Diyaarad Gabadh Keliya Safar U Qaadday Iyada Oo Aan Ingaydh Ahayn Iyo Sababta Rakaabkii Kale Ka Reebtay

26
2898

Washington (Geeska)- Gabadh u dhalatay dalka Maraykanka ayaa heshay fursad laga yaabo in dad badan oo dunida ku nooli jeclaan lahaayeen in ay taariikhda u gasho, kuwo kalan cabsi ku beeri lahayd oo ah in ay kelideed diyaarad ku safarto. Qalad dhinaca tigidhada goyntooda ah oo ka dhacay mid ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee Maraykanka ayaa sababay in duulimaad isaga gooshayey magaalada Rochester ee gobalka New York iyo magaalada caasimadda ah ee Washington ay kacday iyada oo aan sidin wax rakaab ah oo aan ahayn gabadh lagu magacaabo Beth VerSteeg.

Gabadhan oo faafisay sawirkeeda iyada oo keli ku ah diyaaradda dusheeda ayaa sheegtay in markii ay yaab ku noqotay markii ay diyaaradda soo kortay ee ay aragtay in ay kelideed tahay, waxa se ay ugu darnayd, sida ay sheegtay, markii ay diyaaradda kelideed saarnayd muddo 45 daqiiqo ah ee ay cid dambe soo fuuli weyday, illaa ay diyaaraddii kacday iyada oo kelideed saaran.

Beth oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaysay sida ay wax u dhaceen, ayaa sheegtay in diyaaraddii tigidhkeedu u go’naa ay duulimaadkii maalintaas baajisay, kadibna mid shaqaalaha ak mid ah oo ku jaahwareeray isweydaarka dhacay uu rakaabkii diyaaradda baaqatay ku qoray diyaarad kale oo ahayd mid loogu talagalay shaqaalaha duulimaadyada oo keliya. Laakiin loo sheegay in diyaaraddaasi ay saacado kadib kacayso. Iyada oo aaminsan in ay waqti fiican haysato ayaa ay Beth dib ugu noqotay guriga aabaheed oo aan ka fogeyn gegida diyaaradaha. Laakiin intii ay maqnayd ayaa nin kale oo shaqaalaha ka mid ahi uu saxay qaladka ninkii hore, waxa aanu codbaahiyaha garoonka dadkii rakaabka ahaa uga sheegay in ay diyaarad kale oo diyaar ahayd raacayaan, sidii ayaanay dadkii ku duuleen.

Laakiin iyada oo waqtigii hore sugaysay ayaa ay Bet mar dambe timid oo ay toos u fuushay diyaaraddan shaqaalaha loogu talagalay, iyada oo aan wax caqabad ah la kulmin maadaama oo ay sidatay kaadhkii ay gaydhka ku dhaafaysay.

Shirkadda ayaa go’aansatay maadaama oo ay qaladaadku xaggeeda ka dhaceen, in ay Bet ku qaaddo diyaaraddan kelideed geysay magaalada Washington, weliba waxa ay sheegtay in shaqaalaha diyaaraddu ay ula macaamileen sida caadi ahaan loola macaamilo loona soo dhoweeyo dadka goostada tigidhada diyaaradda qaybta dadka muhiimka ah.

Waxa ay sheegtay in inkasta oo uu duulimaadku gaabnaa, haddana ay aad uga heshay una arkaysay fursad taariikhi ah oo soo martay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here