Doug Emhoff Oo Isu Diyaarinaya In Uu Noqdo Mudanihii Labaad Ee Abid Ugu Horreeyey Aqalka Cad

0
481

Inkasta oo ay haweenka Maraykanku hore xilal sare uga qabteen dawladda, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda, afhayeennada kongareeska iyo maxkamadaha sare, haddana sannadkan 2020 ka ayaa noqday markii taariikhda Maraykan ugu horreysay ee ay gabadhi gaadho xilka labaad ee ugu sarreeya dalka, oo ah madaxweyne ku xigeenka.

Marwo Kamala Harris oo ah iska dhal aabaheed asalkiisu Afrikaan yahay hooyadeedna Hindiyad ma’ay noqon gabadhii ugu horreysay ee xilka gaadha oo keliya, balse waxa ay noqotay qofkii ugu horreeyey ee madaw ah ee madaxweyen ku xigeen noqda. Sidao oo kale saygeeda oo lagu magacaabo Doug Emhoff ayaa noqonaya sayga labaad ee aqalka.

Caadi ahaan madaxweynaha xaaskiisa ayaa noqota marwada koowaad, sida oo kale madaxwyene ku xigeenka xaaskiisa ayaa noqota marwada labaad, haddii madaxweynaha ama ku xigeenku uu gabadh noqdana waxa ay noqonaysaa sayga koowaad ama sayga labaad oo ah sida uu hadda yahay Doug Emhoff. Inkasta oo ay tahay markii ugu horreysay taariikhda dalkaas ee uu nin noqdo sayga labaad iyo xitaa sayga koowaad.

Doug Emhoff waxa uu isu diyaarinayaa in uu ku wareego aqalka cad isaga oo ah sayga labaad sidaas awgeed waxa uu go’aansaday in shaqadiisa qareennimo uu ka tago marka la gaadho bisha Jeenaweri ee ay madaxweyne Biden iyo ku xigeen Kamala xilka la wareegayaan.

Warbaahinta dalka Maraykanka iyo guud ahaan dadka dalkaas oo aan u maran in nin uu mansabkan yimaaddo ayaa ku jaahwareersan magaca ay ugu yeedhi doonaan marka uu aqalka cad u guuro. Sayga labaad, Mudanaha labaad iyo ninka labaad intaba waa ay ugu yeedhaan waqtigan, waxa se la filayaa in uu hadda kaddib jiri doono magac rasmi ah oo uu yeelan doono, ragga ka dambeeya ee la xaaladda ah oo dhanna loogu yeedhi doono.

Doug Emhoff iyo Kamala Haris waxa ay is guursadeen sannadkii 2014 kii oo iyada ay guurkii koowaad u ahayd, isagana markii labaad ee uu guursado ay ahayd, marka ay aqalka cad galaanna waxa ay noqon doonaan lammaanihii kala isir ah ee abid soo gaadha miiska looga taliyo dalka Maraykanka.

Caadi ahaan xaaska ama sayga madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku dalka Maraykanka malaha xuquuq ka duwan muwaadiniinta caadiga ah, dawladdana mushahar ama maamusu sharci oo gaar ah kuma laha. Laakiin aalaaba waxa ay isu xilsaaraan gacanqabashada iyo caawimada lammaanahooda, inta badanna waxaa looga bartay in marwada koowaad ama labaad ay xilka saygooda uga faa’iidaystaan in ay horumariyaan mashaariic bani’aadamnimo ama u ol’oleeyaan arrimo rayid ah. si kastaba ha ahaato ee lama oga in uu Doug Emhoff jidkaas mari doono isaguna.

Intii uu ol’olaha doorashadu socday Doug Emhoff waxaa lagu tilmaami jiray in uu yahay, ‘Hubka qarsoodiga ah’ ee Kamala Haris guusheeda iyo tallaabooyin badan oo ay qaadayso ka dambeeya.