Cuntooyinka Kaadida Badiyaa Waxa Ay Ka Qayb Qaataan In Miisaanka Qofku Si Caafimaad Qabta Hoos Ugu Dhaco

0
717

Picture7Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay shabakado kala duwan waxa uu akhristayaashiisa ugu soo bandhigayaa qaybo ka mid ah cuntooyinka aynu cunno, gaar ahaan cuntooyinka lagu yaqaanno in ay kaadida badiyaan oo ay khubarada ku xeel-dheer cilmiga  cuntada iyo faa’idada ku jirtaa caddeeyeen in ay miisaanka dhinto. Cuntooyinkaas qaar ka mid ah oo hore loo yaqaannay waxaa gu caansan, biyaha caadiga ah ee la cabbo, sidoo kale waxaa ka mid ah khudradda Khayaarka loo yaqaanno, Tamaandhada iyo xabxabka. Intaas waxa ayun ku sii daraynaa cuntooyinka kale ee dalkeenna laga heli karo ee ay khubaradani caddeeyeen in ay kaadida badiyaan, taas macnaheeduna yahay in ay miisaanka si caafimaad qabta uga yareeyaan qofka caadaysta cunistooda, waxa aanay kala yihiin:

– Daba-casaha: Waxa uu badiyaa kaadida, waxa aanu jidka ka soo saaraa dareerayaasha gudihiisa ku hadha ama ku urura, dareerahaas oo ka mid ah miisaanka qofka ku kordhaya.

– Toonta: Toontu waxa ay jidkeenna ka saartaa suntan, sidoo kale waxa ay badisaa kaadida.

– Boorashka: Boorashku waa cuntada ugu fiican ee ay tahay in uu cuno qofka doonaya in uu miisaanka iska dhimaa, waayo waxa uu ka mid yahay cuntooyinka baalka leh sidaa awgeed waxa uu u fiican yahay caafimaadka caloosha waxa aanu badiyaa kaadida.

– Sinjibiisha: Sinjibiisha oo xaddi macquul ah lagu darsado shaaha ama xataa biyaha caadiga ah ee la cabbaa waxa ay leedahay faa’idooyin caafimaad, oo ay ka mid tahay in ay jidhka ka saarto suntan, sidoo kale waxa ay kordhisaa kaadida, taas oo leh faa’idada ah in jidhku iska saaro dareeraha saayidka ah eek u hadha ama ku urura.

– Kaabashka: Kaabashku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka faa’idooyinka badan ee caafimaad ay ku jiraan, waxaa ka mid ah in uu badiyo kaadida taasina ay gacan weyn ka geysato hoos u dhaca miisaanka. Daraasado cilmiya ayaa iyaguna xaqiijiyey in uu si weyn wax uga taro ka hor tagga iyo baabi’inta burooyinka kansarka ah iyo guud ahaanba sababaha kansarka keena.