Diinta Islaamka Oo Ka Badbaadday Hoos U Dhac Ku Yimi Aaminsanaanta Diimaha Ee Adduunka

0
718

Sannadihii hore ee qarnigii 21naad waxaa dunida oo dhan kor u kacay heerka aaminaadda diimaha. Burburkii Midowga Soofiyeti iyo nidaamkii uu hoggaaminayey ee Shuuciga ahaa ayaa soo kordhiyey madhnaanshiyo dhinaca fikirka iyo aaminsanaanta ah oo badan, gaar ahaan dalalkii Shuuciga ahaa waxaana kaalintii buuxiyey mad-habta Orthodox ka ee Kiristaanka.

Doorashadii Madaxweynihii Maraykanka ee George W. Bush oo ahaa Kiristaan Injiili ah, oo aan ka waaban in uu ku faano ku dheggenaanta diintiisa ayaa iyaduna sababtay in ay kor u soo kacdo Masiixiyadda Injiiliga ah, oo aan aaminsanaan keliya noqon balse saamayn siyaasadeed oo xooggan ku yeelatay Maraykanka. Weerarradii diyaaradaha ee 11-kii Sabtember lala beegsaday Maraykanka ayaa iyaguna dareenka adduunka ku soo jeediyey awoodda uu Islaamka siyaasiga ahi adduunka ku leeyahay.

Warbixin ay faafisay majaladda Foreign Policy ee dalka Maraykanka ka soo baxda ayaa qoraaga Ronald F. Inglehart waxa uu sheegay in isaga iyo jaalkiisa ay 12 sano baadhis ku wadeen xogo la xidhiidha aragiyaha diimeed eek a jira 49 dawladood, muddadii u dhexeysay 1981 kii illaa 2007 dii. Waxaana u soo baxay in aanay jirin ka jeesasho dadka adduunku kaga durkayaan diimaha, waxa se soo baxday in dalalka uu dakhligoodu sarreeyo ay ku sii yaraanayso ku dhaqanka diimuhu.

Daraasaddani waxa ay muujisay in dadka ku dhaqnaa 33 dal oo ka mid ah 49 ka la sahamiyey in sannadahaas ay kor u kacday heerka ku dhaqanka diimaha kala duwan eek a jiray, iyo in aanay is beddelka warshadaha iyo faafitaanka aqoonta saynisku aanay sidii laga filayey sababin in ay hoos u dhacdo diintu, laakiin intii ka dambaysay sannadkii 2007 xaaladdu si degdeg yaab leh ah ayaa ay isu beddeshay.

Intii u dhexeysay 2007 illaa 2019 kii waxaa sii weyn soo baxday in dalalka adduunka badankooda uu hoos u dhacay ku dhaqanka diimuhu. Weliba hoos u dhacaasi kuma uu koobnayn dalalka dakhligoodu kor u kacay sida looga bartay, balse waxa ay ahayd arrin dunida oo dhan ku fidsan. Qoraagu waxa uu sheegay in sida oo kale ay hoos u dhacday aaminsanaantii hore ee ahayd in qofku uu diinta uu aaminsan yahay ka dhigto il uu ka raadsado taageerada nafsiga ah iyo fahamka macnaha noloshooda.

Kor u kaca diimaha iyo hoos u dhacooda

Qoraagu waxa uu sheegay in cilmibaadhis hore oo uu sameeyey, ay muujiyeen in intii u dhexeysay 1981 kii illaa 2007 ay markii ugu horreysay muddo rubuc qarniya si xawaare ah kor ugu kacday aaminsanaanta diimuhu. Waxaana soo baxday in dadka adduunka gaar ahaan dadka dalalkii ka go’ay midowga Soofiyeti ay garwaaqsadeen muhiimadda ay nolosha u leedahay in Ilaah la caabudo. Dalalka aan midowga Soofiyeti ahayn ee aaminsanaanta diimuhu kor u kacday waxaa ka mid ahaa Baraasiil, Shiinaha, Megsiko iyo Koonfur Afrika.

