Duruust Laga Baran Karo Dadaalka Ka Muuqda Taariikhda Xiddiga Kubadda Cagta Ee Maxamed Salaax

0
939

Qormadan waxa aynu ku soo ururinynaa taariikh nololeedka xiddiga kubadda cagta ee xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Ingiriiska. Qofka nolosha guusha ka gaadhay oo taariikhdiisa la daraaseeyaa waxa ay noqon kartaa casharo uu qofku ka baran karo waxyaabo ka caawiya guusha uu higsanayo isaguna.

Waxa u uku barbaaray tuulaha Najriij oo ku yaalla degmada Alqarbiya ee dalka Maar, isaga oo weli aad u yar ayaana la arkay saansaanta hibada kubadda cagta ee ku jirta. Sidaas awgeed isaga oo weli toddoba jir ah ayaa uu aabihii ku dhiirrigeliyey ciyaarta kubadda cagta, oo uu si dhaqso ah ugu biiray naadiyada carruurta deegaanku ku tartamaan. Mar kale ayaa uu aabihii isaga weli Salaax yar waxa uu geeyey naadiga Biisoon si uu ugu sii tababarto. Halkaas ayaanay ka heleen dillaaliinta naadiga Muqaawaluuna Danda, oo ka tirsan naadiga Muqaawaluuna Alcarab oo Qaahira ka dhisan. Naadigan ayaana muddo kaddib ka codsaday in uu ku biiro kooxihiisa carruruta ah.

Tallaabadii koowaad ee uu Maxamed Salaax dhinaca mihnadda si rasmi ah ugu qaadayba waxaa ka hor timi dhirbaaxo lama filaan ah oo halis gelisay in ay qaadhiso hankiisa ciyaarta kubadda cagta. Hooyadii ayaa si adag u diiday in wiilkeedu u utago magaalada Qaahira ee naadiga qaatay uu doonayey in uu geeyo, iyada oo ka warwar qabta in safarka uu isaga dab qaadayo Qaahira iyo Tuuladiisa Najriij uu sabab u noqdo in ay weydo maadaama oo uu jidku ahaa mid aad u dhib badan oo shilal joogto ahi ka dhacaan. Sida oo kale Maxamed Salaax hooyadii waxa ay aaminsanayd in aanu jirin wax waxbarashada lagu doorsan karaa, sidaas awgeed waxa ay wiilkeeda la doonaysay in uu nidaamka waxb arasho ee rasmiga ah dhammaysto, in uu Qaahira tagana waxa ay u arkaysay in ay jihadaas waxbarashada ka leexinayso.

Salaax nin yar buu ahaa kubaddana aad buu u xiisaynayey, isaga oo aabihiina taageero badan uga helay doonistiisa. Laakiin tallaabada uu arrintan ku xalliyey ayaa noqotay dersi yaab leh oo muujinaya sida uu u yahay shakhsi leh hibooyin badan oo hoggaaminta naftu ka mid tahay. Salaax isaga oo aan diidmo qayaxan iyo dhibaato kale hooyadii ku abuurin waxa uu la galay dood dheer oo uu ugu sheegayo jacaylkiisa kubadda cagta, isla markaana ugu xaqiijinayo in aanu waxbarashada hooyadii la doonayso ka tegeyn. Xalka uu keenay hooyadiina ku qanciyeyna waxa uu noqday, in uu arroor kasta sidii caadiga ahayd ugu jarmaadi doono dugsiga waxb arashada, marka uu soo rawaxana u safri doono Qaahira si uu tababarka u soo qaato. Waxad kale oo uu u sheegay in uu iibsanayo talefanka gacanta oo uu mar kasta u furnan doono in uu u jawaabo hooyadii ama isaguba la soo xidhiidho si uu qalbigeeda uga ilaaliyo warwarka safarka badan ee uu geli doono.

Maxamed Salaax waxa uu doonayey in uu ciyaarta kubadda cagta ka gaadbo heerarka ugu sarreeya dalka Masar, laakiin niyaddiisa kuma ay soo dhicin, kuman a uu fikirin in iman karto maalin uu xirfaddiisa kubadda cagta kaga shaqayso qaaradda Yurub. Laakiin dabeecadda sababaha guushiisa loo tirinayo ee uu illaa yaraantiisaas lahaa waa in aanu weligiiba ku qancin hadba halka uu joogo, balse mar kasta meel ka sii sarraysa raadinayey.

