Doorasho Waa Muhiim, Si Kasta Oo Duruuf Dhaqan-dhaqaale Dalka Uga Jirto Xuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)

0
803

Waa hubaal, in dalka qaybo badan oo ka mid ah ka jirto abaar aad u daran, taas oo saamayn taban ku yeelatay dadkii xoolo dhaqatada ahaa, sida oo kalena laga darreemayo magaalooyinka, maaddaama ay nolasheennu tahay mid isku sidkan.

1

Waxa xanuun badan sida xilli hore ay inoo xanuujisay abaartu, iyada oo jiilaalku hadda uu kow yahay, se Alle wax lama ogin e,  waa qaboojin karaa, waxa kale oo intaa aad uga badan duruuf dhaqaale oo iyaduna jirta, taas oo nabar ku ah bulsho badan oo dalka ku kala filiqsan.

Dhibka abaaruhu keensadeen ama-se ay duruufo kale ka dhashay, waxa ka xanuun badan mid kale oo inta badan bulshada u wada muuqan, oo ah mid siyaasi ah, mar kasta oo doorashooyinku dib u jiitamaan ama ay dhacdo in muddo kordhin la sameeyo, waxa ay dalka ku keensataa boogo mijo-xaabin kara qarannimada dalka, taas waxa keensata masuuliyiin u arka mansabka xileed in ay tahay fursad looga faa’idaysto yeelasho hantiyeed.

Xilliyada kala guurka ah, waxa dabac badani ku yimaaddaa nidaamka shaqeed ee dowladnimo, taas oo masuuliyiin badani u arkaan in ay u tahay fursaddii ugu weynayd ee ay kaga faa’idaysan karaan awoodda ay hayaan, waxa ayna ku kacaan:

In ay leexsadaan hanti ummadeed, taas oo ay ugu tallo galaan in ay wax ku qabsadaan mustaqbalka, maaddaama ayna haysan dammaanad ah in ay shaqada ay ku soo noqon karaan.

Waxa dhacda in si khaldan ay ugu faa’ideeyaan dad kale oo dibadda uga baxsan xukuumadda, ama dadkaasi ha noqdeen kuwo abaal ku leh ama-se kuwo saaxiibtinnimo ka dhaxaysay.

Waxa kale oo dhacda in qaab qabiil u kharibaan hantida umadda ka dhaxaysay, taas oo dhaawac weyn ku ah kalsoonnida ay bulshdu ku wada qabi karto qaranka. Arrinka noocaa ah waxa keensanaya marka uu masuulka xilka hayaa, uu xil gaar ah iska saaro reerka uu abtirsiin ahaan ka soo jeedo, una arko xilkan in ay iyagu gaar u leeyihiin sidii madax-dhaqameed oo kale, taasina marka ay dhacdo waxa ay kalsooni darro ku abuuraysaa bulsho kale oo cid ku abtirsataa xil uga hayn qaranka.

Masuulku isaga oo ka faa’idaysana fursaddaa kooban, waxa uu kharibayaa nidaamkii dowladnimo, isaga oo qaabkii loogu tallo galay hay’adaha dowladnimo in ay u shaqeeyaan ka yeela nidaam isaga naas-nuujinaya, sida oo kalena noqonaysa nidaam u adeegga inta awoodda haysa oo kaliya. Taasi waxa ay meesha ka saaraysaa danihii ay dadweynuhu ka helilahaayeen dowladnimada, waxana abuurmaya kooxo ku tiirsan nidaamka iyo bulsho badan oo ka qatan waxqabad ay ka heli lahaayeen dowladnimada. Inaga oo marka horeba og nidaamka hay’adaheennu u shaqeeyaan in ay tahay hab aad u hooseeya oo awoodda kaliya siinaya ka xukunka haya, una adeeggayn si caddaali , sida oo kale u taaganyihiin hay’adaheennu nidaam garasho wax ku siin ah, nidaam saacadaha la shaqeeyaa koobanyihiin, nidaam aan higsi iyo xeer qeexan midna aan ku shaqaynay, sida oo kale inaga oo garawsan in hay’adaheenna dowladnimo u shaqayn sida looga baahanyahay nidaam horumar rabaa u shaqayn lahaa, ayey haddana waxa dulin xun ku noqday qabyaaladda illaa masaajidkii inaga gashay. Marka uu nidaamku xumaado waxa dhacaysa in qaran ahaan loo xumaanayo, waana astaamaha dal ku haynaysa faqiirnimo, ka dibna u jiidaysa burbur. Waxyaabaha kale uu ka faa’idaysiga guracan ay ugu kacayaan masuuliyiintu xilliyada kala guurka ahi, waa masuulka oo marka hore faham ka haysan waxa loo dhiibay waxa ay tahay, shaqada laga rabo iyo inta masuuliyaddiisu gaadhsiisantahay oo ay ku eegtahay.

Isku-beddalada lagu sameeyo xukuumadda xilliyadan dambe oo iyaduna noqotay mid aad u laciifisa awooddii dowladnimo, waxyaabaha aadka dhaawaca ugu ah xukuumadda waxa ka mid ah in aad arkayso dad marka xil loo magacaabo leh Cidi nagalamay tashan, haddii ay runtood tahayna waxa ceeb ah qof aan laga hayn waayo aragnimadiisa shaqo in loo dirsado shaqo. Isku-shaandhaynahan dambe, waxa ay soo kordhiyeen dad tiro dhaaf ah oo haddana aan ku habboonayn xilalka lagu taxay, taasina waxa ay iyaga ku dhiiri galinaysaa in ay si gaar ah uga danaysan karaan xilka iyo muddada oo kooban, sida oo kalena xumeeya oo dila nidaamka inoo dagsan ee marka horeba taagta darnaa.

