“Jiritaanka Yuhuudu Waxay Ceeb Ku Tahay Dhammaan Bani’aadamka Aduunka”

0
2557

 

Picture3Tehran (Geeska/Dailymail)- Madaxweynaha Iran, Maxamuud Axmednajad ayaa sheegay in jiritaanka Yuhuudu ceeb ku tahay dhamaan bani’aadamka, taasoo noqonaysa hadalkii ugu adkaa ee madaxweynahani u jeediyo Yuhuuda, xilli dalka Israi’l ka socoto isweydiin in la weerari karo barnaamijka nukliyeerka Iran. 

 

Axmednajad oo u khudbadeynayey kumanaan dadweyne reer Iran ah oo isugu soo baxay banaanbax lagu taageerayo Falastiin ayaa sheegay weerarida Yuhuudu waxay ka dhigan tahay ilaalinta sharafta dhamaan bani’aadamka. 'Jiritaanka rijiimka yuhuudu waxuu ceeb ku yahay dhamaan bani’aadamka aduunka,' ayuu ka sheegay shalay jimcahii ugu danbeeyey Ramadaan.

Maamulka Yuhuuda ayaa u arka Iran inay halis ku tahay jiritaankooda, sababtoo ah barnaamijkooda nukliyeerka, balse, dalka Iran ayaa marar badan beeniyey eedaha inay doonayso helitaanka hubka nukliyeerka, isla markaana sheegay inuu yahay barnaamij ay ugu talogaleen inay ka abuuraan laydh.

Dalka Yuhuuda ayaa beryahan waxa ka socda doodo la isku weydiinayo siday ku suurtoobi karto weerar ay ku qaadaan barnaamijka nukliyeerka Iran. Masuuliyiinta sare ee Yuhuuda ayaa la sheegay inay xiisaynayaan cuna-qabatayn dhaqaale iyo siyaasadeed inay ku khasbi karto joojinta barnaamijkooda nukliyeerka, halka shacaboodu codsanayaan inaan la ogolaan helitaanka Iran ee hubkaa.

Hogaamiyeyaasha Yuhuuda ayaa cadeeyey in “Dhamaan xalalku miiska saaran yihiin’, taasoo tilmaamaysa weerar milateri, hadii xalalka kale shaqeyn waayaan.

Iran ayaa ka digtay inay ka jawaabi doonto weerar kastoo kaga yimaada Yhuuda, sidoo kalena weerari doono danaha Maraykanka ee gobolka.

Xurgufta u dhexeysa Iran iyo Yuhuuda ayaa sare u kacay waxii ka danbeeyey 2005, markii madaxweynaha Iran Axmednajad sheegay in Yuhuuda maalin aduunka dhamaantii laga tirtiri doono.