Doodda La Xidhiidha In Dunida Ay Ku Noolaan Jireen Dad Ka Waaweyn Inta Dabiiciga Ah Iyo Qisooyin Maragfur Ah (3)

0
656

Washington (Geeska)- Qormadan oo uu wargeyska Geeska Afrika afsoomaali u rogay ayaa Shabakadda Huffington Post waxa ay ku eegaysaa qisaska qolfoofyo iyo hadhaadi aadame aad u waaweyn oo ay cilmibaadhayaashu meelo kala duwan oo dunida ah ka heleen, kana qaateen fahamka ah in sheekabarelydaas hore ay xaqiiq tahay.

Cimlaaqyadii Georgia

Sannadkii 2008, ayaa adhi-jir u dhashay dalka Georgia waxa uu helay qubuuro ay ku aasan dad ka waaweyn dhumucda iyo dhererka dadka caadiga ah. Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Georgia ayaa daraasad ay ku sameeyeen xabaalahan iyo deegaanka oo keymo jiqa ah, ayaa ay ka heleen laba qolfoof oo aad u waaweyn, oo dul yaalla wax u eeg miis ka dambeeya wax u eeg Kadin, markii ay isku dayeen in ay furan burburay.

Xeeldheerayaashu waxa ay burburkan ka dhex heleen lafaha qolfoofyo aad u waaweyn oo bilowgii hore ay u qaateen noole aan aadame ahayn, weynida iyo dhererka awgeed, laakiin baadhis dheer kadib iyo shaybaadho la sameeyey lagu ogaaday in ay yihiin qolfoofka dad ku noolaan jiray dhulkaas oo dhererkoodu u dhexeeyey Laba illaa Saddex Mitir.

Dadkaas ayaa ay culimadu ku qiyaaseen in ay noolaayeen 1800 illaa 2200 oo sano ka hor.

Raad cageed oo aad u weyn

Waxaa dunida ka jira meelo kala duwan oo lagu arkay raad cag aadame oo aad uga weyn inta laga filan karo bani’aadamka caadiga ah. waxaa ugu caansan raadad lagu arkay degmo ka mid ah dalka Koonfur Afrika oo ku taalla meel ku dhow xuduudka uu dalkaasi la wadaago dalka Swaziland. Raadadkan oo cilmibaadhisihii lagu sameeyey ay caddeeyeen in uu cag aadame yahay, ayaa waxaa mucjiso ah in cagtaas dhererkeedu dhan yahay 1.2 Mitir.

Sannadkii 1926 kii, ayaa wargeyska Oakland Tribune ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa qoray qisada raadad cag bani’aadam oo cabbirkoodu dhan yahay 1.5 Mitir oo lagu arkay biyo fadhiisinno ku yaalla magaalada San Jose ee gobalka California.

Mary Lucky oo ku xeeldheer cilmiga daraasaynta iinsaanka hore iyo haddaba, oo afka qalaad lagu yidhaahdo Anthropology ayaa sheegtay in sannadkii 1976 kii, raadad cag aadame oo dhagaxoobay laga helay Tanzania, baadhitaankii lagu sameeyeyna la qiyaasay in ay jireen 3 Milyan oo sano. Lucky waxa ay sheegtay in haddii raadadkan ay ka muuqato in dadkii lahaa ay aad uga waaweynayeen inta hadda lagu yaqaanno dhumucda iyo dhererka aadamaha, taas oo haddii si rasmi ah cilmigu u sugo, ay noqonayso in dib u eegis lagu sameeyey qorista taariikhda dalka Tansaaniya. Dhammaad..