Magaado Baryahan Ma Waxay Noqotay Sheikh Jiilaani Isagaa Awrta Uun Lagu Kacsadaaye

0
695

Picture7Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir.Su aasha kor ku xusan darted, waxa laga yaabaa inay iga cabato oo ay itidhaa muxuu igaga diganayaa!!! Ee uu ila masaynayaa

Ninkan sh.jilaani ee dunida muslinka odhan looga xadreeyo, bilkastana malaayiin xoolo ah loo qalo , iyadoo aniga dadkii aan ifka kaga imi kildhi shaadaliya aanay ii sheeganayn wax kabadan daaye.

Ayeeyo waxa laga yaabaa kuwa uyeedhanaya qaarkood inay aalac u raacdo oo ay tidhaa. Naa indho adagaa!! Iyadoo aan luxudka la gami la ahay dhibaatadii ay baryo dhawayd caruurtayda qaarkood u gaysteen, ayaabay manta iga rabaan gurmad ito ciidan aan u soo ururiyo.

Waxa kale oo dhici kara islaantu magacan logu yeedhayaba in la odhan jirayba in ay iska iloowday , ileen kun sanadoodbaan cidba ugu yeedhine oo sidaa daraadeed ay cidnaba u jawaabi waydo, hadaba ayeeyo oo sidaa loo dayriyey oo muraara dilaac qabrigeedi la jiifta , kuwa soo akhiro toosinay sow lagama yaabo inay habaarto oo inkaarteedu ku dhacdo.

Hataan iyo murtina ayeeyo yeedhista loo yeedhayaa waxa weeye nooc cusub oo kamida ciyaarihii qabyaalada ee siyaasiyiintu sida hangoolka ugu adeegsan jirtay iyagoo waxay doonayaan ku soo jiidanaya ,

Malaha se waxay ilowsanyihiin in hangooladii qabyaalda awoodoodii sii gaababsi tahay, oo hangoolada xisbiyada awoodoodu ay tahay ta shaqynaysa waxna qaban karto

Mar haday arintu sidaa tahay ninkastoo siyaasiya oo wax ku doonaya yaa reer hebala iyo yaa ba heblaayo ah , waxaan odhan lahaa ., xaqiiqada ayaad baal marsantahay oo lacagtii asxaabul kahfiga ee bari hore laga baxay ayaad badeecad suuqa ka doonaysaa

Shaxda siyaasadana manta godkaa hadad ka degto waad ilduufaysa(jiim noom taani)