Donald Trump Oo Shir Jaraa’id Oo Uu Aqalka Cad Ku Qabtay Si Cadho Leh Uga Caydhiyey Wariye Ka Tirsan CNN

28
2706

Washington (Geeska)- Dhacdo hadal haynteedu ku badatay warbaahinta dunida iyo dadka Maraykanka ayaa ay noqotay tii uu dhowaan madaxweynaha Maraykanku uu shirkiisa jaraa’id kaga eryey Jim Acosta oo ah wariyaha gaarka ah ee shabakadda CNN u qaabilsan Aqalka Cad.

Arrintan waxaa xiise gaar ah u waqtiga ay dhacday oo ayaa goor ay shaqaynayeen kamaradaha wariyeyaashii shirka jaraa’id ka soo qaybgalay, taasina ay keentay in meel kasta laga daawado. Waxa se taas ka sii darnayd oo ceeb badan u soo jiiday madaxweyne Trump waxa uu ahaa in uu wariyahan eryey xilli uu hareer fadhiyey madaxweyne dal kale oo marti u ahaa oo ay shirkan jaraa’id wada qabanayeen.

Weriya Acosta ayaa cabbaar ka dhego adaygayey amarka uu madaxweynuhu kaga dalbanayo in uu ka baxo goobtan shirka jaraa’id ka dhacayey, taas beddelkeedana waxa uu bilaabay in isaga oo ku hadlaya cod aad uga dheer codka uu ku hadlayey madaxweyne Trump, in uu madaxweynaha ku celceliyo su’aal la xidhiidha hadallo fool xun oo uu Trump ku hadlay mar sii horreysay oo uu shir albaabadu u xidhan yihiin la’ lahaa xildhibaanno ka socday xisbiyada oo ka tirsan labada gole ee sharci dejinta. Hadalladaas oo markii dambe uu fashiliyey xildhibaan kulanka joogay oo xisbiga dimuqraaddiga ka tirsan ayaa uu madaxweyne Trump dadka soogalaytiga ah ee ka imanaya dalalka Slavador Haiti iyo guud ahaan Qaaradda Afrika ku tilmaamay qudhun aan istaahilin in ay dalka Maraykanka so ogalaan, halka uu ka ammaanay dadka ka imanaya dalka Norway iyo dalalka la midka ah. “Mudane Madaxweyne; ma run baa in aad tidhi, waxa aanu u baahannay qaxoontiga ka imanaya dalka Norway? Ma run baa in aad tidhi, dad badani ha inooga yimaaddaan Norway?” ayaa uu ku celcelinayey wariyaha oo si xamaasad leh u qaylinayaa. Laakiin Trumo oo ku jawaabay, “Meel kasta in laga soo haajiro ayaan rabaa” Wariyihii ayaa mar kale ku celiyey su’aashan oo uu siyaabo kale u dhigay, waxa aanu sii weydiiyey in hadalkiisan ‘Meel kasta’ uu leeyahay laga fahmayo in uu diyaar u yahay in Maraykanka ay soo galaan dadka ka imanaya Afrika iyo laatiinka, laakiin Trumo kama uu jawaabin su’aashan ee mar keliya ayaa uu ku qayliyey, “Bax” in yar kaddibna gacanyareyaasha madaxweynaha ayaa wariyaha bannaanka u saaray.

Madaxweyne Trump tan iyo markii uu xilka qabtay waxa uu khilaaf ba’ani u dhexeeyey warbaahinta waaweyn ee dalka Maraykanka oo uu ku eedeeyo in ay warkiisa duwaan iyo in ay dagaal toos ah kula jiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here