Maxaa Lagu Gartaa Horumarka Waddan Kastaba? Cabdiwahaab Tooxyare …. Abdiwahaab888@gmail.com

0
577

Bismillah.. Waxaan qalinka u soo qaatay inaan kaga hadlo ama wax yar ka idhaahdo waxyaabaha lagu cabiri karo horumarka uu gaadho waddan kastaaba iyo waxyaabaha lagu garan karo iyadoo muhiim u ah nolosha dadka iyo dalka laguna garan karo bulshada hourmarka ku talaabsatay iyo bulshada kaleba.

1

Guud ahaan horumarka uu gaadho waddan kastaaba waxaa laga garan karaa dadka ama bulshada waddankasi heerka nolosha ay ku leeyihiin iyadoo bulshadaasi laga eegayo qofkastaba jeebkiisa inta maalintii soo gasho (Per Capita Income), waxaana laga qiyaasi karaa dabaqadaha bulshadu iyo sida ay kala tahay.

Sidoo kale waxaa iyaduna muhiima oo dhaqaalaha waddan suuragala in minqiyaas laga qaato kaabayaasha dhaqaale ee waddankaasi haday noqoto waddooyinka,biriishyada,is gaadhsiinta iyo baahiyaha kale ee aasaasiga ah ee ay ka midka yihiin waxbarashada,caafimaadka,biyaha iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ha nolosha dadka isla markaasina waddankaasi ka dhigi kara mid dadkiisu ku noolyihiin nolol wanagsan oo ay ku gaadhi karaan hiigsigooda.

Horumarka beeraha iyo sida waddan kastaaba u xoojiyo wax soo saarka dalkiisa iyo siduu u dhiirigeliyo beeraha iyo siduu waddanku isku filnaanshiyo u gaadhi karo ayaa ah qodob muhiima oo ka mida waxyaabaha lagu garan karo horumarka waddanka kasta,isla markaasina waddankaasi uu u yarayn lahaa waxyaabaha dibadaha uga imanaya una badiyo waxsoo saarka iyo alaabta uu dhoofinayo dibada, markaasi ayaa la odhan karaa waddankaasi wuxuu gaadhay isku filnaanshiyo.

Xidhiidhada caalamiga ah iyo iskaashiyada waddankaasi iyo sida maalgashiyada caalamiga ah waddankasi uga hawl galaan ayaa iyaduna muhiim u ah horumarka waddan kastaba.

Ugu dambayn waxaan ku soo gunaanadi lahaa qofkastaaba ha is waydiiyo waxyaabaha qarankeenan curdinkaa ee soo koraya ku talaabsaday haday noqoto kaabayaasha dhaqaale,wax soo saarka, maalgashiga iyo xaakada shacabakeenu ku noolyihiin.

Allaa mahad leh.

Cabdiwahaab tooxyare.

Suxufi, qoraa ah.

Hargeysa,Somaliland.

00 252 63 4139709.

Tixraac: (Baadhis iyo xog ururin) .