Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: Amiirad Diana Iyo Doodi Faayid- Riyadii Rumoobi Weyday

0
626

1Diana bilowgii waxa ay aad ugu kalsoonayd in ay Camilla ka durkin karto Amiir Charles iyada oo kaashanayasa dhalinyaronimadeeda, quruxda ay dheer tahay Camilla iyo kalsoonida badan ee ay nafteeda iyo jacaylka ay qabto u haysay, laakiin isla markii ay isguursadeenba iyaga oo aan weli bishii koowaad dhaafin shucuurta Diana waa ay is beddeshay, shaki badan waxaa ku beeray Charles oo si yaab leh jidh ahaan isaga ilaaliyey Diana muddo bil ah oo ay safar dalxiis caruus ah ku tageen deegaanno xasiloon oo ku yaalla badweynta Mediterranean ka. Diana arrintan waa ay rumaysan kari weyday, fahmina weyday sababteeda” Haweenaydan qoraaga ah ee Anna Pasternak ayaa buuggeedan ku qortay hadalka Diana oo arrintan lafteeda ka hadlaysa, waxa aanay tidhi, “Charles waxa uu garan waayey, in waxa aan doonayo ee ugu weyni uu kalgacayl yahay, iyo in aan dareemo in aan ahay gabadh dhamays ah”

Dhinaca kalana Diana iyada oo ka warramaysa shooggii ay ku noqotay khiyaamada ay ka aragtay Sharles iyo waxa ay marka hore ka filaysay ayaa ay tidhi, “Charles waa aan jeclaa, waxa aanan doonayey in aanu wax kasta wadaagno. Laakiin ma jiro wax ka xun marka aad dareento in khiyaamo jacayl kugu dhacday, gaar ahaan marka aad da’ yar tahay ee caashaq xooggani ku hayo. In badan ayaa aan isku dayey dulqaad iyo in aan qoyskayga dhismihiisa dhowro. Daqiiqadaha keliya ee aan farxad ka dareemay guurkayguna waxa ay ahayd dhalashadii William iyo tii ka dambaysay ee Harry”

Si kataba ha ahaato ee Amiirad Diana waxa ay qiratay in furniinkii Charles kadib ay rajadeeda farxadda qoysnimo is beddeshay, gaar ahaan markii ay isjeclaadeen Doodi Alfeyd, iyada oo shucuurteedii jacaylkaa dambe ee Doodi sifaynaysana waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Maanta, waxa aan ku naalloonaa daacadnimo, iyo jacayl cusub oo igu beermay, Doodi oo aan jecelahay. Doodi Alfeyd waxa uu noqday waxa ugu muhiimsan ee aan adduunyadan ku leeyahay. Waxa aan ka dhiganahay sida Markab ka soo badbaaday duufaan iyo dabaylo roob oo xooggan, oo imika doonaya in uu muddo si deggen u dhex mushaaxo bado deggen. Waa i kan maanta aan ku noolahay farxad cusub, iyo raaxo aan la qiyaasi Karin oo aan ka helay amiirkayga cusub, waa Doodi ee”

Hadalkii Dooddi iyo Diana Galaaftay:

Sida ay Anna Pasternak buuggeeda ku sheegtay Diana iyo Doodi Alfeyd waxa ay si rasmi ah ugu heshiiyeen guur, iyo xitaa guurka kadib marka ay qos noqdaan sida ay noloshooda u maamuli doonaan iyo hawlaha ay qaban doonaan ee dhinaca bani’aadamnimada. Laakiin sida marar badan la sheegay, Anna Pasternak-na  ay buuggeedan aynu soo xusnay ku sheegtay, dad badan ayaa illaa hadda aaminsan in shilkii gaadhi ee ay Diana iyo Alfeyd ku geeriyoodeen uu ahaa mid la sii qorsheeyey oo ay haayado sirdoon si aad u xeelad badan uga shaqeeyeen.

Sababta soo dedejisay khaarajinta lammaahanina waxaa la aaminsan yahay in ay xidhiidh weyn la leedahay hadal uu si badheedh ah Doodi Al-feyd ugu sheegay qorshaha guur ee isaga iyo Diana, kaas oo aanay jeclaysan qoyska boqortooyada Ingiriiska ee ay hore uga tirsanaan jirtay Amiirad Diana. Waraysi uu Dood siiyey majaladda Paris Match ayaa ku yidhi, “Diana waa aan jeclaa, waayo waxa aan bartay in quruxda muuqeeda ay u dheer tahay qurux ku qarsoon shakhsiyaddeedu. Waxa aan ku jeclaaday dareen celinteeda, waxa aan jeclaaday qisada carruurnimadeedii, waxa aan jeclaaday hawlaha samofal ee ay isku xil-qaantay iyo dadaalka ay ugu jirto. Waxa ay muujinaysaa geesinimo jidh ahaaneed iyo mid maskax ahaaneedba, waxa ay la macaamishaa oo ay gacan siisaa dad bukaan uu baras ku dhacay, dalal colaado iyo dagaallo ka jiraan ayaa ay u safartaa si ay gacan uga geysato hawlaha samofalka” La soco…