Dunida Waxaa Ku Nool Hal Bilyan Oo Diin-Laawe, Dalalka Ugu Muslimiinta Badanina Carab Ma’aha

0
752

Hargeysa (Geeska)- In ka badan boqolkiiba 84 dadka dunida ku dhaqani waxa ay aaminsan yihiin diimaha Samaawiga ah ee ay ugu dambaysay diinta Islaamka ee dhammaantood nasakhday, inta soo hadhay oo ah 16% ayaa la aaminsan yahay in ay yihiin dad aan diinba aaminsanayn ama aynu ku tilmaami karno diin-laawayaal sida ay iyaguba isku magacaabeen mar sannadkii 2010ka la sameeyey olo’ole ballaadhan oo lagu tiro koobayey diimaha ay kala aaminsan yihiin dadka ku dhaqan 230 dal oo dunida ah, kaas oo natiijadiisu soo baxday toddobaadkan. Waxa kale oo sahamintan lagu ogaaday in dadka bariga dhexe ay yihiin kuwa ugu aaminsanaanta badan diinta, (Xataa kuwooda Masiixiyiinta ahi).

Daraasaddan oo uu sameeyey Golaha Pew Research ee dalka Maraykanka oo baadha diimaha iyo caqiidooyinka dunida ka jira ayaa lagu ogaaday in Diin-Laawenimadu haddii ay diin ahaan lahayd ay noqonayso diinta saddexad ee marka laga eego dhinaca tirada dadka aaminsan, ugu badanaysa dunida oo dhan, waxaana ka horreeya oo keliya, diinta Kiristaanka iyo diinta toosan ee Islaamka oo uu tiro koobku sidoo kalana ku sheegay in ay tahay diinta ugu faafista badan dadkeeduna boqolkiiba 90 ay yihiin Sunniyiin. Diinta Yuhuuddana waxa uu tiro-koobkani ku sheegay tan ugu daciifsan dunida oo dhan, iyada oo weliba kala badh dadka aaminsani ay ku nool yihiin Israa’iil gudaheeda, waxaana soo raaca diinta Hinduuska. Waxa kale oo ay daraasaddani sheegtay in dadka diin-laawayaasha ah ee ugu badani ay ku dhaqan yihiin dalka China oo boqolkiiba 62.2 dadkaas tiradoodu halka bilyan gaadhaysaa ay ku nool yihiin.

Arrinta dareenka dadka soo jeedisay ee daraasaddan ku jirta ayaa iyaduna ah, shanta dal ee muslimiinta ugu badani ku nool yihiin dunida in aanu midkoodna ahayn dal Carbeed sida laga yaabo in ay marka hore maskaxda ku soo dhacdo, waxa aanay kala yihiin, dalka Indonesia oo ay ku nool yihiin 209 ruux oo muslim ah, dalka India oo muslimiintiisu ay tahay 176 Milyan, Pakistan 167 Milyan, Bangladesh 133 Milyan, iyo 77 Milyan iyo 300 oo kun oo ku nool dalka Nigeria.