Dhaqdhaqaaqyada Bulsho: Sooyaalka Kacdoonnada Rayidka Ah Ee Dunida Soo Maray Intii Ka Dambaysay 1978

0
852

‘Dhaqdhaqaaq bulsho’ waxa uu adduunka ka noqday erey leh laxan soo jiita dareenka dadka, sidaas awgeed cid kasta oo si uun ugu lug yeelata arrin uun ka mid ah arrimaha bulsho ee rayidka ahi waxa ay jeceshay in ay hawshaas ugu yeedho dhaqdhaqaaq bulsh. Buugga ‘Social Movement’ (Dhaqdhaqaaq bulsho) oo ay wada qoreen taariikhyahanka Maraykan ee Charles Tilly iyo caalimka cilmia Bulshada, haweenayda lagu magacaabo Lesley J. Wood oo u dhalatay Kanada ayaa isaguna muhiimad gaar ah ku mutaystay ka hadalka isla mawduuca dhaqdhaqaaqyada bulsho oo uu si cilmiyeysan u soo bandhigaya.

Inkasta oo marka dib loo raaco taariikhda dhaqdhaqaaqyada bulsho ee adduunka soo maray laga arkayo waxyaabo ay wadaagaan oo ay ku kasbanayaan in loogu yeedho magaca dhaqdhaqaaq bulsho, laakiin weli ma jirto qeex cilmi ahaan la isku waafaqsan yahay oo ay leedahay ‘Dhaqdhaqaaq bulsho’ sidaas awgeed xeeldheereyaasha lafagura cilmiga bulshada, iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo cid kasta oo ka warramaysa dhaqdhaqaaq bulsho waxa ay ku qeexdaa ereyeynta ay iyaga la qurux badnaata.

Waxa uu qeex u samaynayaa dhaqdhaqaaqyada bulsho, waxa aanu dib u racaayaa curashadii bilowgii hore ee dhaqdhaqaaqyada bulsho ee adduunka oo ahayd dabayaaqadii qarnigii 18 naad iyo waayihii kala duwanaa ee uu dhaqdhaqaaqaasi soo maray intii ka dambaysay waqtigaas.

Buugga ‘Social Movements’ waxa uu soo baxay sannadkii 2004, laakiin xiisaha uu ka helay akhristayaasha awgeed waxa soo baxay daabacaado badan ay u dambaysay 2012 kii oo ay ku jirtay tilmaam la xidhiidha kacdoonnadii bulsho ee la baxay ‘Gu’ga Carabta”

Dabayaaqadii qarnigii 18naad waxaa dalalka reer galbeedka ka soo if baxay dhaqdhaqaaqyo bulsho oo aqoonsi ballaadhan ka helay dalalka Yurub, halka woqooyiga Ameerikana ay dhaqdhaqaaqyadaasi aqoonsi ka heleen qarnigii 19naad, kaddibna si ballaadhan ay dunida oo dhan ugu faaftay, magaca ‘Dhaqdhaqaaq bulshana’ noqday mid aad ah loo bartay.

Marka aynu qaaradda Yurub gaar u dul istaagno sannadkii 1768 kii waxaa London iyo meelo ka mid ah Maraykanka oo markaas ahaa mustacmarad Ingiriis, waxaa ka dhacay gadood dadweyne. Laga bilaabo sannadkaast waxaa dhashay waxa loo yaqaanno dhaqdhaqaaq bulsho oo saamayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqyadii bulsho, sida o o kalana waxaa soo baxay sababo ay caan ku noqdeen isbedelladii siyaasadeed yio dhaqaale ee muddadaas dhacayey, taas oo ka qayb qaadatay koritaanka dhaqdhaqaaqyada bulsho. Waxa aanay ahaayeen dagaalka, dhaqdhaqaaqa baarlmaaniga ah, hanti-goosadka iyo dhaqdhaqaaqii Proletarius ka loo yaqaannay oo ka dhashay dhaqaalaha adduunka ee dadka kooban kootada ugu xidhay, kaas oo raadinayey furfurnaan dhaqaale.

Buuggu waxa uu soo bandhigayaa afar dal oo uu tusaale ahaan uga soo qaadanayo dhaqdhaqaaqyada bulsho. Waa dalalka Faransiiska, Beljam, Maraykanka iyo Ingiriiska. Waxa uu sheegayaa in doorashooyinkii lagu tartamay ee is daba joogga ahaa ay ka mid ahaayeen sababaha ugu badan ee xoojiyey soo if baxa dhaqdhaqaaqyada bulsho. Isla markaana ay hageen halganikii bulsho ee qarnigii 18naad.

Labadii dagaal weyne ee adduunka ayaa iyaguna qayb laxaad le hka qaatay kor u kaca dhaqdhaqaaqyada bulsho ee adduunka, oo sannadkii 1968 kii ka bilowday Yurubta galbeed kaddibna ku fiday Ameerikada woqooyi iyo Koonfureed, Boolaanda iyo jamhuuriyadda Jeek, inkasta oo ay ahaayeen dhaqdhaqaaqyo waxa lagu doonayaa ay kala duwan yihiin.

Marka uu taariikhdaa fog ee dhaqdhaqaaqyada bulsho iyo marxaladaha ay soo mareen ka sheekeeyey kaddib, waxa uu buugga ‘Social Movement’ tilmaamayaa in qarniga 21 naad dhaqdhaqaaqyada bulshadu ay yeesheen saamayn aan hore u jirin, sababta ugu badanna waxa uu k usheegayaa baraha xidhiidhka bulshada oo noqday meesha ay ka urto dhimbiisha dhaqdhaqaaqyadu. Waana halkii ay ka bilaabmeen kacdoonnadii Gu’ga carbeed oo, oo laguba naanayso kacdoonnadii Facebook ga.

Waxa uu sheegayaa in dhaqdhaqaaqyada bulsho aanay ahayn wax ku kaca hindse farsamo oo cid gaar ah ka timi, balse ay yihiin wax ku curtay dareennada ka dhasha isbedellada bulsho iyo siyaasadeed. Waxa aanu hoosta ka xariiqayaa in warbaahinta bulshadu ay tahay hannaanka ugu habboon ee ay ku xidhiidhi karto bulshada dhaqdhaqaaqa ama kacdoonka waddaa, sababahana ay ka mid tahay kharashka ka gelaya oo yar iyo cabsida ay nidaamyada ka qabaan oo aan u suurtagelinayn in ay helaan hab kale oo ay ku xidhiidhaan.

Ugu dambayn waxa uu buuggu ka warramayaa afar weji oo ay dhaqdhaqaaqyada bulsho ee qarniga 21naad yeelan karaan msutaqbalka. Kuwaas oo ah; in ay noqdaan kuwo caalamiya oo aan deegaanno gaar ah ku koobnayn, in ay isu beddelaan xirfad, in ay hoos u dhac dimuqraadiyadeed keenaan iyo guul. Isaga oo qodob kasta gaarkiisa u sharraxayana waxa uu xusay in hoos u dhaca dimuqraadiyadeed uu ku imanayo marka ay nidaamyada ka hortegeya dhaqdhaqaaqyada bulshadu burburiyaan dhammaan noocyada dhaqdhaqaaq ee bulshada ay ka dareemaan, gaar ahaan kuwa muuqda, taasina ay abuurto dimuqraadiyad la’aan. Laakiin waxa uu sheegay in aanay rajo la’aan ahayn oo mark asta ay jirayaan dhaqdhaqaaqeyaal bulsho oo maxalli ama heer gobal ah, oo kacdoonno soo laba kacleeya ku kaca.