Dab Iyo Cadho

35
3554

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 9aad)

1

Maalintii doorashada

Gelinkii dambe ee bisha Noofambar 8 ahayd, 2016 ka, Kellyanne Conway oo ahayd madaxa ol’olaha Trump, runtiina ahayd ruuxa udub dhexaadka u ah dunida Trump, waxa ay fadhiday xafiiskeeda muraayadaha ka samaysan ee ku yaalla dhismaha dheer ee Trump. Illaa toddobaadkii u dambeeyey tartanka madaxtinimada, xarunta dhexe ee ol’olaha Trumo waxa ay ahayd meel aanay shaqo badani ka jirin. Waraaqaha (Istiikarro) tirada yar ee derbiyada ku dhejisan, oo ay ku qoranyihiin halkudhegyada garabka midigta, ayaa ahaa waxa keliya ee uu xafiiskan ol’oluhu kaga duwanaa xafiiska shirkadda Trump ee qolka ka dambeeya ahaa.

In kasta oo ay qarka u saarnayd guuldarro xanuun badani, haddii aynaan masiibaba ku sheegin, haddana iyada imika waxaa si cad looga dareemayey xaalad farxadeed. Donald Trump waa uu dhicidoonaa doorashada, midhkaas waa ay hubtay. Laakiin, waxa ay ku rejo weynayd in dhibcaha (Tirada) laga saraynayo uu ku hayn doono wax ka yar lix dhibcood. In uu yareeyo dhibcaha lagaga guulaysanayo ayaabay guul u arkaysay. Weliba waxa ay isu diyaarisay in guuldarradaas ku soo fool leh ay iyadu iska fogeyso sababteeda. Sababta guuldarradana waxa ay ka dhigaysaa in aanay iyadu shaqo ku lahayn ee ay tahay qalad uu galay Reince Priebus.

Maalintan qayb fiican oo ka mid ah waxa ay ku qaadatay in ay talefanka kala sheekaysato saaxiibbo iyo iyo xulafo ay siyaasadda ku lahayd, iyada oo canaanta oo dhan dusha ka saaraysa Preibus.

Goordhoweyd, waxa ay war siisay qaar ka mid ah barnamaij soo saareyaasha talefishannada iyo warfidiyeenno, kuwaas oo ay xidhiiidh adag la samaysatay intii ay hawshan ku jirtay. Tododbaaddadii u dambeeyey waraysiyo firfircoon ayaa ay warbaahintu ka qaadaysay Kellyanne Conway. Sidaa awgeed waxa ay rejo ku qabtay in doorashada kaddib [Marka Trump guuldarraysto sida ay filaysay) ay shaqo joogto ah oo warbaahineed ka heli doonto talefishannadan ay xidhiidhka yeesheen. Tan iyo markii ay badhtamihii bishii siddeedaad ku soo biirtay ol’olaha Trump, ee ay noqotay codka lagu kalsoon yahay ee ol’olaha, iyada oo adeegsanaysa dhoolla caddaynteeda marmarka ah, iyo awooddeeda ay sida yaabka leh isugu daraysay dhaawacista dareenka dadka ka soo horjeeda iyo deggenaanshiyo, iyo wejigeeda sida aan caadiga ahayn ugu soo bixi lahaa ka soo muuqashada talefishanka.

Khaladaadkaas foosha xun ee ol’olaha dhacay oo dhan ka sokoow, waxa ay sheegtay in mushkiladda runta ahi ay ahayd shaydaanka ay xakamayn kari waayeen. Waa guddida Qaranka ee xisbiga jamhuuriga, oo ay maamulayeen Preibus, iyo gacanyarihiisa 32 jirka ah ee Katie Walsh, iyo sida oo kale Sean Spicer.

Caadi ahaan waxa ay ahayd in dhammaan guddida qaran ee xisbiga Jamhuurigu, ay noqdaan qalabka uu murashaxa xisbigu adeegsanayo, laakiin markii uu Trump horraantii xagaaga ku guulaystay murashaxnimada xisbiga, halkii ay ka caawin lahaayeen waxa ay bilaabeen in ay caqabad ku noqdaan hawlihiisa. La soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here