Siyaasad Debadeedka Somaliland Yuusuf Goodir Maxamed

0
665

Somaliland waxay baarka ka jaraysaa rubuc qarni (25-sanno), sidee baynu u qiimayn karaa dedaalka aynu ugu jiro in aynu ka mid noqono bulshadda caalamiga ah? Ma jiri kartaa dhabbo toosan oo ina gayn karta darka ictiraafka?

labadaas su’aalood waxay dhextaal u yihiin in ay Somaliland hesho aqoonsi qaranimo. Waxaa hubanti ah in mudadaas dunidu ina maqashay, ina aragtay. Dunidu waxay maqashay sawaxan keena, way inagu soo dhawaatay, waxay aragtay calankeena quruxda badan ee aynu dhulka u diidnay. Su’aasha muhiimka ahi waxa weeye, maxay fahmeen? Waa halka aynu ka liicnay!   Geed meel ka taagani inta uu adag yahay waa dhumucda jiridiisa oo dhulka aad ugu aroorisa. Siyaasadeena arimaha debedda waxa boog ku ah jiritaan la’aanta wadan qudha oo ina aqoonsaday! Waayo? Bal ila eeg:

1. Somaliland dawladnimadeedu waxay u dhisan tahay sidii dal la aqoonsan yahay;

2. weli inooma cadda waxa aynu helayno, haddiiba layna ictiraafo;

3. sidoo kale ma ogin waxa aynu ku waayayno ictiraaf la’aanta;

4. mudadaas dheer Somaliland ma lahayn siyaasad debadeed (foreign policy).

Maxay sidaasi ku dhacday? Qaranna waxa dhidba hogaamiyayaashiisa. Bishii Janaweri ee 2014, waxaan daabacay in hogaamiyayaasheenu ka midaysan yihiin hal shay, mabda’ la’aan. Tusaale ahaan, afartii madaxwayne ee ina soo maray kumaa ogolaa Somaliland 1991? Kumaa intuu milicda istaagay, qayliyay, oo dhididay dadkuna ka arkeen doonistiisa adag ee aan la loodin Karin? Qaarkood waxaabay qayb ka ahaayeen shirarkii lagu manjoxaabinayay qaranimadeena.

Aqoonsiga Somaliland wuxuu ku xidhan yahay sida aynu u yagleelo qaranimadeena, waxaana bud-dhig u ah siyaasad gudeed taas ka askuntay cilmi baadhis qotodheer. Cilmi baadhistaasina waxay ka talo bixinaysaa afarta qodob ee aynu kor ku xusnay. Madaxwaynuhu dhawaan wuxuu magacaabay gudi ictiraaf raadin ah. Ictiraafka waxaynu ku masayn (analogy) karaa, qof doonaya mushqaayaddii shaqaddii uu soo qabtay. Bulsho ahaana in layna aqoonsadaa waa xuquuq aynu bulshadda caalamka ku leenahay, laakiin waajibaad baa ka horeeya, maynu garan. Dunida waxaynu u sheegi kari waynay, taariikhdii madoobayd ee ina soo martay 30kii -sanno ee Muqdisho laynaga xukumayay. Sidoo kalena dawladeheenii kala danbeeyey waxay ku guuldaraysteen in ay qeexaan gebi ahaanba aragtida siyaasadeed ee aynu ka qaadanayno Somaaliya.  

Marka aynu dhaliileheena tilmaamayno macneheedu ma aha waxba maynu qabsan, laakiin waa is toosin. Horaa loo yidhi oohin uu qof ooyo waxa ugu liidata ta uu isu gaysto. Aan dhawr dhacdo tiigsaddo:

Somaaliya dagaal bay kula jirtaa Somaliland, dhawr wadan oo lagu tegi jiray baasaboorkeena ayay albaabadda u soo xidhay.  Waxay u tafo xaydan tahay in ay baajiso in aynu heshiis caalami ah cid la galo. Nasiib darro, siyaasiyiinteenu intii qarankeenu dhidbanaa waxay la soo taagnaayeen “walaalahayo!” marka aynu ictiraaf doonayno taas macneheedu waxa weeye in dhabarka laynaga dhirbaaxo, oo la yidhaahdo, haa walaalihiin doonta. Marka yar-yarkan aan Af-soomaaliga aqoon, ee sida shaqada lagu qoray aynu ognahay (laanta Af-somaliga) ee BBC-du waraysteen masuuliyiinteena berigii dhawayd ee dadka laga masaafurinayay wadanka, waxay la soo boodayeen, “maya Soomaalidu kuma jirto.”  Horta intaan masaafurisba la gaadhin waa in inaga, yar-yarkan BBC-da iyo Soomaaliduba isla fahanaa in ay kuwan danbe waa soomaalida’e ay halkan ajnebi ku yihiin oo masaafuriskoodu aanu ka duwanayn ka Oromada. Sidoo kale dhawaan madaxdeena waxaa laga hayaa in madaxda Soomaaliya, garoomada Somaliland lagu sharfayo socdaaladooda! Marka aynu ictiraaf doonayno taas macneheedu waxa weeye federal baanu nahay.

Markii isku dhacu dhex maray ciidamadda xeebaha Somaliland iyo degelkan Canfarta iyo Ciisaha TV-ga Faransiiska ee Jabuuti waxa laga sheegay in uu inagu tilmaamay budhcad badeed soomaali ah! Maxaynu ku jawaabnay? Waxa la waayay masuul qudha oo si adag uga jawaaba arintaas, xataa madaxwaynuhu wuxuu soo hadal qaaday markii la wadiiyay. Xili ku xidhiidhsan Arbacaddii bishan 16dii, TV-ga qaranku wuxuu daadihinayay barnaamij aad loogu dabaal degayo ina Cumar Geelaha Jabuuti degan, weliba laba jeer ayaan ka daawaday! Sidoo kalena, sanadahan danbe waxaa magaalooyin keena lagu xardhaa calaamaddo aad loo muujiyay oo ka taagan sumadaha dhulka Soomaaliya. Waa xeelad dhalinteena lagu barayo Soomaaliya. Waxyaabaha ugu yaabka badan leh waxaa ka mid ah in ka Somalilander ah ee Soomaaliya ku soo hungooba markiiba madax laga dhigo. Marka aynu ictiraaf doonayno taas macneheedu waxa weeye, bulsho aan qaran ahayn (not even seeking for identity.)

Hay’addo badani mudo dheer waxay ka shaqaynayeen sidii ay isu dhex geli lahaayeen labada bulsho, iyadoo shirarka lagu qaban jiray Hargaysa, imikana waxaa ku soo biiraysa ama mustaqbalka dhow loo badan doonaa Muqdisho. Waxaa taa ka daran in hay’adaha UN-tu shaqooyinka ay ku xayaysiiyaan wargaysyadeena ku qoraan Somaliya, marka aynu ictiraaf doonayno taas macneheedu waxa weeye, aqoon daro wayn oo inaga haysa hab dhaqanka xeerarka caalamiga, diblomaasiyadda iyo mooganaanta in aynu dhulkan leenahay. Tusaale ahaan, afka UN-tu ku hadlayso yaa la gartay, marka aynu ictiraaf doonayno taas macneheedu waxa weeye, meeshan rarkaa inagaga dhacay, waynu iska hawaarsanay (squatters.)

Aragtidayda in siyaasad debadeedku ku qotonto ta gudaha waxaa sal u ah in nuxurka aynu dunida dhacsiinaynaa yahay waxaynu yagleelay (inventiveness.) taasna waxaa horsed ka ah:

1. In laga hawl galo siyaasadda gudaha oo aynu uga jeedno hore u marka

2. In la dejiyo siyaasad debadeed (foreign policy;)

3. Adeegsiga hanaanka dawlad wanaaga

Qore: Yuusuf Goodir Maxammed

Email: ygoodir2014@hotmail.com