Qofka nolosha guusha ka gaadhay oo taariikhdiisa la daraaseeyaa waxa ay noqon kartaa casharo iyo waayoaragnimo uu qofku ka baran karo waxyaabo ka caawiya guusha uu higsanayo isaguna.

Maxamed Salaax dabeecadaha sababaha guushiisa loo tirinayo ee uu illaa yaraantiisaas lahaa waxaa ka mid ahayd in aanu weligiiba ku qancin hadba halka uu joogo, balse mar kasta meel ka sii sarraysa raadinayey.

Ha ka cadhoon taageereyaashaada

Maxamed Salaax sannadkii 2015 ka waxa uu ka soo ciyaaray Chelsea, halkaas oo uu kalgacalkii koowaad ee xirfaddiisa ka mutaystay, kooxahanina ka codsadeen in uu ku biiro. Laakiin aragti taas ka duwan ayaa uu isagu lahaa.

Salaax waxa uu isagu doorbidayey in uu Rooma ka ciyaaro, bishii Ogosto 2015 kii ayaanu amaah ugu tegey kooxda Fiorentina ee Talyaaniga, taas oo a cadhaysiisay taageereyaashii Florence oo khaayin ku tilmaamay. Bishii Oktoobar ee isla sannadkaas 2015 kii, Kooxda oo uu Salaax la socdaa waxa ay tagtay Fiorentina oo ah xarunta kooxda taageereyaasheedu cadhada u qabeen, intii uu garoonka ku jirayna waxaa lagu soo dhoweeyey foodhi iyo ereyo fogeyn iyo hiif ah, laakiin deggenaanshiyo dunida oo dhami ka yaabtay ayaa uu ku qaabilay, ciyaar aad u qurux badan oo uu la yimina waxa uu ku guulaystay in uu gool dhaliyo. Waxaa xiise leh in Maxamed Salaax mar kale isaga oo tixgelinaya dareenka taageereyaasha kooxdiisii hore in uu diiday in uu goolasha uu ku dhaliyey uu dabbaaldego, arrintaas oo wax badan ka beddeshay cadhadii kooxdu ku qaabishay, hoosna u dhigtay ereyadii ka dhanka ahaa isaga ee ay ku dhawaaqayeen taageereyaasha kooxdu.

Tababaro ha murmurmin

Salaax markii uu joogay Basel, Switzerland, waxa uu qorshaystay in uu tago kooxda Liverpool, laakiin hal talefan oo loo soo diray ayaa jihadii uu u socday u beddelay Chelsea. Tababaraha caanka ah ee Jose Mourinho oo markaas ahaa agaasimaha farsamo ee kooxda Chelsea ayaa taleefanka kala soo xidhiidhay Salaax waxa aanu u sheegay in uu u baahan yahay in uu ugu yimaaddo Chelsea, dalabkaas oo uu diidi kari waayey xiddiga reer Masar, ixtiraam uu u hayo macallinka oo uu diidi kari waayey awgeed. Laaiin Salaax fursado ku filan kama uu helin Chelsea-da uu ugu yeedhay Mourinho waana sababta keentay in uu laba jeer amaah ugu tago kooxda Fiorentina Roma.

Salaax guulo badan kama uu gaadhin kooxdi Chelsea ee uu uga yimi kooxdiisii hore ee Basel, sababtuna waxa ay ahayd fursad dhammaystiran oo aanu kooxda ka helin. Muddo sannad ka badan oo uu ku qaatay garoonka Stamford Bridge 530 daqiiqo oo keliya ayaa laga ciyaariyey wareegga (League) Ingiriiska, lix ciyaarood oo keliya ayaanu asaasi u ahaa, toddoba kalana beddel ayaa uu ku soo galay. Kaddib waxa uu xiddiga Salaax ka soo dhex widhwidhay yeyda Rooma, waxa aanu u wareegay magaalada Liverpool, waxa aanu xilli ciyaareed taariikhi ah u horseeday kooxda ‘Guduudaneyaasha’.

