Waraysi Geeska Afrika La Yeeshay Farxaan Jimcaale Oo BBC Ka Tirsan

0
524

Hargeysa(Geeska)-Laanta Afka Soomaaliga ee BBC Somalia ayaa dhawaan bilowday qayb cusub oo telefishan ah oo habeen walba la daawado iyadoo soo dhex maraysa telefishanada Soomaalida qaarkood.

Telefishanka cusub ee BBC Somali ayaa hawada soo galay iyadoo ay dad badani aaminsanyihiin in hoos u dhac ku yimid sumcadii dhagaysi ee idaacadda BBC-da taas oo ay sabab u tahay dhexdhexaad la’aan siyaasadda Soomaalida ka dhaxaysaa ay sababtay.

Haddaba, wargeyska Geeska Afrika, wuxuu waraysi la yeeshay weriye Farxaan Maxamed Jimcaale oo ah soo jeediyaha telefishanka BBC Somali islamarkaana ka mid ah soo saarayaasha idaacadda BBC Somali, waxaanu ka jawaabayaa su’aalo badan oo ay isweydiiyaan dadka Soomaalida ah ee ku xidhan Telefishankan cusub iyo guud ahaan idaacadda BBC. Waxaanu waraysigu u dhacay sidan:

Iyada oo ay jiraan idaacado badan oo FM ah oo Af Soomaali ah, oo sidoo kale laga heli karo internetka, maxaad u malaynaysaa telefishanka af Soomaaliga ah ee BBC-du inoo soo kordhin karo war ahaan?

Waxa jira idaacado badan oo FM ah iyo warar interneetka lagu tebiyo oo Soomaali ah. Telefiishanka qaybta Soomaaliga ee BBC-du ujeedadiisu waxa weeye inuu soo gudbiyo sheekooyin caalami ah iyo kuwo heer gobol si uu ugu xidho Soomaalida ku taxan sheekooyinka caalamiga ah. Ujeedadayadu waa inaanu gaadhno Soomaalida da’yarta ah ee hiigsiga leh oo ay sii badanayso wararka ay ka helayaan telefiishanada, fagarayaasha dhijitalka ah iyo warbaahinta bulshada. Waxaanu rajaynaynaa in barnaamijka telefiishanku uu dhaqso u noqdo mid si daruuri ah ay u dawaadaan Soomaalida caalamka kala jooga.

Sidee baad filaysaa in telefiishanku u noqon karo mid dheelitiran oo dhexdhexaad ah marka aad eegtid wararka Soomalida ee ay gobalada kala maamulaan siyaasiyiin nidaam hore oo muxaafid ah ku shaqeeya?

Waxa jira telefiishanno hore u sii hawlgelayay, balse Telefiishanka Soomaaliga ah ee BBC-du wuxuu haystaa meeqaam u gaar ah oo ku soo gudbin karo sheekooyin iyo tebin ku sallaysan halbeeg aad u sareeya oo caddaalad, sugnaansho iyo dhex-dhexaadnimo ah. Madaxbanaanida BBC-du aad bay muhiim u tahay. Dhegaystayaashayada aduunka oo dhan kala joogaa way na aaminsan yihiin sababta oo ah madaxbanaanida, dhex-dhexaadnimada iyo sugnaanshahayaga ujeedaduna waa inaanu sidaas oo kale ugu shaqayno barnaamijka telefiishanka.

BBC da waxa inta badan lagu eedeeyeaa inay la jirto dhinaca Soomaaliya marka loo eego Somaliland, maxaad ka leedahay arinkaaas? Ma se balan qaadaysaan dhex-dhexaadnimo?

BBC du cidna lama safato, islamarkaana waxaay leedahay habraacyo adag oo tifaftir oo ay raacdo markay noqoto dhex-dhexaadnimada. Ujeedadayadu waa inaanu ka warbixinno sawirka guud oo aanu ka muujino aragtiyo balaadhan dhamaan fagarayaasha oo dhan, maaha oo keliya telefiishanka.

Mar kasta oo uu yimaado dareen ah inaanu ka gaabinay, waxaanu ku samaynaa baadhitaan oo waxbaanu ka qabanaa arimaha soo baxa annaga oo raacaynaa hanaan si fiican u jira oo ay BBC du ku waajahdo cabashooyinka, kuwaas oo cid waliba ay heli karto. Si dhaqso ah ayaanu uga hawlgalnaa si aanu u saxno qaladaadka mar kasta oo ay dhacaan si kasta oo ay duuruufuhu yihiin.

Ma sharixi kartaa sababaha ka danbeeya in BBC du ay soo dhex marto qaar ka mid ah telefiishanada Soomaalida?

BBC-du waxaay iskaashi la leedahay afar telefiishan Horn Cable TV, Kalsan TV, Somalia Broadcast Corporation iyo Star TV oo u gudbin doona daawadayaasha tebinta. Waxaanu marnay hanaan aanu ku xaqiijinay in telefiishanada aanu xulanay ay buuxiyeen shuruudo cayiman. Waxa muhiim ah in la xuso in BBC-du ay horeba u lahayd idaacado ay iskaashi leeyihiin oo ka jira gobolka si ay u gudbiyaan tebinteeda Soomaaliga ah. Dabcan, weli waa nala kala socon karaa idaacadda, iyo interneetka oo laga daawan karo barnaamijka telefiishanka.

Dad badan baa aaminsan in tayada Laanta Af Soomaaliga ee BBC-du ay hoos u dhacday, waxaay qabaan in sababtu tahay in ay u xagliso Soomaaliya oo ay hoos u dhigto Somaliland, maxaay kula tahay?

 Waxaan qabaa inay taas caksigeeda tahay. BBC-da Af Soomaaliga ahi waxaay tahay isha wareed ee loogu aaminaadda badan yahay gobolka oo ay ka mid tahay Somaliland. Sidaan hore u sheegay, annagu dhinac lama safanno, BBC-da Af Soomaaliguna waxaay caan ku tahay sumcadeeda suxufunimo ee ku sallaysan sugnaansho iyo wartebin aan cidna u eexan.