Badhasaabka Togdheer Oo Xadhiga Ka Jaray Riig-biyood Laga Hirgaliyay Magaalada Burco

6
520

Burco(Geeska)–Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi (Xamarji) ayaa xadhiga ka jaray Riig loogu talo galay Xarunta agoomaha ee Xaafada Aadan Saleebaan ee Magaalada Burco.

Riigan oo ay fulisay Bisha cas ee imaaraadka carabta,ayaa furitaankiisa waxa  kasoo qaybgalay Badhasaabka Gobolka Togdheer,agaasimaha Wasaaradab Biyaha C/risaaq Naakhuude,qaar ka mid ah golaha deegaanka Burco ,Gudida Horumarinta Gobolka Togdheer iyo waliba Xubno Qurbajoog ah oo iyagu isu xilsaaray dhismaha xaruntan.
 Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa Bulashada ugu baaqay inay xaruntan gacanka gaysataan waxaanu yidhi. ''Meeshani yadoo banaan ah ayay Maskaxdeedii iyo Muruqoodii galiyeen Hablo ay hormuud u tahay Amaal Cali oo hada inala joogta,waxaan leeyahay agoomahu waa cida ugu wacan in wax la taro,waxaan leeyahay dadka Gobolkani waa inay gacan kasoo gaystaan sidii wax loogu qaban lahaa hawlaha tabaruca iyo xaruntan agoomaha  waana in laga wada shaqeeyaa hawlaha noocan oo kale ah ,iyo waliba adeegyadda horumarinta gobolka Togdheer " Sidaasi ayuu Badhasaabku yidhi.

Agaasimaha Guud ee wasaaarada Biyaha ayaa isaguna hadaladiisa wax ka mid ahaa''Ceelkan oo ahaa ceelashii ay inoogu deeqday dawlada Imaaraadka,hawshiisa illaaay waa inoo fududeeyay waayo waxa loo qodayay dadkaas waayay waalidkood,hadana anaga ayaa shirkadan dhistay nagu wareejisay oo Masuuliya diisii na saarantahay,
Amaal Cali Maxamed oo iyaduna ka mid ah qurbajooga iyagu xaruntan agoomaha dhismaheeda isu xilqaamay ayaa iyaduna sharaxaad ka bixisay halka ay u marayso dhismaha Xaruntani waxaanay hadaladeedii ka mid ahaa''hada waxaa inoo dhamaaday ceelkii oo biya macaan laga soo saaray,dayrkeedi waa Boqol mitir,Galaasyadii Xafiisyadii,hoolashii iyo Hurdadii iyo qaybihii kaleba way socdaan,waxaan aad iyo aad ugu maadnqayaa cidii gacan ka gaysatay waxaan leeyahay  wixiinii may qasaaroobin ee waaku waas dadka kalena waxaan leeyahay sidaas uga qaybqaata,
Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Cabdi Laki Xasan Nuur oo ka mid ah golaha deegaanka Burco ,waxaanu sheegay dawlad' Hoose ahaan in ay gacan ka gaysanayaan ,dhismaha xaruntan ,intii awoodooda ah ,waxaanu u mahadceliyay cidkastoo gacan ka gaysatay .

Geesta kale Dhismayaasha xarumaha agoomaha iyo maxadada , shicibku hirgalinayaan ayaa ku soo badanaayay sanadadii u danbeeyay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ,inkastoo aaney Xukuumadu wax gacan ah ka gaysan.

Comments are closed.