Mudanayaasha Golaha Wakiilada Oo Ansixiyey Xeerka Wadooyinka, Magacyada Xildhibaanada Diiday Iyo Kuwa Hore U Diidanaa Ee Shalay U Codeeyay

1
616

Picture3Hargeysa (Geeska) – Mudanayaasha Golaha Wakiilada, ayaa shalay cod caqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka horumarinta wadooyinka oo uu dhawaan u gudbiyey Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaasi oo xambaarsan cashuuro dheeraad ah oo dhismaha wadooyinka loo saarayo xoolaha iyo gaadiidka waaweyn.

Xeerkan oo muddo toddobaad ku siman laga doodayey isla-markaana intii doodiisu socotay xildhibaanno Mucaarad iyo Muxaafid ahi isku faro saareen, ayaa shalay waxa ogolaaday meel-marintiisa 58 xildhibaan oo ka mid ahaa 70 mudane oo fadhigaasi xaadir ku ahaa, waxaana diiday 8 xildhibaan, halka saddexna ay ka aamuseen, taasi oo sharci ka dhigaysa xeerkaasi oo mudadii laga doodayey guud ahaan dalka galiyey xaalad.

Fadhigii shalay ee Golaha wakiilada Somaliland oo uu guddoominayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay hareero fadhiyeen labadiisa ku xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa waxa wakhti aad uga horeysa xiligii ay hore u iman jireen xarunta wakiilada soo buuxiyey Mudanayaasha Wakiilada oo taariikhda labadii sanadood ee u dambeeyay gaadhay 70 xildhibaan, waxaana hoolka shirarka markiiba koox koox isugu shubay mudanayaasha Muxaafidka ah oo habeen hore ilaa subaxdii hore ee shalay olole balaadhan ugu jiray inay xeerkan meel marintiisa kaga guuleystaan mudanayaal si adag u diidanaa meel marinta xeerkan oo ay u bixiyeen MISKIINBAA MISKO LA FUULO LEH, waxaana ku xigay xildhibaannada xeerkan diidanaa, kuwaasi oo hoolka shirarka ee Wakiilada u soo galay xubin xubin iyo laba laba.

Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah ee fadhiga lagu furay ka dib, Mudanayaasha ansixinta xeerkan diidanaa oo uu u hadlay xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, ayaa Guddoomiyaha ka codsaday in ansixinta xeerka dib loo dhigo, isagoo ku dooday inaan xeerka lagu soo darin soo jeedimahoodii maalmihii dooda, balse hadalkaasi ayaa waxa ka hor yimid caqlabiyada xildhibaanada golaha wakiilada, kuwaasi oo mar kaliya ku wada qayliyey inaan dib loo dhigin ansixinta xeerkaasi.

Guddoomiye Cirro oo markaa ka dib go’aan qaatay ayaa cod galiyey inta ogol in xeerka ansixintiisa dib loo dhigo iyo inta diidan, balse codayntaasi waxa ku awood roonaaday xildhibaanada muxaafidka ah ee xeerkan dabada ka riixayey, markaa ka dib, ayaa Guddoomiyaha golaha Wakiiladu guda galay ansixinta xeerkan, waxaana ogolaaday 58 xildhibaan, waxaana diiday in la ansixiyo 8 xildhibaan, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan, halka Guddoomiye Cirro aanu ka codaynin.

Xildhibaanada diiday ansixinta Xeerkan isla-markaana sida adag uga hor yimid, ayaa waxa ka mid ah:-

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog).

Xildhibaan Baar Siciid Faarax

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte.

Xildhibaan Cali Xaaji

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi.

Xildhibaanada, ayaa xeerkan takaaliifta horumarinta wadooyinka aad uga soo horjeeday ilaa maalintii golaha wakiilada la horkeenay, waxayna markii codeyntii lagaga awood roonaaday ay sheegeen in xildhibaanada ka codeeyay caqlabiyadoodu qaateen laaluush iyaggu u diideen danta umadda.

Xeerkan, ayaa  xildhibaanada u codeeyay ee ogolaaday waxa ka mid ahaa xildhibaan Bashiir Tukaale iyo xildhibaan Bulqaase oo ka mid ahaa xildhibaanada ugu cadcadaa ee hore u diidanaa meel marinta xeerkan.

Comments are closed.