Wacdaraha uu Salaax ka dhigay ciyaarta Liverpool waxa ay sababtay in dhaliilo aad u xooggan loo jeediyey macallin Mourinho oo loo arkayey in uu dayacay Salaax, sababna u noqday in uu kooxda Chelsea ka dhaqaajiyo. Arrintan waxaa xiiseeyey dadka arrimaha ciyaaraha ka faallooda iyo warbaahinta laakiin waxaa yaab noqday sida aanu mar keliya Salaax cadho iyo nacayb ugu muujin Mourinho. Waxa uu diiday in lagu dhiirrigeliyo in ay iska hor yimaaddan magacallinkiisa hore, munaasabad kasta oo arrintan lagula soo qaadana waxa uu kaga jawaabay ammaan xooggan iyo niyadwanaag uu u muujiyo Mourinho.

Kubadda cagtu sida ay u wareegsantahay  ayaanay u lahayn u talagal, sidaas awgeed ma jiro wax diidaya in berri ay mar kale isaga iyo Mourinho isugu keento garoonka, markaa ma jirto sabab uu colaad u beeraa, isaga oo weliba markaas uu xirfadda ku cusub. Anshax wanaaggaas Maxamed Salaax ayaa sabab u ah in maanta ay isaga iyo Mourinho ay u leeyihiin xidhiidh wacan. Waana suurtagal in ay tahay sababta keentay in macallinkan oo afxumada caan ku ahi aanu weligii wax taban uga sheegin Salaax, xitaa marar ay fursad uu wax kaga sheegi karaa soo martay.

Jaalkaagii shalay maanta ha dhaawicin

Bilo yar kaddib markii uu Maxamed Saalax ka tegey Rooma ee uu u guuray Liverpool, waxa uu nasiibku keenay in nus dhammaadkii xilli ciyaareedka horyaallada Yurub ay kooxdiisa cusub iska hor yimaaddaan kooxdiisa Yeyda ee uu ka soo guuray, oo weliba markii uu ka tegeyey 2017 kii uu ahaa go’aan laga dalbaday in uu ka noqdo oo uu ku adkaystay.

Maxamed Salaax ciyaartan waxa uu ka muujiyey odaynimo iyo ixtiraam weyn oo u hayo taageereyaashiisa kooxdii shalay. Inkasta oo ay aflagaado iyo hadallo deelqaaf ah ku soo dhoweeyeenna waxa uu isagu kaga jawaabay xurmayn iyo in uu ka fogaado fal ama erey kasta oo si uun dareentaban ugu abuuri kara Talyaaniga.

Maxamed Salaax waxa uu dhaliyey afar ka mid ah shanta gool ee kooxdiisaa Liverpool ay kaga adkaatay kooxdiisa hore oo laba gool keentay. Waxaa dadka oo dhan soo jiitay sida aanu Maxamed Salaax mar keliya ugu dabbaaldegin goolashiisa guusha keenay oo laba ka mid ah uu si aad u qurux badan u dhaliyey., waxa uu ku dadaalay in aanu ku dul damaashaadin jaalkiisii shalay iyo taageereyaashiisii hore, arrintaas oo mar keliay wada qabsatay cinwaananda waaweyn ee wargeysyada iyo warbaahinta ciyaaraha ee dunida guud ahaan iyo dalka Talyaaniga si gaar ah.

Hal-adaygaa hibada ka horreeya

Salaax oo ka soo jeeda tuule sabool ah oo ka arradan adeegyada bulsho oo dhan, waxa u uku guulaystay in uu ka adkaado duruufaha qallafsan ee ku xeeran oo dhan, una gudbo halka uu maanta taagan yahay ee ah in uu ka mid yahay ciyaaryahannada ugu muhiimsan dunida maanta.

