Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: John Kennedy- Jacaylkii Siyaasadda Iyo Khiyaamadii Dumaashiyada

0
682

Qisada Jackline iyo John F. Kennedy waxa ay bilaabatay sannadkii 1951kii oo ay Jacqueline Bouvier iyo John F. Kennedy isku barteen casuumad casho ahayd oo labadoodaba si kala gaar ah ay ugu soo casuuntay, xaaska wariye caan ka ahaa dalka Maraykanka oo la odhan jiray Charles Bartlett.

Qisada Jacqueline iyo John F.Kennedy oo markaas ahaa xildhibaan golaha wakiillada ka soo galay gobolka Massachusetts, xiisaheedu waxa uu la soo bilaabmaya sababta cashadaas ay isku barteen loo sameeyey. Martha Bartlett oo ahayd xaaska ninka wariyaha ah ayaa uu hinaase xooggan ku abuurmay markii ay ogaatay in saygeedu uu waxoogaa la dhacsan yahay Jacqueline oo iyaduna saxafiyad ahayd. Kadib waxa ay go’aansatay in si saygeeda iyo Jacqueline aanay isu damaaciyin ay qasab tahay in Jacqueline ay u raadiso nin ay ku qanacdo, iyada oo aan Jacqueline dareensiinayn in ninkan ay barayso. Durbadiiba waa ay shaqaysay xeeladdii Martha oo Jacqueline waxaa si aad ah u soo jiitay qaab-dhismeedka jidheed iyo hubqaadka quruxda badan ee wiilkan, waxaa laab qaaday ladnaanta dushiisa ka muuqata iyo kaftan aqoonnimada ay ka aragtay. John F.Kennedy qudhiisuna waa uu la dhacay gabadhan uu moodayo in isbarashadoodu ay tahay mid aan hore looga soo shaqayn.

John iyo Jack barashada habeenkaas kadib muddo ayaanay kulmin maadaama oo uu John ku mashquulsanaa ol’olaha doorashadii golaha odayaasha Maraykanka ee gobolka Massachusetts oo uu u sharraxnaa, laakiin Martha oo arrintaas ogaatay ayaa si aanu xidhiidhka John iyo Jacqueline u go’in waxa ay mar kale ku wada casuuntay casho gurigeeda ay ku samaysay oo aanay midkoodna u sheegin sababteeda. Habeenkaas labaad ayaana bilow u noqday xidhiidho joogto ah oo ay John iyo Jacqueline marar badan ku kulmeen meelo kala duwan, aakhirkiina jacayl diirran ayaa dhex maray, laakiin qarsoodi ayaa uu ahaa maadaama oo Jacqueline nin kale u doonanayd waqtigaas.

Muddo gaaban kadib Jacqueline waxa ay fasakhday doonistii ninka hore, waxa aanay xidhiidh rasmi ah la yeelatay John F. Kennedy, waxaana laga dareemay in ay xitaa shaqadeedii warfidiyeennimo niyadda ka sii deysay oo ay xiisaheeda koowaad ka dhigtay jacaylka iyo adkaynta xidhiidhka John F. Kennedy.