Digniin Caafimaad: Khatarta Ay Leedahay In Carruurta Afka Laga Dhunkadaa

0
638

Hargeysa (Geeska)- Hooyooyin badan ayaa ay caado u tahay in ay ilmahooda afka ka dhunkadaan, mararka qaarkoodna dadka kale ee waaweyn qudhooda ayaaba sidan oo kale yeela, laakiin Dr. Muxammed Caadil Al-Bayaan oo ku takhasusay cudurrada carruurta ayaa isaga oo ka digaya khatarta caafimaad ee ay arrintani yeelan karto waxa uu yidhi, “In ilmaha wejiga oo dhanba laga dhunkadaa, waxa ay suurtogelinaysaa in bakteeriyada iyo Fayrasyada qofka weynu ay u gudbaan ilmaha, da’diisu ay ka yar tahay 5 sano, haddii dhunkashadaasi afka tahayna, maxaad u malayn?”

Dhakhtarkan u dhashay dalka Masar waxa uu sheegay in dadka waaweyni ay marar badan sidaan fayrasyo aan iyaga wax dhib ah ku keenin, ama aan aan jidhkooda la falgelin, hab-dhiskooda difaaca oo iska caabinaya ama fayraskan oo uu jidhku bartay muddo sannado ah kana diyaarsaday difaac awgeed, laakiin ilmaha yare e dhashay, marka koowaad difaaciisu hadda ayuun buu samaysmayaa oo awood badan malaha, marka labaadna fayraskan jidhkiisu lama uu qabsan. Sababahaas awgood waa in aanay dadka waaweyni ilmaha afka iyo xataa wejiga oo dhanba ka dhunkan, si aanay iyaga oo aan ku talogelin ilmaha ugu gudbin cudur.

Waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay ku doodaan in ilmaha mar kasta la dhunkado laakiin haddana aan wax xanuun ah lagu karin, isaga oo dhakhtarku arrintaas ka jawaabayana waxa uu sheegay in xaaladda caafimaad darro ee fayraskan ilmaha afka looga gudbiyey gaadhayaa aanay qasab ahayn in dhibteedu ay markaas ku soo baxdo, una badan tahay in iyada oo calaamado muuqda samayn in ay khatar geliso caafimaadkiisa.

Khataraha caafimaad ee ay dhunkashada afku ilmaha ku keeni karto ayaa uu dhakhtarku si gaar ah uga magacaabay, xanuunnada xidhiidhka la leh, hab-dhiska neefsiga, xanuunnada sababka abbaara, caabuqa dhuunta, afka iyo qanjaha.