Khajilaadda Badani Gabadha Waxa Ay Ku Kordhisaa Qurux Iyo Jawi Farxadeed, Dhiirraniduna Diiqad Nafsiya

0
1117

Khajilaadda iyo is-ururintu waxa ay ka mid tahay dabeecadaha ay caanka ku tahay gabadha Soomaaliyeed iyo guud ahaan dumarka dunida Bariga ee diinta ama dhaqanka aadka ugu tiirsan, laakiin waxaa in badan dhacda in dad badani ay ay dabeecaddan u arkaan in mid la hadhaysa qofka oo ka xidh-xidhaysa in uu bulshada dhex galo, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo shaqada, taas oo marka aynu kala saarno khajilaadda iyo xishoodka ay inoo muuqanayso in dooddooda ay wax badani ka jiraan. Laakiin waxaa iyaduna xaqiiqo ah in sida khajilaaddu ay u tahay teed qofka ka hortaagan horumarinta xidhiidhka uu bulshada la leeyahay in dhinaca kalana ay dhiirranaanta iyo furfurnaanta badan ee qofku uu mar kasta dad badan bartaa ay nolosha ku yeelato raad taban, oo ay ka mid tahay, waxbarashada oo dayacanta, shaqada qofka oo xumaata iyo qofka oo nafsiyan mar kasta ku jira xaalad kacsan oo aan ammaan dareemayn. Haddaba khubaro ku xeel-dheer cilmiga bulshada ayaa arrimahan u kuur galay iyaga oo jawaab u raadinaya su’aasha in badan la is weydiiyo ee ah, “Qofka khajilaadda badan iyo kan dhiirran keebay noloshiisa farxaddu ku badan tahay?”

Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Southeast ee dalka Maraykanka oo muddo lagu daraasaynayey xaaladaha nololeed ee hablaha khajilaadda badan iyo kuwo dhiirran ayaa lagu ogaaday in gabadha khajilaadda badani ay inta badan dareento xasilooni iyo ammaan nafsi ah, halka gabadha dhiirran ee asxaabta iyo bulshada badan ku xidhani ay mar kasta kaga jirto xaalad mashquul ah iyo dadaal ay ugu jirto in ay qanciso dadkaas kala duwan, oo dabcan ay qaarkood qancin kari waayeyso ama wax yaabo ay la doonaysay u suurtogeli waayayaan taasina ku keenayso niyad jab iyo diiqad badan oo joogto ah. sidoo kale gabadha khajilaadda badan muuqaal ahaan ayaa ay shucuurta khajilaaddu ku kordhisaa qurux iyo muuqaal soo jiidanaya qofka eegaya indhaheeda iyo wejigeeda khajilaya, taas oo ay kaga duwan tahay gabadha kale oo iyadu mar kasta diiqad iyo culays dareemaysa marar badanna la kulmaysa hungo iyo hagar daamo ay kala kulanto nolosha.