Shir-dhaqameed Miisaan Leh Oo Maanta Ka Furmaya Burco

0
586

Burco (Geeska) – 15-ka bisha March, 2020-ka oo ku beegan Axadda Maanta waxa Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ka furmaya Shir u dhexeeya Beelaha Galbeedka iyo Bariga Burco.

Shirkan oo  muddo dheer laga soo shaqaynayey sidii uu u qabsoomi lahaa ayaa sida Qorshuhu yahay Maanta ka furmaya Magaalada Burco.

Shirkan oo la sheegay inuu siyaasad ka Madax-bannaan yahay ayaa labada Beelood isku laab-xaadhan doonaan isla-markaana kaga wada tashan doonaan Mustaqbalkooda iyo weliba horumarinta deegaannada ay wada degaan, sida uu dhawaan Warbaahinta ka sheegay Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali.

Suldaanka oo dhawaan ka hadlayey Hargeysa oo lagu shaaciyey in Shirku qabsoomayo 15-ka bisha saddexaad oo Maanta ah, ayaa sheegay in Shirkani yahay mid dhaqan oo ka Madax-bannaan siyaasad.

Dhanka kale, Toddobaadkii u dambeeyay waxa Magaalada Burco ku qul-qulayey Madax-dhaqameed iyo Dad badan oo Haldoorka Bulshada ka mid ah, kuwaasi oo doonaya inay ka qayb-galaan Shirka Maanta furmaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here