Dunida Islaamka Oo Axadda Berri Laga Ciidayo Iyo Soonka Oo Maanta Ku Eeg

0
770

 

Picture8Haddii Alle idmo, Axadda beri waxa ay dunida islaamka u noqon doontaa maalinta ciidda ee Ciidal Fitri, waxaanay maanta ku beegantahay maalintii u dambaysay ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in umadda reer Somaliland sida dunida kale ay beri oo Axad ah Ciiddi doonaan, maantana soomanyihiin. Wadamada Sucuudiga, Qatar, Yemen iyo Imaaraadka Carabta ayaa iyaguna xalay fiidkii ku dhawaaqay in maanta la soomanyahay berina la ciidi doono.

Geesta kale, suuqyada kala duwan ee Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa ayaa si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaqyada loogu diyaar garoobayo maalinta Ciidda ah ee axadda beri, waxaana suuqyada laga iibsanayaa dhar iyo raashin loogu diyaar garoobayo maalinta Ciiddal Fidri.