Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka (Pentagon) ayaa wada qorshe ay ugu gudbiyaan Kongareeska Maraykanka qorshaha ay doonayaan inay ku xidhaan xabsiga Guwantanamo Bay ee lagu hayo raggii muslimka ahaa ee lagu soo qabtay dalalka Afghanistaan, Ciraaq iyo goobo kale.
Xabsiga Guwantanamo ayey weli ku xidhan yihiin 91 maxbuus, kuwaasi oo la sheegay in 35 kamid ah hada la doonayo in lasii daayo iyagoo la geyn doono dalalkii ay kasoo jeedeen ama wadamo kale, sida ku cad qorshaha cusub ee kasoo baxay xakuumada Maraykanka.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa hore marar badan u balan qaaday inuu xidhi doono xabsiga Guwantanamo balse ku guuleysan waayey kadib markii ay is hortaageen qorshahaasi Baarlamaanka, inta badan Xildhibaanada Mucaaridka ee Xisbiga Jamhuuriga ayaa kasoo horjeeda in la xidho xabsigaasi.
Xukuumada Maraykanka ayaa dooneysa in maxaabiista aan weli la fasixin loo soo wareejiyo xabsiyo ku yaal gudaha wadanka Maraykanka, arrintaasi oo ay si weyn uga soo horjeedaan xildhibaanada Jamhuuriga iyo waliba qaar kamid ah Xildhibaanada xisbiga Obama ee Dimuquraadiga.
Aqalka Kongareeska Maraykanka ayaa sanadkii 2011 qaadacay qorshe Obama ku doonayey in xabsigaasi gebi ahaan lagu xidho, mana cada in markan uu ku guuleysan doono qorshihiisa xili wadanka Maraykanka ay ka socota ololaha Doorashada isla markaana wax ka yar hal sano ay uga hadhay xilka uu hayo Madaxweyne Obama.