Cawil Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Guurtida Ka Ilaaliso Inay Kordhiso Wakhti Ka Badan Muddaynta Guddiga Doorashada Iyo Siyaasiyiinta Oo Ugu Kula Taliyay Xilkasnimo

0
598

Picture8Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii hore ee UDUB Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa ka hadlay wakhtiga cusub ee ay guddiga doorashooyinku u qabteen qabsoomida doorashooyinka Somailland ee Baarlamaanka iyo madaxtooyada oo ah 1 June 2016.

Md. Cawil, oo isagoo jooga magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu kaloo farriin u diray xukuumadda, golaha guurtida iyo xisbiyada mucaaradka, isagoo xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ugu baaqay inay muujiyaan xilkasnimo, bulshadana ka ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee ay warbaahinta isu mariyaan, halka uu golaha guurtida ugu baaqay inay wakhtiga ay guddiga doorashadu qabteen ku sar-gooyaan muddo kordhinta ay samayn doonaan.

“Hawsha doorashada waxa iska leh guddiga doorashooyinka oo mudada iyaga ayaa cayimaya,  markaas sannadkaas ay sheegeen  waa inay guurtidu kordhisaa si aan dawlad la’aan loogu dhicin, waa inay guurtidu sannadkaas ka dhigto oo aanay waxba ku kordhin.” Ayuu yidhi Xuseen Cali Ducaale Cawil, waxaanu intaas raaciyay “Marka doorasho laga hadlayo   waxa loo baahanyahay in had iyo jeer dalka la xasuusnaado, doorashadu waa maalin wax weyn o sidaas u culus maaha, waxase muhiim ah nabadgelyada iyo dadku inay nabadgelyo u codeeyeen oo qof walba qofkuu doonayo u codeeyo, markaas maalin doorasho dhacaysa in wax weyn laga dhigo oo dalka nabadgelyadiisa lagu dhaawaco maaha. Had iyo jeer siyaasiyiinta dulqaadka muujiya weeye kuwa magaca iyo sharafta ka raba dalkooda, markaas doorashadu hadday sannadka dambe noqotay wax fog maaha oo waa berito, markaas waxa looga baahanyahay siyaasiyintu in midhkaas la aqbalo, sannadkaas ay komishanku soo jeediyeena waa hawshoodii, haddii ay yidhaahdeen June 2016 ayaanu qabanaynaa waa in gacan lagu siiyaa oo aan meesha laga abuurin wax buuq keena oo dadku isku nacaan. Had iyo jeerna la xasuusnaado in wakhti xaasaasi ah la marayo, wakhtigii ugu cuslaa ayaan maraynaa, wada hadaladii Somaliya ayaa halkaas inoo yaala, doorashadani haddii ay sidii doorashadii hore u dhacdo nabadgelyo waxa hubaal ah inay wax badan soo dhawaynayo, doorashadii hore wax badan ayay soo dhawaysay, maanta waxyaabaha inoo kordhay waxa sabab u ah doorashadii hore, tana haddii  ay sidii si leeg ku dhammaato wax weyn ayaa iska bedelaya qaddiyadda Somaliland.”

Danjire Cawil, oo la su’aalay farriinta uu golaha guurtida u gudbin lahaa wuxuu yidhi “Guurtidu waxa weeye inaanay mudadaas ay komishanku dalbadeen waxaan ahayn ku kordhin, waayo waxay u eekaanayaan inay baalmareen codsigii guddiga doroashooyinka, taasi waxay keeni kartaa in la isku buuqo oo adduunkuna inagu dhaleeceeyo, guddiga doorashooyinku  intay soo qoreen hadday maalin ku daraan, adduunku way dhibsanayaan, dhaawac ayaana inooga imanaya, kalsoonidii guurtida lagu qabayna way lumaysaa. Markaas waxaan odayaasha guurtida oo aan ixtiraam badan u hayo ka codsan lahaa inay muddo kordhinta ku saleeyaan wakhtiga ay guddiga doorashoyinku cayimeen.”

Cawil Cali Ducaale, oo farriin u diraya xisbiyada mucaaradka ah wuxuu yidhi  “Mucaaradka waxaan leeyahay inay sannadka aqbalaan oo ay doorasho u diyaar garoobaan, ciddii guulaysatana gacan lagu siiyo oo loo sabciyo, iyaguna is dejiyaan oo ay hawshooda qabsadaan, hadalada xanafta leh  ee dadka kala fogaynayana la iska daayo, waayo hadalada ka soo baxa warbaahinta mararka qaarkood aad baan u dhibsadaa. Siyaasiyiintu waa inay mar walba xilkasnimo isticmaalaan, sababtoo ah siyaasigu umadda kala fogeeyo maaha ee waa inuu ka shaqeeyaa isu soo dhawayntooda.”

Mar la su’aalay bal farriinta uu xukuumadana u diri lahaa wuxuu yidhi  “Xukuumadda waxaan leeyahay iyaguna doorashada ha u diyaar garoobeen  hana ka ilaaliyeen inay guurtidu wakhti dheeraad ah ku kordhiso wakhtiga doorashada loo qabtay, waayo adduunku wuxuu u qaadanayaa haddii guurtidu ku darto inay xukuumadu ka dambaysay, markaas waa inay xukuumadu iska fogaysaa oo ay hubisaa inaan guurtidu wakhti ku darin  mudadaas doorashada loo qabtay.”