Diyaaradii Ethiopian Airlines Oo Duulimaadyadeedii Somaliland Hakisay Iyo Jahawareer Ku Dhacay Dadkii Ku Qornaa

0
441

Picture12Hargeysa(Geeska)-Duulimaadyadii diyaaradda Ethiopia ay ku iman jirtay wadanka Somaliland, ayaa loo hakiyay sababo aan la shaacin, waxaana shalay baaqday duulimaadkeedii ay ku iman lahayd madaarka Hargeysa oo ay Axadii ka bilowday duulimaad.

Ma jiro war rasmi ah oo lagu sheegay hakadka ku yimid diyaaradda, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in xarunta diyaaradda ee Addis Ababa, Hargeysa u soo dirtay wargelin ah in duulimaadkii diyaaradda ee Somaliland la hakiyay saddex maalmood, lamana sheegin wax sabab ah oo hakadkaas keentay. Waxase uu go’aankani  jaho-wareer  ku keenay dad badan oo u badnaa qurbe-joog oo ku qornaa diyaaradda, kuwaas oo shalay ku xoomay xafiisyada iyo laamaha gooya tigidhada diyaaradda si ay u helaan macluumaad la xidhiidha safarkooda.

Masuuliyiinta wasaaradda duulista iyo hawada oo aanu isku daynay inaanu warkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin. Waxase uu hakadka diyaaradda Ethiopia ku soo beegmayaa maalin ka dib markii ay diyaaradoodu safar ku timid madaarka Hargeysa ee cigaal ka dib markii dib u  dhis lagu sameeyay dhabihiisa.

Diyaaraddan Itoobiya ayaa tan iyo muddo ku dhow laba sannadood oo uu garoonka dib u dhis ka socday waxay duulimaadyo ku iman jirtay garoonka caalamiga ah ee Berbera.

Lama garan karo in hakintani ay ku koobnaan doonto saddexda maalmood ee la sheegay iyo inay wax ka iska bedeli doonaan.