Kala-guurku waxa kale oo uu dabac badan ku keenaa qarannimada iyo aaminaadda lagu qabo qaranka, taas waxa tusaale kooban hadda u ah

In bulshadii sida isku midka ahayd u jeclayd Somaalilaannimada ay hadda ka duwantahay, taas oo aad arkayso dad badan oo aan cidiba la yaabayn oo meelaha bulshadu iskugu timaad uga olallaynaya wax lagu sheegay midnimada Somaliya.

Xubno badan oo xilal haya ama ah dad markii hore Soomaliland jeclaa oo hadda xilal u doontay Soomaliya, una arka in Somaliland tahay wax aan sii socon Karin.

Madax-dhaqameed si toos ah u sheegaya in kalsoonida ay ku qabaan madaxda Soomaliya ay ka xoog badan tahay midda ay ku qabaan kuwa Somaliland. Suldaan Cumar ayuu ahaa suldaankii sida cad u sheegay in deegaan ahaan ballan qaadka madaxweynaha Soomaliya ka dhawyahay kana dhaboobi ogyahay ballamaha siyaasiyiinta  Soomaliland.

Xasan Sheekh Maxamuudka Soomaliya, waxa uu ku baannay in manta wax badan isku furmeen haddii ay tahay koonfur iyo waqooyi, waxa uu sheegay in horu’usocodkaa lagu gaadhay markii dhallinyar 1991 kaddib dhashay oo aqoonyahanno ah, kana soo jeeda Soomaaliland uu xilal uga magacaabay xukuumaddiisa. In badan ayuu ku dheeraaday sida uu isbeddal weyni ugu dhacay aragtidii dadka reer Soomaaliland ka qabeen gooni-goosadka, taas oo ah mid xaqiiq ah, waxana keensanaya nidaam xumada siyaasiga Soomaalilaand ee ka dhashay duruufaha aan horumarka lahayn, caddaaladda lahayn, ee nidaamkeena dowladnimo la degay intii qarankani jiray.

Doorasho la’aantu dhibka ay dalka ku keenayso haddii aan xilligeeda la qaban ma aha oo kaliya inta aynu halkan ku sheegnay, abaar kasta iyo duruuf kasta oo hadda taagan, haddana waxa dalku uga baahi badanyahay in doorasho dardar-galisa nidaamka dowladnimo la helo. Doorashooyinka masuulka ka soo baxaa waxa hubaal ah in shaqada uu dardar galiyo inta hore oo dhan, taas oo kordhinaysa yididdiilada bulshadu ay ku qabayso nidaamka.

Sharafta masuul kasta, waxa ay ku jirtaa, oo ay waliba waajib tahay in la dhowro xeerarka dalka loo dajiyo, iyada oo taasi jirto, Madaxweyne Siilanyo waxa uu dadka in badan u soo huray nolashiisa qayb weyn oo ka mid ah, waxa kale oo hadda uu wali masuul uga yahay hoggaaminta dalka wallow uu muddo sannad ka badan muddo-xileedkiisa uu hadda ku jiro, waana hubaal in wax badan oo togan ama-se taban lagu xasuusan doono madaxweynaha qaranka mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo. Sida in badan aynu ognahay, madaxweynuhu ma aha qof jecel in uu kursiga dul-fadhiyo sabab la’aan, waana oghay sharaftiisu in ay ku jirto qabsoomidda doorasho dalka ka dhacda, mana aha masuul u tafaxaydan muddo koradhsi kale. Sida oo kale maaha masuul u xiiso qaba xil, waxana marag u ah in uu si milgo iyo sharaf leh u wareejiyey muddo xileed kale oo uu xaq u lahaa tartamiddiisa.

Xukuumadda iyo xisbi xaakimku, ma qabaan warwar ku salaysan in doorasho laga heli karo, taana waxa sabab u ah la’aanta culays mucaarid oo xoog badani in aannu wali jirin, taas darteed mihim ma aha in farsamo xumo ay dib ugu dhacdo doorasho, iyada oo aynnu ka dharagsannahay dhibka ay dib-u-dhacyadu ku keenaan dowladnimada. Waxa shakiga, tuhunka iyo walwalka keensanaya in hadda ceeryaamo dul hoganayaan qabsoomidda doorashada foodda inagu soo haysa oo muddo seddex bilood inaga xigaan, waxa aan wali la soo saarin  waraaqihii codbixiyayaasha oo mihim u ah qabsoomidda doorasho bisha saddexaad ee 2017 dalka ka qabsoonta, waxa iyaduna hadhaysan dhaqdhaqaaqyadii loo baahnaa in lagu suuragaliyo qabsoomidda doorashadaas, taas oo suuragal ka dhigaysa in doorashada dib loo riixo muddo, iyada oo lagu micnayn doonno arrimo farsamo oo dhanka komishanka ka yimaadda. Balse waxa ay tahay in laga fikiro dib u dhaca imanayaa waxa uu keensanayo.