Waa dhab in uu hibo u leeyahay xirfaddan, laakiin hibadiisu waxa ay muuqatay markii uu la yimi hal-adayga uu kaga soo hoos baxay duruufahaas ku xeernaa kuna dhiirraday ka midho dhalinta riyadiisa. Salaax intii uu ku soo jiray geeddiga kubadda cagta waxaa ka hor yimi taakooyin adag oo tiro badan, sida marar badanba qofka caadiga ah ku dhacdana waxa uu maray xaaladaha gadgaddoonka badan ee kor u kac iyo hoos u dhac ah.

Dad badan ayaa caqabadaha ka hor imanayaa ay ku kallifaan in ay is dhiibaan iyo in ay ka hadhaan hanka ay marka hore u socdeen. Laakiin Salaax waxa uu ku adkaystay in mar kasta oo uu dhacaba uu kaco, waa laga yaabaa in sababaha ay ka mid tahay tababarka qofku ka qaadanayo ciyaarta kubadda cagta oo aanu ciyaartoygu dhicis u hakan. Maxamed Salaax waxaa lagu tilmaamaa shakhsi aan turaanturro u hakan, waxaana tusaale u ah sida aanu mar keliya ugu niyadjabin caqabaddii bilowgiiba ka hortimi ee ahayd in tababaro Mourinhu uu ku illaabay kaabadaha kayda ciyaarta ee kooxda Chelsea.

Akhlaaq iyo diin ha ka tegin

Akhlaaqada suubban iyo ku dheggenaanta anshaxa hiddhaha iyo dhaqanka u ah qofku waxa ay qayb ka qaataan xidhiidhka wanaagsan ee uu qofku la yeelanayo dadka uu jaalka kula noqonayo geeddigiisa guusha. Laakiin taas macnaheedu ma aha in qofku uu addoon u noqdo caadooyinka iyo aragtiyaha aan horusocodka ahayn. Arrintani waxa ay ka muuqataa Maxamed Salaax oo ah shakhsi ku dheggen dhaqanka uu ku soo barbaaray, laakiin haddana markii ee uu doonistiisa ka hor yimi marar badan ka baydhay, waxaa ka mid ah in uu dhaqankii baadiyaha Masar dhinac iska dhigay markii uu arkay in ciyaarta kubadda cagta uu u arko waqti lumis.

Wacadka oo la dhowro

Wacad ka oo la oofiyaa mid ka mid ah dabeecadaha dhifta lagu helo, waa ay adagtahay in qofku ka soo baxo wacadka uu ku jiro, isaga oo dhinaca kalana gelaya geeddi dheer oo nololeed ama hawlo waqti qaadanaysa. Waa sababta ugu badan ee dadka guulaystay loogu eedeeyo wacad ka baxa, iyada oo lagu qiimaynayo ballamo iyo axdiyo ay galeen guusha ka hor oo markii ay guusha gaadheen ay ka baxeen. Waxaa marar badan dhacda in qofku marka uu heer ka gaadho nolosha in deegaanka iyo asxaabta cusub ee nolosha badhaadhuhu wadataa ay illowsiiyaan ciddii xilligii duruufaha adag ku xeernayd. Salaax jidkaas waa uu ka baydhay, guusha kaddib meesha uu kalgacalka ugu badan iyo wax qabadka kula soo noqday waxa ay noqotay degmadiisii, waxa se aan la illaawin sida uu u ilaaliyey wacadkii jacaylka.

Yaraantiisii waxa uu jacayl carruurnimo ka dhexeeyey gabadh yar oo degaankiisa ahayn, laakiin cidi ma ogeyn oo waxa uu ahaa xidhiidh aad u qarsoon maadaama oo uu dhaqanka ka hor imanayey. Salaax gabadhan waxa uu u ballanqaaday in uu guursan doono laakiin ay tahay uun marka uu himiladiisa ka midho dhaliyo. Geeddi dheer oo nololeed ayaa uu galay, illaa uu ku dambeeyey liiska xiddiga kubadda cagta adduunka. Markaas ayaa uu dib ugu soo noqday tuulihii u uku noolaan jiray, waxa aanu raadiyey gabadhii da’da yaray oo ah xaaskiisa illaa maanta.

