Dhiigkarka (7): Hababka Ugu Muhiimsan Ee Loola Tacaali Karo Dhiigkarka Oo Loo Yaqaano Dilaaga Aamusan

0
854

1Daweynta dhiigkarka:

Qodobka koowaad ee ugu muhiimsan in qofka uu dhiigkarku ku dhacaa sameeyaa waa in uu beddelo gebi ahaanba hab-nololeedkiisa, waana habka ugu fiican ee ay khubarada caafimaadku sheegayaan in uu sababi karo in uu qofku la noolaado dhiigkarka isaga oo kabadbaadaya khataraha ka dhasha. Si kastaba ha ahaato ee wax-ka-beddelka hab-nololeedkaas oo ay ugu muhiimsan tahay in uu qofku qofku jimicsi jidheed sameeyo iyo in uu wax ka beddel ku sameeyo caadooyinkiisa hore ee dhinaca cuntada, marar badan ayaanay kelidood ku filnayn dawweynta dhiigkarka. Sidaa awgeed in qofku uu dhakhtar la xidhiidho waa muhiim si loogu qoro dawada dhiig-dejinta ee xaaladdiisa ku habboon.

Jimicsiga:

– Qofka dhiigkarka qaba waxaalagula taliyaa in uu toddobaad kasta shan jeer sameeyo jimicsi waqtigiisu u dhexeeyo 30 illaa 60 daqiiqo, taas oo la aaminsan yahay in ay ka qayb qaadato dejinta dhiigga, isla markaana si weyn uga hortagto khataraha aynu dib ka arki doonno ee ka dhalan kara dhiigkarka.

Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in qofka dhiigkarka qaba ee jimicsiga sameeyaa uu dhaqso u arko faa’idada caafimaad ee jimicsigu u kordhiyo, gaar ahaan in uu laba ama saddex toddobaad gudahood ku arko waxtarka jimicsiga, gaar ahaan marka uu yahay qof nolol fadhigu ku badan yahay muddo ku soo jiray.

– Waxaa muhiim ah in qofka dhiigkarka qabaa inta aanu jimicsiga bilaabin uu la tashado dhakhtar takhasus ah oo eega dhiiggiisa iyo xaaladda wadnihiisa kadibna kala taliyo sida ugu fiican ee uu jimicsigaa u samayn karo ama inta uu xammil u leeyahay jimicsiga.

Sirta ugu weyn ee qofku uu ku heli kaor faa’idada jimicsigu waa in uu joogteeyo, in uu maalmaha fasaxa toddobaadka uun ku beego ama uu joogtayn waayo faa’idadeedu waa ay kala dhiman tahay.

Cuntada:

– Qofka dhiigkarka qabaa waa in uu ku dadaalo in uu cuno khudrad badan oo ka kooban noocyada kala duwan ee khudaarta. In uu iska ilaaliyo dufanka xoolaha oo uu ku bedesho kan dhirta laga saaro, iyo dufanka kallunka ee Omega loo yaqaanno. Haddii ay qasab noqoto in qofku uu hilib xoolaad cuno waa in uu ku dadaalo in uu iska dhilo baruurta oo uu jiidh saafi ah cuno.

– Cilmibaadhiso caafimaad oo kala duwan ayaa ka marag kacaya in milixda oo qofku cuntadiisa ka yareeyaa ay si weyn uga qayb qaadato dejinta dhiigga.

Miisaanka oo la dhimo:

– Cilmibaadhiso kala duwan ayaa ay xeeldheerayaasha caafimaadku ku ogaadeen qofka oo miisaankiisa dhimaaay saamayn muuqata ku yeelato dhiigkarka oo ay si aad ah u dejiso. Haddi iqofku uu miisaankiisu inta dabiiciga ah ka sarreeyana mar kasta oo miisaankiisu hoos u dhaco waxaa hoos ula dhaca dhiigkarka heerkiisa.

– Mar kasta oo uu qofku miisaankiisa hoos u dhigo, waxaa kor u kaca waxtarka dawada dhiigkarka ee uu qaataa u leedahay jidhkiisa, in qofku uu yareeyo caloosha iyo dhexda ayaana ah tan leh saamaynta ugu fiican ee ugu weyn dhinaca dhiigkarka.

In qofku uu miisaankiisa dabiici ku soo celiyaana waxa ay u baahan tahay in uu isku daro jimicsi, caado cunto qaadasho o osax ah, iyo ugu yaraan toddoba saacadood oo uu habeen kasta seexdo hurdo tayo leh.

Cabbitaanka:

Daraasado kala duwan ayaa sheegaya in sharaabka tamarta iyo bunkuba ay ka qayb qaataan kicinta dhiigga. Waxa ay daraasadaha qaar sheegeen in qofka oo maalintii cabba laba daasadood ama quraaradood oo sharaabka tamarta kordhiya ahi ay ku keenayso khatar caafimaad oo dhinaca dhiigkarka iyo wadne xanunka ah. Waxa aanay khubaradu sheegayaan in sababta ugu weyni ay tahay maadadda Caffeine ee ku jirta. Ogow in Caffeine tu ay ku jirto, bunka, shaahyada qaar, soodhaha, shaaglaydhka, iyo cuntooyin kale.