Waxa uu qoraagu caddeeyey in intii ka dambaysay sannadkii 2007 dii ay mar kale hoos u dhacday heerka aaminsanaanta diimuhu. Dalalka ay aaminsanaanta diimuhu kor u kacday intii u dhexeysay 1981 kii illaa 2007 haddana mar keliya ay si kedis ah hoos ugu noqotay waxaa ka mid ah Maraykanka, oo uu qoraagu sheegay in intii ka dambaysay 2007 dii uu yahay dalka ay tirada ugu badan ee dadku ka jeesteen diimaha.

Qoraagu waxa uu aaminsan yahay in sababo la xidhiidha siyaasadaha adduunka iyo fadeexadihii dhowaan ka dhacay kaniisdaha adduunka ee la xidhiidhay xidhiidhada jinsigu ay kaalin weyn ku leeyihiin hoos u dhaca diimaha ee dalka Maraykanka.

Sannado badan ayaa uu dalka Maraykanku ahaa xujada ug uweyn ee ay haystaan dad ku dooda in aanay horumarka iyo casriyeynta dhaqaaluhu u baahnayn calmaaniyad, sida ay dadka qaar u haystaan. Laakiin hadda waxaa muuqanaya in dalka Maraykanka qudhiisa ay hoos u dhacayso heerka aaminsanaanta diitna, waxa aanu noqday dalka 11 naad ee ku dhaqanka diimuhu uu ugu yar yahay dunida oo dhan.

Karl Marx, Max Wber iyo Emil Durkheim waxa ay saadaaliyeen markasta oo ay aqoontu faafto sii faafto in ay hoos u dhici doonto   aaminsanaanta diimuhu, laakiin arrintaas waaqaca markan dambe adduunyada lagu arkay ayaa beeniyey. Sida uu qoraaga Ronald F. Inglehart sheegayo, waxa aanu intaas ku darayaa dadka badankooda in iimaanka diintu uu ka yahay arrin qiiro iyo jacayl ku dhisan in ka badan inta ay aqoonta dunida ka jirta, waxa kale oo uu xusayaa in waaritaanka noloshu aanay weligeedba taariikhda aadamaha ka ahayn wax la hubo, balse mar kasta xoogganayd aragtida diimuhu caddeeyeen ee ah in noloshu ay dhammaanayso.

Islaamku kuma jiro

Sahamintan lagu sameeyey heerka aaminsanaanta diimaha ee dunidu waxa ay muujisay dalalka ay aaminsanaanta diimuhu hoos u dhacday in aanay ku jirin kuwa muslimka ah. dadka deggen 18 dal oo aqlabiyadda dadkoodu ay muslim tahay ayaa la ogaaday in aanu jirin hoos u dhac la taaban karo oo ku yimi heerkii dadka diinta islaamka aaminsan, taas beddelkeedana waxaaba muuqatay in dadku ay diitna si aad ah ugu dheggen yihiin, ku dhaqankeedana ilaaliyaan, xitaa marka ay arrintu la xidhiidho dhinaca horumarka dhaqaalaha, iyo taranta iyo sinnaanta labada jinsi oo ah arrimaha ugu badan ee kale saamaynta taban ku yeeshay.

Daraasad kale oo la sameeyey sannadkii 2017 kiina waxa ay muujisay in diinta Islaamku ay tahay diinta ugu koritaanka badan dunida. Xarunta daraasaadka ee Pew Research Centre ayaa iyaduna saadaalinaysa illaa sannadka 2050 ka, in tirada muslimiinta adduunku ay u kordhi doonto si ka xawaare badan Kiristaanka. Waxa aanay sababta ku sheegtay in muslimiintu ay da’ ahaan ka yar yihiin isla markaana tartantoodu ka badan tahay dadka Kiristaanka. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in isbeddelka diineed ee saamayna ku yeeshay masiixiyaddu aanu ku dhici doonin ama saamayn ku yeelan doonin muslimiinta, sida ka muquata sahaminaha la sameeyey.

Inkasta oo uu Islaamku ka bilowday jasiiradda Carbeed oo uu Nebi Muxamed (SCW) ka soo baxay, haddana sahamin la sameeyey sannadkii 2002 dii waxaa lagu ogaaday in boqolkiiba 80 dadka muslimiinta adduunku ay yihiin kuwo ku dhaqan dunida aan carabta ahayn.