Diyaarad Doonaysay Inay Madaarka Hargeysa Fadhiisato Oo Xalay U Noqotay Laydhkii Oo Garoonka Ka Bakhtiyay iyo Ceebta Ay Dalka U Soo Jiidi Karto

0
881

 

 

madarkaHargeysa(Geeska)-Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Djibouti Air, ayaa xalay uga baaqatay madaarka Hargeysa oo ay soo fadhiisan lahayd cilad ku timid mishiinka laydhka u shida garoonka.

 

Diyaaraddaas oo uu qorshaheedu ahaa inay xalay cawayskii dad rakaab ah keento madaarka Hargeysa, ayaa duulimaadkeedii la joojiyay ka dib markii uu madaarka Hargeysa sababo aan la garan uga go’ay laydhkii. Masuuliyiinta wasaaradda duulista iyo hawada oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino sababta keentay go’itaanka laydhka madaarka ayaanay noo suurtogelin. Laakiin dad xogogaala oo madaarka ku sugnaa ayaa Geeska Afrika u sheegay in diyaaradda oo markaas ka soo kacday  madaarka Djibouti kuna soo jirtay hawada lagu wargeliyay in duulimaadkeeda loo joojiyay laydhkaas madaarka Hargeysa ka tagay dartiid.

Arrintan ayaa ceeb ku ah masuuliyiinta wasaaradda duulista iyo hawada oo tahli kari waayay inay mishiin kale u diyaariyaan madaarka caasimadda si loogu bedelo haddiiba dhibaato ku timaado sida xalay oo kale.  Waana markii u horaysay ee ay madaarka Hargeysa oo waajahdo xaalad noocan ahi. Dad badan oo madaarka u tagay inay ka hortagaan eheladooda la socotay diyaaradda ayaa kala soo noqday garoonka hungo iyo niyad jab.