Qunsuliyada Turkiga Oo Faahfaahin Ka Bixisay Cidda La Siinayo Fiisaha Ay Bixinayso Ee Dalkooda Lagu Tagayo

0
536

Picture7Hargeysa(Geeska)-Qunsuliyada Turkiga ee Hargeysa ayaa faahfaahin ka  bixisay dadka ay siin doonaan fiisayaasha dalkooda lagu galayo ee ay dhawaan sheegeen inay bixintooda si rasmi ah u bilaabeen.

Qnsuliyada Turkiga ayaa qoraal kale oo ay gelisay barta ay ku leeyihiin twitterka, waxay ku sheegeen in dadka ay fiisayaasha siin doonaan ay yihiin kuwo gaar ah oo xaalado deg deg ah ugu baahan. “Fiisayaasha ay Qunsuliyada Turkiga ee Hargeysa imikaa bixinaysaa waa kuwa xaaladaha deg dega ah. sida saraakiisha dawladda, ardayda iyo dadka bukaanka ah oo keliya.” Ayay qunsuliyadu ku tidhi qoraalkeeda, waxaanay intaas raacisay in dadka dhimana hawlahooda si dhaqso ah loo bilaabi doono. Qunsuliyadu weli ma sheegin in fiisayaasha lagu qaadan doono Basaborka Somaliland iyo in kale. Qunsuliyada Turkiga ayaa hore isla boggeedan twitterka ugu baahisay inay 26 September si rasmi ah u bilowday bixinta fiisayaasha dalka Turkiga lagu tagayo.