Hadhimo-sharafeed Siyaasadeed Oo Maanta Ka Qabsoontay Hargeysa

0
835

Hargeysa (Geeska) – Arbacada Maanta waxa Magaalada Hargeysa Hadhimo-sharafeed loogu sameeyay inta badan siyaasiyiinta xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.

Casuumaddan qadada ah oo ay ka qayb-galeen Siyaasiyiin intooda badan xilal ka soo qabtay Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa lagu wadaagay Aragtida ah in loo midoobo ka qayb-galka shir-weynaha Afraad ee Xisbiga KULMIYE, kaasi oo inuu qabsoomo loo muddeeyay horaanta bisha 10-aad ee sannadkan 2020.

Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Amb. Baashe Cawil Cumar oo Casuumaddan u sameeyay Hal-doorka siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE oo qoraal kooban ka soo saaray ujeeddada Hadhimo-shareefaddan ayaa yidhi “Farxad bay ii ahayd in aan Maanta  Hadhimo Sharafeed u sammeeyo qaar ka mid ah Hal-doorkii Xisbiga Kulmiye.

Ugu horreyntii waxaan la wadaagay sida ay muhiim u tahay in loo midoobo Aragti ahaan ka qayb-galka Shirweynaha Afraad ee Xisbiga Kulmiye ee dhawaan qabsoomi doona Insha Allaah, Xisbiga Kulmiye na halkaas ku soo gaadhay Dulqaad, Isku tanaasul, iyo dimuqraadiyad qaan-gaadh ah oo dhexdiisa ka jirta. Ugu dambayntii waxaan uga mahad celinayay ka soo qayb-galkooda Marti qaadka Hadhimo Sharafeed ka ahayd ee aan u fidiyay.”