Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Abaarta Ka Jirta Somaliya

0
608

Daraasadkii ugu dambeeyey ee ay soo saartay hayadda cuntada adduunka FAO ayaa lagu sheegay in dhibaatada dhinaca cuntada ah ee ka taagan soomaaliya ay ka sii dari doonto bilaha soo socda, iyadoo xaalad abaareed la soo daristay qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya. Sanadkan waxaa di’ay wax ka yar boqolkiiba 50 (50%) oo ah roobabkii Gu’ga ka di’i jiray Soomaaliya bilaha March ilaa June. 
Maanta waxa na horyaalla xaalad adag. Waxaa muuqda waxyaabo sababi kara in Soomalia gasho xaalad bani’aadamnimo oo qalafsan: abaar, dagaalada sii socda, xayiraadaha dhinaca ganacsiga ee jira, nafaqo darrida sii kordheysa iyo sare u kaca ascaarta cuntada. 
Labo bilood ka hor waxaan ka digay in xaaladda sugnaanta cuntada ee liidata ay dhici karto inay ka sii darto bilaha soo socda. Maanta waxaa tagaan xaaladii aan ka sii digay. Bilaha soo socda, markii ugu horreeysay tan iyo wixii ka dambeeyey macluushii 2011, waxaa kor usii kici doona tirada dadka ay saameeyn doonto cunto la’aan iyo xalad degdeg ah oo bani’aadamnimo. Waa in aan la ogolaan in digniinaha la xidhiidha dhibaatadan la iska sii dhegatiro. Waxaan ugu baaqayaa deeq bixiyeyaasha in ay si degdeg ah dhaqaale ugu tabarucaan si hayadaha gargaarku ay gurmad deg deg ah u sameeyaan. Manta waan badbaadin karnaa nafta dadka dhibaataanay haddii aan ficil ku dhaqaaqno. 
Iyadoo xaaladda baniaadinimo ay aad u liidato, hadana yaboohii gargar ba’niaadamnimo ee la sameeyay horaantii sanadkan, waxaa kaliya oo ila hada laga helay boqolkiiba 25 (25%). Waxaa loo baahan yahay oo wali aan la hayn lacag gaadhaysa 700 oo malyuun oo dollar inta uuna dhamaan sanadka 2014ka si kaalmo loo gaadhsiiyo dadka tabaalaanay oo gaadhaya ilaa 2.9 million oo qof. 
Maanta gargaar maaliyadeed oo degdeg ah ayaa loo baahan yahay si dadka ku nool meelaha dhibaatooyinka bani’aadamnimo ay aad u saameeyeen loola gadho cunto, nafaqo, adeeg caafimaad iyo barnaamijyo ay dadku nolo maal moodkooda ka soo saartaan. Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay xaalada nololeed ee barakacyaal gaadhaya ilaa 350,000 oo ku nool Muqdisho oo heerarka nafaqo darrada iyo dhimashadu ay kor u dhaafeen heerarka caadiga ka ah caalamka. 

For more information, contact: 
Michelle Delaney, Public Information Officer, UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) Somalia (delaneym@un.org / +254 (0) 731043156) 
Dawn Blalock Goodwin, UN Head of RC/HC Communications (blalock@un.org/ +254 (0)734210102)

OCHA press releases are available at www.unocha.org/somalia, Twitter @OCHASom | @UNLazzarini 
FEWS NET Somalia Rainwatch report: bit.ly/1ohjudQ 
FAO press release: http://bit.ly/1kvvh5E