka dhigaaya reer yar oo meel fadhiistay oo Soomaali diida ah, waa in aad kacdaan ku bilowdaan oo xafiisyada gashaan, wadamada aad barataan, oo qayrkiina la tartan taan sidii barigii halkii oo qof waliba guddoomiye SNM ah ayuu ahaa qof qof wax ku halayn jiray muu san jiri jirin oo imika taladii Somaliland waa aynu isku halaynay." .

Eng:Faysal Cali Waraabe, waxaa uu sida oo kale dawlada dhexdhexaadinaysa wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee Turkiga ku tilmaamay mid aan dhex dhexaad ahayn, isaga oo tilmaamay in beesha caalamku ay u aragto wada hadalada Somaliland iyo Somaliya kuwo aan meelnaba u soconin.

"Dee wata aan yaabsanahay, waxana kuu sheegayaa in aanu dhex dhexaad ahayn, wadamada aan soo maray marka ay ka waramayaan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee Turkiga waxay yidhaahdeen waa arrin aan meelnaba qabanayn oo meel lagu socdaa aanay jirin iyaguna way ogyihiin kuwa dawladu hadana waa iyaga oo aanay kuwa walo waynta ahi aanay tagin ayey kuweenu sii tagaan, markaa waxa weeye guul darro ayaa ina haysata, masiibo ayaa ina haysata oo dad aan ismaqlayn umadd aan wada tashanayn wadan ma dhisi karto runta ayaan idiin sheegayaayee, dadka ayeynaan been u sheegin oo waxyaabihii umadda lagu noqonaayey waa ay inaga maqan tahay, wadaniyadnimadii ayaa inaga maqan, wax dhiskii waxa ka xoog wayn waa qabiilkii, wada tashigii ayaa inaga maqan, wada shaqayntii ayaa inaga maqan oo waa aynu isku xajiimoonaynaa, dadku markaa waa in ay isa saxaan oo xataa in aynu dhaliilaheena sheegno ayeynu ka baqanaynaaba."Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Ugu danbayntiina guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxaa uu sheegay in urur gobeleedka IGAD uu in badan ka gaabiyey soo dhex galida arrimaha Somaliland iyo Somaliland, waxaana uu tibaaxay in haddii tibaaxay in haddii doorashada ay xumaato nabada ay haysato Somaliland ay sida oo kale xumaanayso nabada guud ahaaba geeska Afrika oo saamayn ku yeelanaysa wadamada Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

"Waxa weeye waxa layaaba leh IGAD dee koonfurta Suudaan iyo Koonfurta Somaliyaba waa ay soo dhex gashay oo shalayto ayey ahyadba, meel kasta oo Afrika ahna waxa ka dhaca waa ay soo dhex gashaa innaga danba ee dee innagama laha oo ah meeshii nabada Geeska Afrika oo dhanba haysay waana Somaliland, Somaliland-na haddii ay nabad galyadeedu xumaato Jabuutidaa inagu xigta ayaanay nabad galyo ka jirayna, Itoobiyana noqon mayso, Kiiniyana jiri mayso.marka waxa weeye inaga taag daraanteena Siyaasad la'aanteena iyo arragti gaabnaanteena ayaa waxan odhanba keenaya."Ayuu yidhi Eng:Faysal Cali Xuseen.