Dhaqanka Salaax lagu arkay waxa kale oo ka mid ah in nolosha Yurub iyo xiddignimadu aanay waxba ka beddelin habdhaqankiisii diineed. Waxa uu weligiiba ahaa yahayna weli muslim ku fiican cibaadada, waxa uu ka mid yahay ciyaaryahannada muslimka ah ee lagu ammaano ilaalinta salaadda, soonka iyo akhriska qur’aanka. Waxa kale oo uu caan ku yahay dhowrista dhaqankii baadiye ee uu ku soo barbaaray.

Waxaa xusid mudan in waxaas oo dhami haddana aanay saamayn ku yeelan galaangaliisa bulsho iyo in uu la jaanqaado deegaanka ku cusub ee Yurub, dhaqanka dhalinyarada ay ciyaartu isu keento iyo bulshada dabaqadaha sare ee caannimadu ku xidhay.

Riyadaada ma rumayn kartid haddii aanad rumaysnayn

Salaax tan iyo bilowgii geeddigiisa xirfadda waxaa lagu bartay kalsooni badan oo uu naftiisa ku qabo, waxa uu mar kasta aaminsanaa naftiisana ku qanciyey in uu jiro wax u gaar ah oo uu dad badan kaga duwan yahay, dabcan kaas oo ah hibada kubadda cagta. Waxa uu ku dhaadan jiray in mar uun uu gaadhi doono higsigiisa. Tusaale ahaan riyooyinkiisa uu sida kalsoonida leh u aaminsanaa in uu gaadhi doono waxaa ka mid ahaa in uu maalin uun noqon doono xiddiga ugu fiican Liigga Yurub, taas oo uu gaadhay, abaalmarinna ku helay.

Farxad abuur

Waxaa waajib ah in qof kasta lagu qiimeeyo guusha uu gaadhay iyo geeddiga uu u soo maray guushaas ee dadaalka iyo waqtiga badani ka galay. Macno malaha qofku takhasuska uu guusha ka gaadhay, waayo qasab maaha in umadda oo dhami isku himilo keliya noqoto. Haddii midi jecel yahay in uu xiddig ka noqdo kubadda cagta, waxaa jira mid xiisaynaya in uu sayanisyahan dawooyin cusub soo saara noqdo, mid kalana waxa uu doonayaa in uu darajo sare ka gaadho ciidamada, halka midina ku dhaadanayo in uu maalin uun siyaasadda caynaanka u qabto. Dhammaan waa higsiyo muhiim ah, mid kasta oo dadkaas ka mid ahi marka uu higsigiisaa gaadhana waxa ay ka dhigantay in uu guul gaadhay.

Dadka kale ee bannaanka ka joogaana guulahaas sida ay dadkani u gaadheen iyo sheekada caqabadaha ka hor yimi ayaa ay u qaadan karaan duruus ay ka bartaan gaadhista himiladooda. Haddii aad rabto in aad siyaasadda meel sare ka gaadho, haddana weli waxa aad duruus ka baran kartaa qofka guusha ka gaadhay soo saarista dawooyinka ama qoraaga tobannaanka buug qoray.

Kasbo garaadka bulsho (Social Intelligence)

Awoodda uu qofku u leeyahay in uu barto naftiisa iyo nafaha ku xeeran ayaa afka cilmiga bulshada iyo cilminafsiga lagu yidhaahdaa Social Intelligence. Waxa uu cilmigani inta badan ka yimaaddaa waayoaragnimada uu qofku dadka u yeelanayo, iyo sida uu wax uga baranayo guusha iyo guuldarrada xaaladaha bulsho. Waa karti isugu jirta hibo u dhalasho ah iyo barasho ka timaadda waayoaragnimada oo laga faa’iidaysto.

Maxamed Salaax waa nin uu aad u sarreeyo garaadkiisa bulsho, waxaa lagu tilmaamaa shakhsi awood u leh in uu taageeradiisa iyo diidmadiisa labadaba si kalsooni leh u cabbiri karo isaga oo aan dhaawacin jacaylka dadka oo dhami u hayaan. Waa dhaqan ay adagtahay in qofku isku helo, oo inta badan qofku waxa uu diidan yahay waxa uu u cabbiraa qaab uu xitaa xidhiidhkii qofka kale a dhexeeyey ku dilayo.

