Dhumucda, Dhererka, Iyo Qaabka Afka Ee Qofka Ayaa Ay Maskaxdu Uga Qiyaas Qaadataa Shakhsiyaddiisa

0
1238

Picture4London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in rayiga aynu ka qaadanayo shakhsiyadda qofka aynu marka koowaad aragnaa uu ku samaysmo 10 ilbidhiqsi oo keliya. Taas oo macnaheedu yahay in qofka marka ugu horreysa ee aad faal-ka-fool ula kulanto adiga oo aan hore u arag, ay markaba muddo 10 ilbidhiqsi gudahood ah maskaxdu ay faham ka qaadanayso shakhsiyadda qofkaas. Cilmi-baadhayaal ka tirsan jaamacadda York ee boqortooyada Ingiriiska ayaa baadhitaan ay muddo wadeen ku ogaaday in marka ugu horreysa ee qofku uu arko qof aanu hore u aqoon ay maskaxdu markaba sawirro degdeg ah ka qaadato qaab-dhismeedka qofka iyo abuurkiisa duleed, kadibna ay u gudbiso qayb u diyaar ah in ay faaqiddo oo ay lafa-gurto muuqaalkaas iyo haddii lagu daro qaab-hadalka iwm ee qofka, waxa aanay markaba natiijo ka gaadhaa shakhsiyadda laga yaabo in uu qofkani leeyahay, oo tusaale ahaan waxa ay go’aan ku qaadanaysaa in uu yahay qof lagu kalsoonaan karo, ama qof kulul, qof colaad badan, qof jecel in uu isagu taliyo ama qof aad u dabacsan. Cilmi-baadhayaashu waxa ay sheegeen in hawshan oo dhami ay dhacdo iyada oo aanu qofku si caadi ah ugu sii talo-gelin ama aan maskaxdiisa ka joojin karayn in ay ka fikirto shakhsiyadda qofka ay hadda la kulanto, taas oo macnaheedu noqonayo in aragtida koowaad ee qofka wejigiisu in aanay tafaasiil cad ka bixinayn da’da, jinsiga iyo xaaladda jacayl ama nacayb ee qofka oo keliya, balse ay sidoo kalna tilmaam fiican ka bixinayso shakhsiyadda qofkan iyo dabeecadaha u qarsoon. Tom Hartley oo ka tirsan majalladda Cilmi nafsiga ka faalloota ee Maraykanka Psychology Magazine ayaa isaga oo arrintan ka faalloonaya waxa uu sheegay in muuqaallada horudhaca ah ee tilmaamaha iyo dabeecadaha bulsho muddo ka yar hal daqiiqo sawirkeeda guud laga qaadan karo aragtida koowaad ee qofka. Meelaha ay arrimahaas maskaxdu ka qiyaasatana waxaa ka mid ah, dhumucda qofka, dhererkiisa, qaabka samays ee afkiisu yahay, iwm oo maskaxdu ay uga qiyaas qaadato shakhsiyadda qofka, halka indhaha, midabka iyo qaabka samays ee daamamkana ay ka qaadato ragannimada qofka.