Ereyadii Ugu Xiisaha Badnaa Ee Ay Ku Tiraabeen Ciyaartoyga Kubadda Cagta Adduunka Ee Brazil 2014 (1)

0
590

Picture1 Brasilia (Geeska)- Ciyaarta kubadda cagta oo ah tan ugu xiisaha iyo xamaasadda badan dhammaan ciyaaraha kala duwan ee dunida laga ciyaaro ayaa waxaa si gaar ah xiisaheedu u badan yahay ciyaaraha koobka adduunka ee afartii sanaba mar ay isugu yimaaddaan 32 ka xul ee ka kala yimaadda xulalka qaramada dunida oo dhan. Haddaba ciyaarta kubadda cagta ee adduunka oo iyadu ah mid si gaar ah ay u xiiseeyaan xataa dadka aan xilliyada kale ciyaaraha xiisayn ayaa door kasta waxa ka dhasha ereyo iyo hal-ku-dhegyo dadku xiiseeyaan ama ku qoslaan oo in badan ay warbaahintu siyaabo kala duwan u faallayso, mar kasta ma’aha ereyo xikmadi ku jirto, balse mararka qaarkodo waa hadallo isku dhex daadsan ama aan macno samaynayn, ama doqonniimo lagu tilmaamo oo aan laga filanayn shakhsi sidaa u muhiim ah. Qormadeennan maanta oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay degel lagu faalleeyo ciyaaraha adduunka oo lagu magacaabo Sports Arabia ayaa waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah eereyada dhegaha dadka soo jiitay ee ka soo yeedhay ciyaartoyga kala duwan ee ka qayb galaya ciyaaraha weli gebo-gebadoodii ay ka socoto dalka Brazil:

1. Cristiana Ronaldo: Ciyaartoga kubadda cagta caanka ku ah ee reer Portugal oo dhashay sannadkii 1985kii waxa uu khadka hore uga ciyaaraa kooxda Real Madrid ee dalka Spain waana kabtankii dhowaan hoggaaminayey xulkii qaranka dalka Portugal ee ka qayb galay ciyaaraha kooba adduunka ee Brazil 2014. Ciyaartoygan oo caan ku ah xarragada dad badanina kibir ku xantaan ayaa xilligii uu xulka qarankiisu ciyaaraha ka qayb galayey mar ay soo baxeen warar sheegaya in sababo caafimaad awgeed aanu uga qayb galayn ciyaaraha xulkiisa ee koobka adduunka, markii ay warbaahintu arrintaas wax ka weydiisay waxa uu ku jawaabay, “Waxa aan jeclaan lahaa in xaaladdaydu ay noqoto boqolkiiba 110 mid ku habboon in aan ciyaarahan ka qayb galo, laakiin imika boqolkiiba 100 ayaa ay tahay, waxa aanan is leeyahay intaas ayaa ku filan in aad caawiso xulka Qarankayga”

2. Vahid Halilhodzic: Waxiid Khaliil Hodistich oo ah tababarihii xulka qaranka Aljeeriya watay ciyaaraha kubadda cagta aPicture2dduunka ee hadda ka socda dalka Brazil waxa uu hore u ahaan jiray ciyaartooy caan ku ahaa ciyaaraha kubadda cagta oo u dhashay dalka Bosnia, waxa uu dhashay sannadkii 1952kii sannadihii toddobaatanaadkii iyo siddeetamaadkiina waxa uu ahaa ciyaartoyga ugu fiican kubadda cagta dalka Bosnia, intii aanu ciyaaraha ka fadhiisan ee aanu u baydhin dhinaca tababarka. Waxiid waxaa la aaminsan yahay in uu dib u dhis fiican ku sameeyey xulka qaranka Aljeeriya oo guulo taariikhi ah ka soo hooyey ciyaarahan koobka adduunka oo ay soo gaadheen wareegga 16ka, isla markaana markii ugu horreysay taariikhda kubadda cagta adduunka ee Afrika iyo Carabta ay ku badiyeen Afar goo loo hal ciyaar ay ka dhaliyeen, laakiin guul darradii Jarmalku kaga hor istaagay in ay u gudbaan wareegga 8 kadib waa uu iska casilay xulka Aljeeriya.

Ciyaartii dhex martay xulalka qaranka Belgium iyo Algeria oo dad badani ka cabsi qabeen in si aad u fool xun looga badin doono xulka qaranka Algeria, ayaa sababihii dadkaasi xujaysanayeen waxaa ka mid ahaa in xulka Belgium ay ka awood badan yihiin jidh ahaan, kana orod badan yihiin,  tababare Waxiid oo arrintaas si cadho leh uga jawaabay ayaa sheegay in orodka ku jira ciyaartoyga xulka Belgium aanu ahayn mid aanay cidi gaadhi karin oo la mid ah baabuurta tartanka ee Ferrari, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Suurtogal ma’aha in difaaca Belgum aynu u qaadanno in ay dhammaantood la mid yihiin baabuurta Ferrari, qaar ciyaartoyga ka mid ah ayaa ah sida baabuurta Skoda” isaga oo u jeeda baabuur ay samayso shirkad laga leeyahay dalka Czech republic oo sida muuqata uu gaabis ku tilmaamayo La soco…