Maxamed Salaax waxa uu ka mid yahay xiddigaha fara kutiriska ah ee aan dhaawacin dareenka taageereyaasha dhaliila ama tarabuunka laga diidan yahay fadhiya. Waana mid ka mid ah sababaha uu jacaylka loo hayaa u noqday mid dhinacyo iyagu is diidan ka imanaya.

Mararka qaarkood is miidaaminta waa loo baahdaa, laakiin mar kasta xisaab ku soco

Maxamed Salaax markii fursaddu u saamaxday in uu ka guuro kooxda Basel ee dalka Switzerland una wareegay kooxda Chelsea, Salaax waxa uu u arkay in ay tahay fursad dahabi ah oo uu naftiisa ku horumarin karo waayoaragnimada ciyaareed ee wareegga Ingiriiska. Nasiibdarro caqabaddii uu kala kulmay macalinkiisa Mourinhu ee kuraasta kaydka ku illaaway ayaa ku kallifay in uu mar kale isaga tago oo Talyaaniga tago, inkasta oo uu weli damaciisu ahaa in uu dib ugu soo noqdo ciyaaraha Premiere League.

Muddo uu Talyaaniga joogay kaddib markii uu helay dalabka Liverpool ayaanu mar kale ku soo noqday Ingiriiska, in kasta oo dad badani arrintan uga digeen iyaga oo u sheegaya in ay khatar tahay in uu ka tago naadi uu guul ku dhex sameeyey, taageereyaashiisuna aad u jeclaadeen. Si kastaba ha ahaato ee Salaax waxa u caddaa higsigiisa ah in uu meel sare ka gaadho xirfadda, waxa aanu ogaa in halka uu magaca iyo fursadda ugu weyn ka helayaa ay tahay ciyaaraha Ingiriiska, si uu taas u helana uu ku qasban yahay in miidaamo u badheedho. Maxamed Salaax oo arrintan mar dambe ka hadlayey ayaa yidhi, “Imika ayey saaxiibbo badani ii garaabaan in aan saxnaa”

Hibada ilaalinta hibada

Salaax waxa uu aaminsanyahay in ay kala duwan tahay in qofku uu hibo yeesho iyo in uu leeyahay xirfad iyo karti uu hibadaas oo khataraha ku xeeran ee tirada badan ay ka mid tahay khatarta ka dhalata caan noqoshada qudheeda.

Qof kastaa sida uu ugu baahan yahay in uu hibadiisa ha midha dhalinteeda guul ka gaadho, si la mid ah ayaa ay muhiim u tahay in uu hibada uu ilaaliyo, sumcadda iyo darajada uu ku gaadhana ka fogeeyo khataraha kaga iman kara dhaawaca caannimada.

Garaadka siyaasiga ah

Maxamed Salaax intii uu u ciyaarayey Basel Switzerland qorituurka ciyaaraha kubadda cagta ee Yurub waxa uu isku beegay naadigan uu u ciyaarayey iyo naadiga Maccabi ee ka dhisan Israa’iil. Marka la eego dhaqanka carbeed iyo qadiyadda Falastiin arrintani waxa ay ahayd culays weyn oo soo foodsaaray xiddiga reer Masar. Waxaa markiiba dunida muslimka badankeeda iyo taageereyaashiisa muslimiinta ah ee dunida ka soo yeedhay dhawaaqyo ay kaga codsanayaan in aanu ka qaybgelin laba kulan ciyaareed oo naadigiisu la leeyahay naadiga Israa’iiliga ah.

Salaax waxa uu isku dayey in ka negaado socdaalka ciyaareed ee kooxdiisu ku tegeyso Tel Aviv, laakiin maamulka naadiga ayaa ku adkaystay in aanu ka hadhin kooxda, waxa aanay loogu hanjabay in joogitaankiisa laga soo qaadi doono amar diido sidaas awgeed ay cawaaqib yeelan doonto.

