Tahriibayaal Ka Tegey Liibiya Oo Qallal Iyo Fuuq Bax Ugu Dhintay Badda Lampedusa

0
556

Picture6

Lampedusa (Geeska)- Tahriibayaal doonyo ka raacay xeebaha Liibiya si ay ugu gudbaan qaaradda Yurub ayaa qallal iyo fuuq bax ugu dhintay xeebaha jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, xaaladda cimilada awgeed. Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Talyaaniga ayaa u gurmaday tahriibayaashan oo saarnaa doon rabadh ka samaysan xilli ay marayeen xeebaha koonfureed ee jasiiraddan. Dhacdadan oo noqonaysa tii ugu horreysay ee  dhacda tan iyo markii Midowga Yurub isla bishan Noofambar qaatay, go’aan ah in uu qaado masuuliyadda hawlgallo badbaadin ah oo lagu samaynayo baddaas ay tahriibayaashu maraan, in kasta oo ay weli hawshaas sii wadaan ciidamada ilaalada xeebaha ee Talyaanigu.

Waxaa la xaqiijiyey in ciidamada Talyaanigu ay mayd ahaan ugu tageen 17 ka mid ah tahriibayaasha saarnaa laash ka soo shiraacday woqooyiga magaalada Tripoli ee xarunta dalka Liibiya, laakiin mid kale ayaa dhintay intii loo sii siday cisbitaal kadib markii 76 uu ku jiro ay badbaadiyeen ciidamada ilaalada xeebuhu, taas oo tirada dhimashada tahriibayaasha ka dhigtay 18 ruux. Tahriibayaashan ayaa la sheegay in ay isugu jireen Carab u badan reer Suuriya iyo kuwo Afrikaan ah oo aan iyaga warkan lagu sii caddayn jinsiyadaha ay kala yihiin.

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo Khaalid Shawqi ayaa mar uu la hadlay talefishanka Al-Jazeera oo uu wargeyskan Geeska Afrika qaybo warkan ka mid ah ka soo xigtay waxa uu sheegay in ciidamada ilaalada xeebuhu ay soo badbaadiyeen 75 tahriibe oo laashkan saarnaa, iyada oo xilligaas waraysiga laga qaadayeyna ay weli socdeen hawlaha badbaadinta tahriibayaashu, sidaa awgeed ay suurtogal tahay in tirade dhimashadu intaas ka sii badato. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Paulo Jantelaun oo isna arrintan ka hadlay ayaa xaqiijiyey in doontan oo qaylo dhaan dirsatay la badbaadiyey iyada oo maraysa meel qiyaas 240 kiloomitir ah u jirta jasiiradda, xeebaha dalka Liibiyana u jirta 65 kilomitir.

Dalka Talyaaniga waxaa sannadihii u dambeeyey si weyn ugu qulqulayey tahriibayaal u badan Afrikaan oo u socda in ay Qaaradda Yurub ka raadsadaan nolol dhaanta ta dalalka ay ka yaaceen, iyaga oo naftooda ku miidaaminaya doonyo tayadooodi aad u liidato oo aan u adkaysan karin mawjadaha badda aadka u kacda ee Mediterranean. Warbixinuhuna waxa ay sheegayaan in lixdii bilood ee sannadkan 2014 ka ugu horreeyey ay xeebaha Liibiya gaadheen tahriibayaal tiradoodu dhan tahay 65 kun oo ruux.