Danjire Muniir Abusite Oo Ku Guulaystay In UAE Ogolaato Shahaadada Waxbarashada Somaliland

0
587

Hargeysa(Geeska) – Wakiilka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, danjire Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite ayaa ku guulaystay inuu dawladda UAE ku qanciyo inay ogolaato shahaadada waxbarashada ee dalka JSL.

Wasaaradda waxbarashada ee dalka UAE ayaa bogeeda ku dartay in Somaliland ka mid tahay dalalka ay ogolaatay shahaadadeeda waxbarasho.

Bahda waxbarashada ayaa soo dhaweeyay talaabadan oo ay u sheegeen inay tahay mid kor u qaadaysa niyadda ardayda reer Somaliland.

Wakiil Muniir, ayaa la sheegay in afartii bilood ee u dambeeyay uu hawshan ka shaqaynayay oo uu dedaal u galay inuu dawladda UAE ku qanciyo inay ogolaato shahaadada waxbarasho ee JSL.