Xaaji Cabdi-waraabe Iyo Xildhibaan Indho Oo Hambalyo U Diray Madaxweyne Geele

0
522

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe), iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), oo Golaha Guurtida ka tirsan ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u diray Madaxweynaha Dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, oo ay ku bogaadiyeen Doorashada xilka Madaxweyne ee uu markii afaraad uu ku guulaystay.

 Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe),ayaa ugu horeyn yidhi "Hambalyo ayaan leeyahay Madaxweynaha Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, oo Doorashadii ku guulaystay, kuna guulaystay markii afraad, Madaxweyne Ismaaciil, waa Madaxweyne aynu nahay gacal, waa Madaxweyne saaxiib la ah  Somaliland, waa Madaxweyne horumar balaadhan gaadhsiiyey dalkiisa, waxaanan leeyahay hambalyo, waana ku bogaadinayaa, guul iyo inaad halkaas ka sii wado horumarka ayaana kugu duceeynayaa".

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), ayaana isna yidhi "Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Doorashada uu ku guulaystay waan ku bogaadinayaa, waana Madaxweyne ku dayasho mudan, oo aad uga muuqda Wadamada Geeska Afrika, waana Madaxweyne dalka Jabuuti wax badan u qabtay horumarna gaadhsiiyey"