Digniin Caafimaad: Dawooyinka Qaar Marka Ay Dhacaan Waxa Ay Isu Beddelaan Sun Khatar Ku Ah Nolosha Qofka

0
566

Qaahira (Geeska) Taariikhda ay dawadu dhacaysaa waa waxa ugu muhiimsan uguna horreeya ee ay tahay in uu iska hubiyo qofku marka uu dawada iibsanayo ama dawada guriga muddo u taallay inta aanu cunin. Dr. Marwaan Saalim oo ah khabiir iyo cilmi-baadhe ku xeel dheer cilmiga dawada oo u dhashay dalka Masar ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in qofku inta aanu kuba fikirin cunista dawada uu marka hore eego taariikhda ay dhacayso eek u qoran dusheeda, arrintaas oo muhiim ah nooc kasta oo ay dawadu tahay, sida dareere (Shorobo), kiniin, Kaabsool ama iraab, waayo dawadu waxa ay ka samaysan tahay kiimikooyin iyo maaddooyin kala duwan oo la isku daray, kuwaas oo haddii waqtiga ay noolaan karaan dhaco sababa khatar caafimaad oo halis gelinaysa nolosha qofka.

Dr. Marwaan oo arrintan sii faahfaahinaya ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaa jira dawooyin marka uu waqtigoodu dhaco isu beddela sun, inta badanna ay u dhowdahayba in ay noqdaan dilaa galaafta nolosha qofka isticmaala, waxaa ka mid ah dawada loo yaqaanno Tetracycline. Dawooyinka kale ee ay khatartoodu aad u sii badan tahay marka ay dhacaanna waxaa ka mid ah, dhibcaha indhaha iyo dhegta, dawada Insulin ee macaanka loo isticmaalo, oo weliba iyada laga rabo in si fiican loogu hayo tallaagad, haddii lala safrayana lagu dhex rido baraf, haddii kale waxa ay dawadani luminaysaa faa’idadeeda, waayo waxaa raad taban ku yeesha heer-kulka.