Xulka Daadmadheedh Oo Noqday Horyaalka Kubada Cagta Somaliland Iyo Tababare Diridhaba Oo Xulkiisii Hore Ka Qaaday Koobka

0
971

Xulka Kubada Cagta ee Daadmadheedh, ayaa taariikhda markii ugu horeysay ku guulaystay koobka Kubada Cagta ee Gobollada Somaliland, kadib markii ay ciyaartii finalka isaga hor yimaadeen Xulka Kubada Cagta ee Maroodijeex.

Ciyaar aad u xiiso iyo xamaasad badan oo  Garoonka Kubada Cagta ee Hargeysa Stadium ka dhacday, ayaa waxay dhexmartay labada Xul ee iskugu yimid finalka koobka Gobolada, ee kala ah Maroodijeex iyo Daadmadheedh, Ciyaartan oo ahayd Ciyaar ay labada Xulba soo bandhigeen qaab ciyaareed aad iyo aad u qurux badan ayaa waxay ku dhammaatay 2-1, ay guushu ku raacday Daadmadheedh, Xulka Maroodijeex waxaa goolka u dhaliyey Ciyaaryahan Maxamuud Gofindha, halka Xulka Daadmadheedh labada gool u kala dhaliyeen Ciyaaryahan Wardi iyo Ciyaaryahan Khadiir.

Haddaba Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isagu Ciyaarta goob joog ka ahaa ayaa bixiyey abaalmarinadii iyo biladihii kala duwanaa ee Ciyaaryahanadu ku kala guulaysteen, Tababarihii ugu wanaagsnaa tartanku wuxuu noqday Tababare Diridhaba, oo Xulka Daadmadheedh u horseeday koobka, isagoo sidoo kale hore ugu qaaday koobkan laba jeer Xulka uu hadda ka qaaday koobka ee Maroodijeex, Ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa waxaa ku guulaystay kabtanka Xulka Maroodijeex Cabdikariiim Kuji, Ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa waxaa uu noqday Carabo, oo Daadmadheedh ka tirsan, halka Xulkii ugu akhlaaqda badnaa lagu maamusay Xulka Buhoodle,ugu dambayntiina Madaxweynaha ayaa koobkii gudoonsiiyey Kabtanka Xulka Daadmadheedh Ayaanle Isqaniin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo uu u diray Xulka guulaysatay iyo Xulka kaalinta labaad galay kaddib, waxa uu si guud u bogaadiyey dhallinyarada reer Somaliland, isaga oo mid mid carrabka ugu ballaadhiyey faa’iidooyinka kala duwan ee laga dhaxlo ciyaaraha, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxan u hambalyeynayaa dhammaan dhallinyarada Somaliland meel ay joogaanba, mid ciyaarayey, mid taageere ahaa iyo mid qaban-qaabiye ahaa, waxaynu baranay ciyaaruhu sida ay dadka isu dhexgeliyaan, waxaynu baranay sida nabadda u dhaliyaan, waxaynu baranay sida loogu firfircoonaada oo qaadka iyo balwadaha loogaga dheeraado, waxana aynu bilaabaynaa inay magaalooyinka waaweyn oo dhammi bilaabaan in sannadka oo dhan la ciyaaro oo aanay ciyaaruhu joogsan.”