“8-Da Xildhibaan Ha Soo Cadeeyaan Lacagta Lana Siiyay”

0
4019

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Xasan Cawaalle Caynaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa sheegay inay dacwad ku soo oogi doonaan sideed Xildhibaan oo ku eedeeyay 58-kii Xildhibaan ee u codeeyay xeerkii waddooyinku inay laaluush qaateen.

Xildhibaan Xasan Cawaalle oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay beeniyay in Xildhibaanaddii taabacay ansixinta xeerka takaaliifta waddooyinka ay laaluush qaateen.

“Waxaan leeyahay 8-da Xildhibaan ee Gole weynihii Wakiiladda ku yidhi lacag bay qaateen, waxaan leeyahay waa inay soo cadeeyaan halka lacagta lagu siiyay iyo halka loogu qeybinayay lacagtaas ay sheegeen,”ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaalle.

Xildhibaanku waxa uu ku dooday inay dacwad horkeeni doonaan golaha, waxaanu yidhi “Haddii ay soo cadayn waayaan, anigoo ka mid ah Gudida joogtadda waxaan horkeenaynaa Golaha dacwad, waana in lagu qaadaa dambiga ay ka galeen Goleweynaha. Waxa kale oo siddeedaas xildhibaan ay dambi ka galeen dadweynihii soo doortay Xildhibaanadan ay caayeen.”

“Ninka yidhi Golaha ayaa lacag qaatayoow haddii aad soo cadayn waydaan illaa maxkamadda ayaanu soconaynaa,”ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaalle Caynaan oo ka mid ahaa 58-kii Xildhibaan ee u codeeyay meel-marinta xeerka waddooyinka ee ay Salaasadii ansixiyeen aqalka wakiiladdu.