Markan ayaa uu Salaax go’aansaday in uu dabac muujiyo mar kale, waxa aanu ogolaaday dalabkii naadiga, laakiin wacyi iyo garaad siyaasadeed oo aad u sarreeya ayaa uu adeegsaday, waxa aanu helay tab uu ku qanciyey taageereyaashii ka cadhooday tegitaankiisa Israa’iil. Waxa uu sheegay in go’aankiisu yahay in Israa’iil laga adkaado shacab ahaan iyo kubad ahaan labadaba. Waxa aanu go’aansaday in labada ciyaaroodba uu naadigiisa guul u soo hooyo, si uu cawilnaq u siiyo taageereyaashiisa ka xumaan tegistiisa Israa’iil, arrintaas oo u uku guulaystay.

Ciyaartii uu Israa’iil u tegey Salaax waxa uu si xeeladaysan uga dheeraaday in uu gacan qaado ciyaartoyiga Israa’iil, kaddib markii uu isku mashquuliyey xadhkaha kababa. Durbadiiba taageereyaashii tegistiisa Israa’iil ka xumaa waxa uu ka helay hadal hayn iyo taageero ay ku ammaanayaan tallaabada uu salaantii Yuhuudda kaga fogaaday. Salaantii ciyaarta ka horna waxa uu isa saaray labada gacmood oo uu ciyaartoygii kale u muujiyey salaam, haddana aanu gacan qaadin. Arrimahani waxa ay meesha ka saareen cabsidii laga qabay in taageereyaal badani ay Salaax iskaga tegi doonaan, waxa aanay uba kordhisay kalgacal iyo hadal hayn badan oo cusub.

Haddaba garaadkiisa siyaasiga ah ee kobocsani waxa uu Salaax u suurtageliyey in uu raalligeliyo naadigiisa si aan loo caydhin, taasina noqon caqabad bilawgaba saqiirisay guushiisa, sida oo kale waxa uu la yimi xeelado heerkoodu sarreeyo oo taageereyaashiisii muslimiinta ahaa illowsiisay cabadhii ay ka qabeen tegitaaniisa Israa’iil, illaa heer ay qaarkood uga hadleen sida in uu yahay halyeey Israa’iil la dagaalamay.

La qabsigu waa furaha guusha

Mar kasta duruufo ka duwan kuwii hore ayaa nolosha la soo dersa, waayuhu waa ay gadgaddoomaan, shaqada, xirfadda, waxbarashada, iyo tallaabo kasta oo aad qaaddaa waxa ay leedahay dadkeeda iyo duruufaheeda. Sida oo kale meel kasta oo aad tagtaa waxa ay leedahay dabeecadaheeda. Waa ay kala duwan yihiin in aad iska dhowrto wixii dhaqanka aad ku abtirsato iyo diintaada burinaya iyo in aad noqoto qof xidhxidhan oo haddii aanu helin dadkii ay labadaas wadaagayeen isagu kelidii meel istaaga.

Salaax waxyaabaha lagu ammaano waxaa ka mid ah in deegaannada iyo dadka cusub ee uu ku baranayey kooxaha iyo dalalka kala duwan ee uu maray, in uu mid kasta ula jaanqaaday sidii ugu quruxd badnayd ee aanu tiisiiniia tuurayn, faquuqnidana uga fogaan lahaa.

Waxba ma hanan karin haddaanad bilaabin

Shay kasta bilowgiisu waa adagyahay, qiso kasta oo guul ahi waxa ay ku bilaabataa kacaa kuf iyo fashilaad, qofka oo hawlqabashada ka baqaana bilowga guuldarrada. Maxamed Salaax riyadiisu waxa ay ahayd in uu guul ka gaadho xirfadda kubadda cagta, iskama fadhiyiin ee waa uu ka hawlgalay sidii uu u gaadhi lahaa himiladaas, isaga oo weliba naftisia ku kalsoon in ay gaadhi karto. Fursad kasta oo soo marta waa uu ka faa’iideeyey, caqabadaha ka hor imanayaana hal adayg ayuun bay u kordhinayeen iyo in uu ku sii socdo jidkiisa.

