Dumarnimo Darteed Ayaa Loogu Diiday In Ay Cir-Bixiyeen Noqoto, Markaasay Go’aansatay In Ay Dunida Oo Dhan U Taliso

0
861

1Washington (Geeska)- Himilo,dhiirranaan iyo carrinta caqabadaha ayaa ahaa calaamadaha ay caanka ku ahayd tan iyo carruurnimadeedii, xilligii waxbarashada qayrkeed waa ay ka sarraysay, markii ay weynaatayna waxa ay tartan iyo loollan adag la gashay illaa lixdan jirkii ay ku soo gaadhay afaafka guriga cad, tuuryo dhagax oo keliyina ay ka xigto in ay qabata xilka ugu muhiimsan dunida maanta oo ah madaxweynenimada dalka Maraykanka. Waa mansab aanay horteed gabadhi hawaysan, xitaa ragga badankooda ay ku adag tahay in ay ku riyoodaan.

Hillary Clinton oo dhalatay sannadkii 1947kii, oo lagu tilmaamo ardaydii faceeda ugu fiicnayd waxbarashadu waxa ay ku riyoon jirtay in ay qayb ka noqoto barnaamijka hawada sare iyo dayaxgacmeedyada ee dalka Maraykanka, laakiin nasiib darro waxaa himiladeedii dhirbaaxo ku noqotay diidmadii ay masuuliyiinta haayadda maamulka hawada sare ee Maraykanka NASA sannadkii 1961 ugu diiday in ay ka mid noqoto cir-bixiyeennada wakaaladda sababta keliya ee loo sheegayna ahayd in ay gabadh tahay.

Taakooyinka ay kala kulantay raggu halkaas kuma ay koobnayn, balse waxa ay la soo bilowdeen xiisaheeda siyaasadda oo isna ka soo bilowday xilligii waxbarashadeeda, gaar ahaan markii dugsiga sare oo ay isu sharraxday golaha ardayda, loona doortay ku xigeenka madaxweynahaardayda ee fasalkeeda, waxa xiise leh in marka hore ay isu sharraxday guddoomiyaha oo ay laba wiil ula sharraxnayd laakiin uu wiil ku guulaystay, iyada oo weliba uu labada wiil midkood xilligii tartanka si xaqiraad ah ugu sheegay in ay doqon tahay, “Runtii doqon ayaaaad tahay, haddii aad u malaynayso in inani ay ku guulaysan karto guddoomiyenimada fasalka” ayaa uu ku yidhi.

Bilowgeedii waxa ay ka tirsanaan jirtay xisbiga Jamhuuriga, sannadkii 1964kiina waxa ay ka mid ahayd dadkii u ol’olaynayey guusha murashaxii xisbiga jamhuuriga Barry Goldwater. Sidoo kale xilligeedii waxbarashada jaamacadda waxa ay ahayd guddoomiyaha ardayda xisbiga Jamhuuriga, laakiin sannadkii 1986kii ayaa ay iskaga baxday xisbigeedii Jamhuuriga kadib markii ay ka biyo diidday khudbado cunsuriyadi ku dheehnayd oo Richard Nixon Murashaxii xisbiga Jamhuuriga iyo rag kale ka jeediyeen shirweynihii xisbiga oo ay ka qayb galaysay.

Guurkii Clinton:

Hillary dhowr jeer ayaa ay ka gaws adaygtay guurka Bill Clinton, laakiin aakhirkii waxa ay ogolaatay in ay guursato sannadkii 1975kii iyada oo shardina kaga dhigtay in aanay magaceeda Hillary Rodham sida dhaqanka dalkaasi yahay u beddelin Hillary Clinton.

Clinton oo xilal badan oo siyaasi ah qabatay muddadaas kadib, markii ay sannadkii 1993kii noqotay marwada koowaad ee Maraykanka kadib markii Bill Clinton madaxweyne noqday, wakaaladda sirdoonka Maraykanku waxa ay ula baxeen magac afgarasho ahaan ay u yaqaannaan Hillary Rodham oo ahaa, ‘Evergreen’ mar kasta dhalaalaysa ama qurux bada, laakiin odaygeeda madaxweynaha ahi waxa uu ku naanaysi jiray, “Gorgorka” waxa ay qortay buugga ‘It Takes A Village” oo ah buug carruureed ay kaga warramayso, waxbarashada iyo wanaajinta duruufta nololeed ee ubadka, waxa aanay ku kasbatay abaal marin, sidoo ale waxa ay qortay dhowr buug oo uu ku jiro xusuus qorkeeda ay u bixisay, “Taariikhda nool”

Hillary Clinton waxa ay noqotay marwadii koowaad ee ugu horreysay Maraykan ee loo doorto mansab siyaasi ah, kadib markii sannadkii 2000 ay noqotay xildhibaan golaha odayaasha ka soo gala magaalada New York, illaa sannadkii 2006da waa ay sii ahayd kadib markii ay marar kale ku guulaysatay.

Waxaa lagu tilmaamaa gabadh adag, marka loo eego sida ay ugu dhabar adaygtay fadeexadihii sumal-xadka iyo dhaqan xumada ahaa ee odaygeeda lagu helay xilligii uu madaxweynaha ahaa, sannadkii 2008dana awooddeeda ayaa ay muujisay oo tartan adag oo xisbiga dhexdiisa ah ayaa ay Barak Obama kula gashay murashaxnimada madaxweyne ee Maraykanka, guushiisii kadibna waxa ay noqotay wasiirka arrimaha dibadda oo ay haysay, illaa sannadkii 2013ka, waxa aana lagu tilmaamaa wasiir arrimo dibadeedkii ugu safarka badnaa dalka Maraykanka.