Nin Ku Guulaystay In Uu Si Dabiici Ah Ula Saaxiibo Libaaxyo Iyo Xawaanno Kale Oo Dad Qaad Ah

0
845

Picture5Pretoria (Geeska)- Khabiir ku takhasusay cilmiga xayawaanka iyo rabbayntooda  oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa ku guulaystay in uu xidhiidh saaxiibtinimo la samaysto libaaxyo. Khabiirkan oo magaciisa la yidhaahdo, Kevin Richardson waxa uu waayo-aragnimo badan iyo aqoon xeel-dheer u leeyahay rabbaynta iyo dhiqidda xayawaanka.

Richardson waxa uu muddo dheer waday sidii uu xidhiidh saaxiibtinimo ula yeelan lahaa xayawaanka hilib ku noolka ah taas oo uu dhib aad u badan oo uu u samray kadib aakhirkii ku guulaystay, una fududaysay in uu xidhiidh yaab badan oo saaxiibtinimo la wadaago libaaxyo. Kevin waxa uu gaadhay in uu libaaxa ula macaamilo sida bani'aadamka, oo tusaale ahaan waxa uu awoodaa in uu la ciyaaro, gogol keliya hurdo kula wadaago ama xataa uu la dabbaasho isaga oo aan haba yaraato ee wax warwar iyo baqdin ah ka qabin in uu ku wacad furo xayawaankan halista ahi, sida ka muuqata sawirka qoraalka la socda oo run ah.

Picture6

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Daily Mail oo ka soo baxda dalka Ingiriisku waxa uu intaas ku daray in sida ka muuqata sawirkan oo ah mid dhaba oo laga soo qaaday Richardson oo barkad kula dabbaalanaya gool oo sida ka muuqatana ay si kalgacal leh labada garab u haysato. In kasta oo uu libaaxu ka mid yahay xayawaannada dad qaadka ah ee la rabbayn karo, haddana ma jirto cid u wada aamini karta sida Richardson, inta badan marka la rabbaynayo waxa laga saaraa miciyaha, waxa sidoo kale lagu mudaa irbad xilliyeed loogu talo galay in ay libaaxa ka dhigto mid deggen oo aan cadhoon si looga hortago khasaare uu geysto, laakiin Richardson wax yaabahan la'aantood ayuu ku guulaystay in uu libaaxan la saaxiibo.