Doorka Hadyadda Ubaxa Ahi Ku Leedahay Jacaylka Iyo Macnaha Laga Dheehanayo Hadba Tirada Laamihiisa

0
1411

Hargeysa (Geeska)- Sida ay ka marag kaceen culimada cilmi nafsigu, jacaylku waxa uu ku koraa kuna xoogaystaa hadyadda ay is dhaafsadaan lammaanuhu oo mar walba xoojisaa dibna u dardar-gelisa jacaylka ka dhexeeya lammaanaha. Hadyadda ay khubaradani ka hadlayaan ma'aha oo keliya ta qiimaha badan ee lacageed leh sida dahabka ay raggu inta badan u hadyadeeyaan dumarkooda, laakiin waxa iyaduna la mid ah hadyadda aan lacag ahaan qiimaha badnayn, kuwa ugu xoogga badanna waxaaba ka mid ah ubaxa.

Ubaxu  waa luuqad kalgacal oo lagu cabbiri karo hadba waxa ka guuxaya qalbiga qofka, haddii ay tahay jacayl iyo xiise iyo haddii ay tahay xanuun iyo murugo, waxa ay khubarada cilmi nafsigu aaminsan yihiin in tirada laamaha uu ka kooban yahay ubaxa qofka loo hadyadeeyey ay iyaduna qayb libaax ka qaadato cabbirista dareenka qofka. Sida uu qoray wargeyska Ad-Dastuur oo uu Geeska Afrika qormadan ka soo xigtay, waxa ay khubaradu sidoo kale sheegeen in tirada caleenta oo ku badata ubaxa laguu soo hadyadeeyey ay astaan u tahay rajo wanaag iyo reyn reyn, halka haddii ay qodaxdu ku badato ay u taagan tahay khatar iyo dhibaato. Arrinta kale ee xiisaha lihi, waxa ay tahay sida ay khubaradu sheegeen in hadba tirada laamaha ubaxa laguu soo hadyadeeyey u taagan yihiin macne iyo cabbir gaar ah, tusaale ahaan;

Ubax laan keliya ah: Haddii lammaanahan midkood kan kale u hadyadeeyo, waxaa ku duugan macne ah, ‘Waxa aad tahay qofka keliya iyo hantida keliya ee aan dunida ku leeyahay’.

Ubax 2 laamood ah: haddii uu ubaxu laba laamood yahayna waxa uu qofku mataankiisa ku leeyahay, ‘Iga ogolow in aynu labadeenu u safarno duni xasiloon oo kalgacal buuxshay’.

Ubaxa 3 laamood ah: Waxa uu ka dhigan yahay su’aal uu qofku mataankiisa weydiinayo, ‘Goorma ayaan mar labaad ku arki doonaa, ma sugi karo kulankeenna labaad’

Ubax 4 laamood ah: ‘Waxa aan kaaga mahadnaqayaa inaad tahay, qof daacad ah, ballanta oofin yaqaanna, in lagu kalsoonaadana mudan.

Ubax 5 laamood ah: ‘Wax kasta oo aad rabto waan kuu samaynayaa, waayo daacad ayaa aad ii tahay anna waan ku qasbanay inaan kuu noqdo daacad’.

Ubax 6 laamood ah: ‘Aad ayaan uga shakiyey hadalkaaga, haddaad rabto jacaylkayga horta adigu is caddie, halka aan qalbigaaga kaga jiro.

Ubax 7 laamood ah: Waan ku jecelahay ee ma ila wadaagtaa dareenkaas.

Ubax 8 laamood ah: Daacad baan kuu ahaanayaa illaa dhimashadayda, jacaylkaaga u daacad noqoshadiisa ayaanan naftayda kula halgamayaa.

Ubax 9 laamood ah: Waxa aan kaa rabaa inaad keli ii noqoto aniga, waayo aad ayaan kuu jecelahay, keli daacad ahna waan kuu ahay.

Ubax 10 laamood ah: Ma doonaysaa in aynu is guursanno. Ama guur diyaar uma’ ihi

Ubax 11 Laamood ah: Anigu daacad ayaan ka ahay jacaylkaaga, ee ha dhaawicin qalbigayga.

Ubaxa 12 laamood iyo ka badan ah: Waad ku mahadsan tahay jacaylka aad ii hayso, aniguna sidoo kale ayaan kuu jecelahay.