Dugsiga Al-Xufaad Ee Magaalada Hargaysa Oo Xaflad Xidhitaana U Qabtay Ardaydiisa

0
626

 

ardaHargaysa( Geeska )- Dugsiga hoose dhexe ee Al- Xufaad ayaa qabsaday xaflad uu ku soo xidhayay waxbarashadii sanad dugsiyeedkiisa.

 

Dugsigan oo ah mid awooda saara sidii uu u soo saari lahaa arday aqoon iyo akhlaaq diimeed ku hubaysan waxa ka soo qayb galay xafladan uu u qabtay soo xidhitaanka sanaddugsiyeedkiisa Agaasimaha wasaarada waxbarashada  Maxamed Xasan Ibraahin ,waalidiin tiro badan, culimo, aqoonyahano jaamacadaha dalka iyo kuwa dibada wax ka dhiga, macalimiin, ardayda la maamuusayay iyo dadkale oo aad u tiro badan.

Maamulaha  dugsigaas Farxaan Maxamed Faarax oo halkaas ka hadlay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka baxiyay  dugsigan Al-Xufaad manhajkiisa iyo sida uu ugu heelan yahay in uu soo saaro arday ay ka muuqato aqoon akhlaaq ku dhisan, waxaanu daboolka ka qaaday inay awooda saaraan inay si casriyaysan ula socdaan ardayda iyo xaaladahooda nafsiga ah,  arintaas oo uu  ku macneeyay maamulahu inay tahay sare u qaadida aqoonta ilmaha iyo sidii looga caawin lahaa in laga dhimo dhibaatooyinka la soo darsa intaan dhibtu burburin waxbarashadiisa.

Sheekh Yaasiin Ibraahin oo ku hadlay afka waalidiinta iyo culimada ayaa ugu horayntii ku hanbalyeeyay ardayda xaflada loo qabtay wakhtiga ay wax soo baranayeen, Sheekhu waxa uu dardaaran dheer ku soo jeediyay waalidiintu sidii ay ula socon lahaayeen caruurtooda iyo sida ay wax u baranayaan, waxaanu si qiimo leh ugu waramay faa’idada cilmiga iyo in dhaqanka caruurtu la ilaaliyaa ay leedahay.

Gudoomiyaha guud ee dugsigaas Al-Xufaad Sheekh Xasan Cabdisalaan, oo xafladan loogu soo xidhayay dugsiga ka hadlay ayaa mahadnaq iyo bogaadin u soo jeediyay waalidiinta ardayda macalimiinta iyo guud ahaan hawlwadeenada dugsigaas.

Waxa kale oo uu Sheekh Xasan si gaara ugu hadlay is riix riix dhanka luuqadaha ah oo ka taagan wakhtigan Somaliland, isaga oo ku taliyay in aan dugsiyadu ka guurin luuqada carabiga oo uu ku tilmaamay mid ubadka u anfacaysa diin ahaan iyo dhaqan ahaanba, waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaaya yidhi “Baryahan danbe waxa aan dareemayaa in tacliintii afcarabiga ku baxijirtay dareen uu samaysmay ah in laga guuro oo aynu caruurteeni  af Ingiriisi wax ku barno, arintaas waxay noqotay runtii  suuqa soo gashay oo in badana soo socotay, waxa aan filayaa madaariska intoodii badnayd waxay u guureen Af Ingiriisiga, arintaasuna waxaan is leeyahay sax maaha aqoon ahaan, ilmaheenuna waa ilmo Soomaaliyeed afka Somaliga ayuu ku soo dhashay oo hooyadii kula hadashaa, ilmahaas waxaynu doonaynaa inaynu aqoon barno isaga oo aan maskaxdiisii korin oo woodiisa wax qaad ay yartahay cilmigiina waa uu ku  cusub yahay, afkan carabigana waa aynu u baahnahay oo masaajidii,quraankii iyo khayr koo dhan ayuu ku fahansiinayaa.” Ayaa uu yidhi Sheekh Xasan waxaanu isaga oo hadalkiisa siiwata uu yidhi “Waxaan is leeyahay haddii ubadkeena aynu u qaybino saddex marxaladood oo kala ah, afkii hooyo oo uu ku koraayo, afkii carabiga oo uu wax ku barnaayo iyo afkii Ingiriisiga, ilmahu intaas u qaybsami maayo waanu baahayaa, aqoontiina wada sugi karaayo, anagu waxaan go’aansanay in ka dugsi ahaan in sideeda sanadood ee ugu horeeya afka hooye ee guriga iyo carabiga oo salaadiisa iyo cibaadadiisu ku hagaagayso aan u dhigno, af ingiriisigana aan goonidiisa aan u barno.”

Ugu danbayntii Agaasimaha wasaarada waxbarashada  Maxamed Xasan Ibraahin, ayaa xafladaas si rasmiya ugu soo xidhay dugsiga Al-Xufaad, waxaanu Agaasimahu si qoto dheer uga waramay faa’idada uu cilmigu leeyahay iyo waliba sida ay Somaliland maanta looga heli karaayo dugsiyo luuqado kala duwan ardayda wax ku bara oo walidiintu ay dookhooda ka ciyaari karaan, waxanu agaasimahu halkaas ku gudoonsiiyay fasal kasta saddexdii arday ee ugu sareeyay hadyado uu dugsigu u diyaariyay ardaydaas kaalmaha sare gashay.