Duruus Lagama Maarmaan Nolosha U Ah Oo Aanay Dugsiyada Waxbarashada Loo Tagaa Bixin

0
599

Dad badan ayaa u haysta in waxbarashada muhiimkeedu uu ku kooban yahay dugsiyada oo keliya, laakiin runtu waxa ay tahay in ay jirto duruus aad u badan oo aynu ka baran karno nolosha oo keliya, waxaana in badan dhacdaba in duruustaas aynu ka baranayno noloshu ay ka muhiimsan yihiin kuwa aynu dugsiyada waxbarashada ku soo qaadanno.

Laakiin haddana duruusta dugsiga iyo kuwa noloshu waxa ay ku kala duwan yihiin qaabka aynu u baranayno. Duruusta dugsiga si deggen ayaa uu macallinku inoo siiyaa, waqti aynu ku soo qaybno inoo ogolaadaa, kadibna mar dambe imtixaanka innaga qaadaa, waxaana intaas dheer in duruusta dugsigu ay yihiin kuwo aynu innagu doonayno oo aynu u nimid. Laakiin duruusta noloshu sidaas ma’aha, marka koowaad waa kuwo lagu qasban yahay, waxaana u dheer in ay yihiin kuwo xanuun iyo dhib lagu baranayo, oo qofku aanu fahmi karin illaa silic iyo dhibaato naftiisa gaadhaan. Wargeyska Geeska Afrika waxa uu qormadan akhristayaashiisa kula wadaagayaa qaar ka mid ah duruusta lagama maarmaanka ah ee nolosha laga barto. Waana hab uu doonayo in akhristuhu uu wax ka barto waayo-aragnimada dadka kale ee dhibtan inta ay soo mareen duruus ka bartay, halkii uu ka sugi lahaa inta isagana dersigani uu qasab isku bari lahaa. Duruustaasina waxa ay yihiin sidan:

1. Muhiimad badan ha siinin arrimaha aadka u yaryar:

Dersigan waxaa dhigay qoraagii caanka ahaa ee Richard Carlson ayaa buugaagtiisa ku qoray dersigan. Waxa uu ku taliyey in aynaan waqti badan iyo dadaal ku lumin muhiimadsiinta arrimaha aadka u yaryar ama aan macnaha badan lahayn.

2. Noloshu saadaal ma’ laha:

Weligaa noloshaada ka ku xidhin arrimo saadaal ah iyo malo-awaalka sida uu xaalku noqon doono mustaqbalka. Iska jir in aad ku go’aan qaadato arrin la filayo in ay timaaddo. Waxaa iyaduna muhiim ah in shay kasta oo nolosha ku cusub aynu niyadsamaan ku soo dhoweyno, dhinaca sanna aynu ka eegno.

3. Iska jir in aad naftaada uun wax la doonto:

In arrin kasta oo aad wanaag u aragto aad jeclaysato in adiga laguugu horumariyaa waa nusqaanta ugu weyn ee nolosha qofka. Naftaada ku kalsoonoow, laakiin taas macnaheedu ma’aha in aad naftaada ka sheekayso, iyo in aad dadka mar kasta uga warranto guulaha aad hore u so ogaadhay, haddii kale waxa ay aakhirka kugu keenaysaa qab iyo in aad isu aragto ruux dadka kale ka sarreeya. La soco…