Diintaada oo aad dhowrtaa furaha qalbiga xasiliyo, deggenaanshiyaha iyo kalsoonida ay abuurto ayaana guusha kaa caawin kara:

Maxamed Salaax waa muslim sunni ah oo uu qoyskiisu ku soo ababiyey wanaagga diinta, sidaas awgeed waxa uu mar kasta jecel yahay in uu ku faano diintiisa, isla markaana aanu ka tegin dhaqankii diintiisu baraysay. Waana suurtagal in guulaha uu gaadhay ay sababahooda ka mid yihiin kalsoonida uu isku qabo. Maxamed Salaax oo ka yimi deegaan baadiye ah oo dhaqanka iyo diintu qiime sare ku leeyihiin, waxa uu mar keliya ku dhex noolaaday bulsho diinta Islaamka sas ka qabta oo reer galbeedka ah, dad masaajidka tegistiisa iyo gabdhka oo qofku uu la baxo u aragta xagjir, xitaa magaciisa Muxamed ahi uu sabab u noqon karo in aan meelo badan laga soo dhoweyn. Waxaas oo dhan isaga oo og haddana Maxamed Salaax waxa uu caadaystay in uu gadhka la baxo, in uu sujuud ku dabbaaldego garoonka dhexdiisa, in uu salaadda si joogto ah u tukado, in uu cibaadada soonka ku dheggenaado iyo in uu safarrada u qaato Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo uu ku akhrsto.  Waxa ay taasi horseedday in ay wax badan iska beddelaan taageereyaashii islaamka necbaa kooxaha uu u ciyaaro, waxaa dhacday in meherado kala duwan Maxamd Salaax loogu magac daro iyo in dad badani ka noqdaan fikirkii ay magaca Maxamed Saska kaga qabeen. Waxaana soo baxay taageero badan oo qaabkiisa u deysanaya gadhka, ama dhaqanno kala duwan ka eeganaya.

Magaca iyo guushu kibir yaanay keenin

Dad badan ayaa uu magaca iyo maalku ku keenaa qab iyo in uu la soo baxo dabeecado sarrayntiisa muujinaya. Laakiin inta badan dabeecadahaasi waxa ay qofka ku xidhaan meel bulshada ka durugsan, haddii aanay kaba dhigin ruux bulshada ka faquuqan. Taas oo haddii ay dhacdo u horseedi karta fashilaad dambe iyo in ay shacbiyaddiisu lunto.

Marwaan Saciid oo ku xeeldheer kubadda cagta ee Masar ayaa talefishanka BBC Sports u sheegay in Maxamed Salaax uu yahay nin deggen, oo is dhul dhiggu ku badan yahay. Shakhsi bulshadiisa aan ka dhex bixin, haddana aan ku dhex milmin fadhi ku dururka.

Dersiga ugu badan ee laga baran karaana waa is dhul dhigga. Marka waraysiyadiisa la eego waxaa dhaqso loo dhadhansanayaa sida uu u yahay shakhsi aanu kibir iyo qab ku jirin. Waxa uu jecel yahay in cadhada iyo dareenka kacsan uu qosol dhoolla caddayn ah ku qariyo. Waxa uu jecel yahay in marka dadka la barayo lagu ydihaahdo keliya magaciisa iyo in uu yahay ciyaartooy.

Muraad Yaakiin oo ahaa tababarihii ugu horreeyey ee Salaax markii uu geeddiga ciyaareed ku joogay Naadiga Basel ee dalka Switzerland sannadkii 2012 kii. Waxa uu sheegay in Salaax aanay waxba ka beddelin caannimadu. Mar uu habdhaqankiisa sifaynayeyna waxa uu yidhi, “Waa shakhsi is dhul dhig badan, laakiin marka uu garoonka gudihiisa ku jiro waa hoggaamiye, waa shakhsi hal adayg leh oo go’aamo adag qaadan kara.

Guul kastaa waxa ay leedahay dad ku xeeran oo kaalin uun ku lahaa gaadhisteeda, madaxda shaqada xaaska, saaxiibbada, waalidka iyo jaalka aad isku shaqo ama xirfad tihiin ayaa marar badan kaa caawiya in aad guul gaadho, xitaa mararka qaarkood iyaga oo aan fidnayn. Si kastaba ha ahaato ee Maxamed Salaax waxa uu caan ku yahay in madal kasta oo ay munaasab ku tahayba ka sheego dadkaas geeddiga guushiisa gacan taagnaa. Dhammaad.