“Arrimaha Ciidamada In Weji Kale Loo Yeelo Maaha..” Suldaan Aadan Faarax

0
465

Hargeysa (Geeska) – Suldaan Aadan Faarax Cumar oo ka mid ah Salaadiinta iyo Madaxda dhaqanka ee Somaliland, ayaa ka xog-warramay xaaladda iyo marxaladda uu dalku marayo, waxaanu ka digay in la abuuro dhibaatooyin qaranimada waxyeelo ku noqon kara.

Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyey go’aanka uu Madaxweynuhu ka qaatay musharixiinta ka soo jeeda Beelaha la hayb-sooco iyo Haweenka u taagan Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dalkeenu waa dal nabdoon, wax dhibaato ahina kama taagna, ee wixii hagardaamo inagu ah, nabadgalyadeenana khal-khal ku keenaya ha la iska ilaaliyo, ta kale waxaynu nahay dal buuxiyey shuruudihii looga baahna dal la aqoonsan yahay, oo weli aqoonsi caalamiya maynu helin, laakiin ilaa hadda dhabihii la inagu aqoonsanayey waynu haynaa, insha allaah aqoonsigana waynu heli doonaa, dedaalkii aynu ku helaynaa dabcan weynu wadnaa, ee Shacab, Xisbiyo, Dawlad iyo Ciidamaba inaynu mar kasta isku duubnaano ayaa la inooga baahan yahay, oo aynu iska ilaalino wax qaranimadeena hagardaamo ku ah, runtiina Xukuumadda waan uga mahadnaqayaa Askarigaas xanuunsanayey ee la qaaday, arrimaha Ciidamadana in waanag lagaga hadlo mooye in weji kale loo yeelo maaha”.

Mar uu ka hadlayey go’aanka uu Madaxweynuhu ka gaadhay lacagtii laga qaadi lahaa Musharixiinta ka soo jeeda Beelaha la hayb-sooco iyo Haweenka ee u taagan Doorashooyinka Wakiillada iyo Deeganka ayuu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, wuxuu qaatay go’aan aad inooga farxiyey, Madaxweynuhu wuxuu qaatay go’aan dhiirigelin ah, Madaxweynuhu wuxuu qaatay go’aan aad looga farxiyey, maadaama uu isagu ka faalo qaatay lacagtii Musharixiinta Beelaha la hayb-sooco iyo Haweenka ee u taagan Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, runtiina Madaxweynuhu go’aan geesinimo iyo dhiirigelin ku jirto ayuu qaatay, waana uga mahadnaqayaa, maadaama uu qaaday talaabo ku dayasho mudan”.

Dhinaca kale, Suldaan Aadan ayaa sheegay inuu filayo inay dalka ka dhacaan Doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay, waxaanu ku taliyey in Dadweyne iyo Dawladba lagu dedaalo ilaalinta nabadgalyada, maadaama lagu jiro wakhti Doorashooyin dalka ka dhacayaan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office