Diyaaradda Daallo Airlines Oo Shil Sahlan Ku Gashay Madaarka Hargeysa

0
684

6134-300x225Hargeysa (Geeska) – Diyaaradda DAALLO AIRLINES, oo saaka ka soo degtay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa mid ka mid ah baalasheeda ku dhufatay Dhismaha Tarminaalka, markii ay joogsanaysay Baarkinka loogu talo-galay inay diyaaradu dadka ku dejiyaan, waana diyaarada ugu weyn ee qaada xujaajta xiliga Xajka ee loo yaqaano Boeing 737-300. Mudo saacado ah kadib diyaaradii Daallo si nabad ah ayay uga duushay garoonka Cigaal Airport.

 

Wariyayaal ku sugan Madaarka diyaaradaha Hargeysa, ayaa sheegay in diyaaradda oo aad ugu dhawaatay dhismaha Tarminaalku ay mid ka mid ah baalasheeda ku dhufatay gidaarka dhismahaasi, kaasi oo ilaa hadda ay kula jirto.

Maamulka Madaarka Hargeysa iyo maamulka diyaaradda ayaa iska kaashanaya sidii diyaarada looga samatixi gidaarka Terminaalka oo weli baalka kula jirto.

dhanka kale, Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, ayaan ilaa hadda ka hadal shilkan kooban oo aan la ogeyn inay diyaarad dhibaato ka soo gaadhi  ku noqon doonto iyo in kale.

Shilkan, ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii u dambeeyay muran badani ka taagnaa dayactirka madaarka diyaaradaha Hargeysa oo lagu maalgeliyay lacag dhan $ 4.5 milyan doolar, lacagtaasi oo aan ka muuqanin garoonka.