Madaxweyne Siilaanyo Oo Wefti Iyo Saxafiyiin U Horkacaya Wanqasha Koonfurta Sudan

0
960

 

siilaanayoHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay ka qayb galaan wanqasha qaranimada Koonfurta Sudan oo ah dal dhawaan si rasmi ah uga madaxbanaanaaday dalweynaha Sudan, kaas oo ay xafladiisu qabsoomi doonta 9 Julay.

Weftiga Madaxweyne Siilaanyo oo diyaarad gaar ah ka kaxaysan doona magaalada Hargeysa, waxa ka mid ah 15 saxafi oo ka kala socda inta badan ee warbaahinta madaxabanaan iyo telefishanka iyo idaacadda dawladda, waxaanay noqonaysaa markii u horaysay ee uu Madaxweyne Somaliland ahi saxaafadda madaxabanaan iyo ta’ dawliga ah u horkaco dal shisheeye.

Madaxweyneyne Siilaanyo iyo wefitgiisu waxa ay dalkaas cusub ku tagayaan martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyay Madaxweynaha dalkaasi, waxa kale oo iyaguna xafladaas ka qayb geli doona madaxweynayaal iyo madax kale oo ka tirsan hoggaamiyayaasha caalamka oo farxadda dabaal degga dalkaas cusub la qaybsan doona umadda Koonfurta Sudan oo sannadkan aayaheeda ka tashatay.